UK oo Ciiddamo Khaas ah u soo direysa Soomaaliya

0
Monday May 24, 2021 - 20:54:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK oo Ciiddamo Khaas ah u soo direysa Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


U.S. Army Brig. Gen. Damian T. Donahoe, deputy commanding general, Combined Joint Task Force - Horn of Africa, center, talks with service members during a battlefield circulation Saturday, Sept. 5, 2020, in Somalia. No country has been involved in Somalia's future as much as the United States but now the Trump administration is thinking of withdrawing the several hundred U.S. military troops from the nation at what some experts call the worst possible time. (Senior Airman Kristin Savage/Combined Joint Task Force - Horn of Africa via AP)

 

250 ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee UK ayaa loo soo diri doonaa Somalia, si ay Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM taageero uga siiyaan La-dagaalanka Alshabaab.

Wargeyska Express ee ka soo baxa London waxa uu cadadkiisa shalay oo Axad ahayd qoray Xog ku aadan in Ciiddankaasi loo soo daabuli doono gudaha Somalia 12-ka bilood ee soo socota.

 

Arrintan ayaa timid dhowr bilood kadib, markii la asaasay Guutada Hawlgalka Khaaska " The Special Operation Brigade”, oo uu ku dhawaaqay Taliyihii hore ee Ciiddanka Cirka ee Khaaska UK ee Special Air Service (SAS) , Jeneral Mark Carleton-Smith oo haatan madax ka ah Ciiddanka Britain.

Jeneral Mark Carleton-Smith waxa uu qorshihiisa ku soo bandhigay Golaha Atlantic "The Atlantic Council” oo ah Urur aan Xisbina ka tirsanayn, wuxuuna xusay inuu doonayo in 12-ka bilood ee soo socota ku dhiso Guutada Koowad ee Ciiddanka Rangers-ka.

"Waxaan doonayaan inaan arko, iyagoo loo daad-gureeyo Bariga Africa si ay u taageeraan La-hawlgalayaasheenna Bariga Afrika” ayuu yiri Jeneral Mark Carleton-Smith, inkastoouusan sheegin halka Ciiddankaasi loo diri doono iyo muddada inta ay la eg tahay.

Balse, Ilo-wareedyo ayaa waxay habeen hore xaqiijiyeen in Ciiddankaasi saldhigooda noqon doono Somalia, si ay Ciiddanka Khaaska ee Somalia ugu tababaraan Xeelladaha Dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

"Dadkeena waxay bedeli doonaan Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee tababari jirey Ciiddanka Dowladda Somalia” ayaa lagu yiri Xogtaasi oo uu Wargeyska Express soo xigtay.

Si kastaba ha ahatee, Shaacinta goobta ugu horeysa ee ay Ciiddanka Rangerska UK ka fulin doonaan Hawlgalkooda Koowad ee Somalia ayaa la rajeynayaan in lagu dhawaaqo Shirweynaha Hoggaamiyayaasha dalalka G 7 ay bisha soo socota ee June 11-da ilaa 13-da ku yeelan doonaan Gacan-biyoodka Carbis Bay ee Gobalka Cornwall ee dalka Britain




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip