Jose Mourinho Oo Dalbaday Warqad Loogu Balanqaadayo Inuu Noqonayo Tababaraha Xiga Ee Manchester United.

0
Wednesday April 06, 2016 - 11:35:18 in Sports News by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Dalbaday Warqad Loogu Balanqaadayo Inuu Noqonayo Tababaraha Xiga Ee Manchester United.

    Jose Mourinho ayaa doonaya warqad qoraal ah oo loogu xaqiijinayo inuu noqon doono xilli ciyaareedka soo socda tababaraha Manchester United, sida ay qortay jariirada The Sun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa doonaya warqad qoraal ah oo loogu xaqiijinayo inuu noqon doono xilli ciyaareedka soo socda tababaraha Manchester United, sida ay qortay jariirada The Sun.

Macalinka reer Portugal ayaa muddo dheer lala xiriirinayay shaqada Old Trafford, laakiin in Louis van Gaal uu codka kalsoonida ka helay Sir Alex Ferguson ayaa abuurtay shaki ah in tababaraha haatan uu sii wadan doono shaqadiisa xilli ciyaareedka danbe.

2832742_heroa

Taas ayaana keentay in macalinkii hore ee Chelsea inuu doonayo balanqaad rasmi ah oo ka yimaada boodhka maamula Manchester United, si loogu xaqiijiyo shaqadii uu sugayay tan iyo markii laga ceyriyay Stamford Bridge bishii December ee sannadkii hore.

Mourinho ayaa hore u sheegay inuu shaqada tababarenimo ku soo laabanayo xagaaga balse ma uusan carabaabin kooxda uu qaban doono, haddii Man United ay ku sii adkeysato in Louis van Gaal uu sii ahaado tababarahooda xilli ciyaareedka danbe, waxaa la filayaa in Mourinho uu u dhaqaaqo Spain ama Italy.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip