Shiishad, Sigaar Cabis Iyo Inuu Dhaawac Ku Seegay 163 kulan Oo Kooxdiisa Ah Kaliya Mudo Afar Xili Ciyaareed Ah, Waa Maxay Casharaka Xiga Ee Laga Filan Karo Jack Wilshere ?

0
Tuesday April 05, 2016 - 13:40:33 in Sports News by
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiishad, Sigaar Cabis Iyo Inuu Dhaawac Ku Seegay 163 kulan Oo Kooxdiisa Ah Kaliya Mudo Afar Xili Ciyaareed Ah, Waa Maxay Casharaka Xiga Ee Laga Filan Karo Jack Wilshere ?

    Laacibka khadka dhexe ee ARSENAL Jack Wilshere ayaa dhaawac ku seegay 32 bilood oo waqti kubadeed ah iyo 163 kulan oo ay kooxdiisa Gunners ciyaartay tan iyo xagaagii 2011, sidaasi waxaa qortay The Sun Sport.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka khadka dhexe ee ARSENAL Jack Wilshere ayaa dhaawac ku seegay 32 bilood oo waqti kubadeed ah iyo 163 kulan oo ay kooxdiisa Gunners ciyaartay tan iyo xagaagii 2011, sidaasi waxaa qortay The Sun Sport.

Haatan xidigaan ayaa qarka u saaran inuu garoomada ku soo laabto kadib dhaawac bowdada ah oo u diiday inuu kubada darbeeya ku dhawaad sanad, dhibka ugu weyn ayaa ah inuusan wax ka baran casharadii uu ka qaatay dhaawacyadii hore iyo habdhaqankiisa garoonka banaankiisa ah taasoo su’aal galineysa macalin Wenger sida uu ugu tashan karo wiilkaan.

Inta badan shalay wuxuu waqtigiisa ku lumiyay inuu iskaga jawaabo eedeymo uu kala kulmayay dagaal uu ku galay galbeedka London meel ku taala oo lagu caweeyo taasoo ka careysiisay macalinkiisa oo doonayay in xidigaan uu diirada saaro kulanka ay kooxda 21 jirada ciyaareyso todobaadkaan si uu qeyb uga noqdo kulankaas waxaana la filayaa hadii uu si fiican u ciyaaro kulankaasn inuu qeyb ka noqdo kulanka la yeelan doonaa West Brom April 21.

Wilshere

Taas ayaa siin doonta fursad shan kulan ah uu ugu cadeeyo macalinka xulka ingiriiska taam ahaanshihiisa si loogu yeero xulka Euros ka u safri doonaa, maclainkiisa ayaana asxaan badan u fali doona xidigaan maadaama uu labadii Euro ee ugu danbeysay uu dhaawac ku seegay.

Hodgson ayaa aad ugu kalsoon in Wilshere uu awood u leeyahay inuu kubada kasoo saaro daafacyada sidoo kalena uu soo gaarsiiyo khadka dhexe iyo weerarka wuxuuna noqon karaa mataanaha ugu fiican ee Eric Dier ee khadka dhexe ee England sidoo kale Wilshere qudhiisa ayaa qaba in booska no,6 uu yahay kiisa ugu saameynta badna marka uu taam buuxa yahay laain Arsene Wenger ayaan dooneyn inuu xidigaan ka ciyaarsiiyo booskaas wuxuuna u sheegaa inuu diirada saaro sidii uu ku noqon lahaa no.10 buuxa taasoo keeneysa inuu tartan toos ah la galo xidiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal ee Mesut Ozil kaasoo ku fadhiya lacag dhan £42.5 milyan oo pound.

Jack

Wilshere ayaa ku caan baxay dhaawacyo, shiishad dhuuqis, sigaar cabis iyo inuu habeenkii saamo leylo ama guureeyo ama dhafro habeenkii hadba sidaad u taqaano wuxuuna si buuxda shaki u galinayaa wixii mucaashaqiinta kubada cagta u muuqday lix sano ka hor markii wiil yar oo 16 sano jir ah uu kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal uu kasoo muuqday wuxuuna haatan shaki galinayaa inuu qandaraas cusub ka helo kooxdiisa maadaama ay haatan kaliya labo sano ka harsan tahay heshiiskiisa uu haatan ku qaato £80,000- oo pound todobaadkii.

Dhaqan xumadiisii todobaad dhamaadkaan baasiin ku sii dareysa dabkii markii horeba shidnaa ee ku aadanaa waayihiisa kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip