SAWIRO:- Dowladda oo soo bandhigtay Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

0
Monday May 24, 2021 - 20:56:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- Dowladda oo soo bandhigtay Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,



 

Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Maxamed Cadoow Cali (Sanka) ayaa maanta kormeer ku gaarey ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo muddo dhowr sano ah ku jira xero ku taal halkaas oo lagu tababaray.

Ciidamada ayaa ah kuwo isku diyaarinaya ka qeyb qaadashada howlgallada ka socda Gobolka Mudug ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Mudug, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.

 

Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Maxamed Cadoow Cali (Sanka) ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ku sugan Xerada, iyaga oo sheegay in Amniga degmada iyo degaannada ku dhow uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleen karo.

Degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo Xubno ka yirsan Ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip