Taageerayaal Ku Dacweynaya Florentino Perez Talaabadii Real Madrid Looga Saaray Copa del Rey Sannadkan.

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:36:56 in Sports News by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaal Ku Dacweynaya Florentino Perez Talaabadii Real Madrid Looga Saaray Copa del Rey Sannadkan.

    Labo taageere oo Real Madrid ayaa qaadaya talaabo sharci ah iyagoo doonaya in magdhow laga siiyo dhibaato maskaxeed oo ay wajaheen ka dib markii Real Madrid laga reebay Copa del Rey sannadkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo taageere oo Real Madrid ayaa qaadaya talaabo sharci ah iyagoo doonaya in magdhow laga siiyo dhibaato maskaxeed oo ay wajaheen ka dib markii Real Madrid laga reebay Copa del Rey sannadkaan.

Dacwad ka dhan ah madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Rodriguez ayaa waxaa xareeyay shalay subax qareenka reer Catalan Felipe Izquiredo. Qareenkaan ayaa matalaya Raul Gimenez Guillem iyo Susana Castano Caba, labo taageere oo Real Madrid ah kuwaasoo sheegay inay saameyn dhaqaale iyo mid maskaxeed ay ku yeelatay markii Real Madrid laga reebay Copa del Rey sannadkan ka dib markii kooxda ay soo saftay ciyaaryahan ganaax ahaa Denis Cheryshev kulankii Cadiz.

1459857587_024638_1459857676_noticia_normal

Ka dib markii ay Cadiz cabasho gudbisay Real Madrid ayaa laga saaray koobka markii lagu helay inay safeen ciyaaryahan ganaax ku maqnaan lahaa markii uu kooxda macalin u ahaa Rafa Benitez.

Guillem iyo Caba ayaa sheegtay in ku hungoobida kooxda inay ku hogaamisay in lagu maadeystay oo maskax ahaan ay dhibaato ay soo gaartay. "Waxaa qasab nagu noqotay in nalagu maadeysto meelaha kafeeyada lagu cabo iyo goobaheena shaqada, taasoo naga dhigtay kuwa bilaa caawin ah.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip