Antonio Conte Oo La Kulmay Xiddigaha Chelsea Xilli Dacwad Ooge Talyaani Ah Uu Soo Jeediyay In Xabsi Lagu Xukumo.

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:38:31 in Sports News by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo La Kulmay Xiddigaha Chelsea Xilli Dacwad Ooge Talyaani Ah Uu Soo Jeediyay In Xabsi Lagu Xukumo.

    Antonio Conte ayaa kulan lama filaan ah la yeeshay ciyaartoyda Chelsea shalayto, halka dacwad ooge Talyaani ah uu dalbaday in lagu xukumo lix bilood oo xabsi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Conte ayaa kulan lama filaan ah la yeeshay ciyaartoyda Chelsea shalayto, halka dacwad ooge Talyaani ah uu dalbaday in lagu xukumo lix bilood oo xabsi ah.

Macalinka cusub ee Chelsea ayaa go’aan ku gaaray inuusan ka qeybgelin dhageysiga dacwad isaga ka dhan ah oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa ciyaaro natiijooyinkooda la sii qorsheeyay si qamaar loogu guuleysto laakiin waxa uu booqday xarunta Blues ee Cobham. Conte oo 46 sannadood jir ah ayaa daawaday daqiiqadihii uu danbeeyay ee tababarkoodii shalayto ka hor inta aan la barin ciyaartoyda.

Conte ayaa sidoo kale kulan waqti gaaban ah la yeeshay tababaraha ku meel gaarka ah Guus Hiddink.

Laakiin tababaraha Talyaaniga ayaa sugi doona ilaa 1da bisha July marka uu soo dhamaado tartanka Euro 2016 ka hor inta uusan wadahadalo fool ka fool ah la yeelanin ciyaartoyda.

Conte oo tababare u ahaa xulka Talyaaniga tan iyo sannadii 2014 ayaa isniintii ogolaaday inuu muddo seddex sanno ah maamule ka noqdo kooxda Chelsea.

03_05221351_d210e8_2782317a

Laakiin waxa uu eedeymo ku wajahayaa dalkiisa iyadoo lagu eedeynayo inuu qeyb ka yahay fadeexada ciyaaraha natiijooyinkooda la qorsheeyo taasoo hareysay kubada cagta Talyaaniga sannadihii u danbeeyay.

Dacwad ooge Roberto Di Martino ayaa dalbaday in la dedejiyo dhageysiga dacwada tababaraha Talyaaniga isagoo ka maqan maxkamada.

Maxkamada Talyaaniga ayaa dooneysa in Conte lagu xukumo xabsi lix bilood ah iyo inuu ganaax ahaan u bixiyo lacag gaareysa 6 kun iyo 500 ginni ka dib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaano isboortis.

Conte ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa ciyaar la sheegay in natiijadeeda la sii qorsheeyay oo kooxdiisii Siena ay 1-0 kaga badisay Albinoleffe bishii May ee sannadii 2011.

Qareenkiisa Leanardo Cammarata ayaa sheegay: "Waxa uu beeninayaa inuu sameeyay wax qalad ah, waxna kama ogeyn ciyaar lagu qamaaray.”

Maxkamada ayaa go’aan gaareysa 11ka bisha May. Laakiin Chelsea ayaa ku adkeysaneysa in Conte uu yahay mid aan danbi laheyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip