Garabka Cabdi Xaashi ee xildhibaanada waqooyi oo sheegtay heshiis iyo Mahdi Guuleed oo diiday

0
Monday May 24, 2021 - 20:36:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabka Cabdi Xaashi ee xildhibaanada waqooyi oo sheegtay heshiis iyo Mahdi Guuleed oo diiday

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay la qaateyn garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xil-garsiinta Mahdi Guuleed.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay in kulankaas la isku afgartay illaa 3 qodob sidoo kalana la isku fahmi waayey qodobo kale kadib markii ay sheegeyn inuu diiday Mahdi Guuleed.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Mahdi Guuleed uu diiday in guddiga doorashooyinka ay labada dhinac usoo dhisaan, si isla eg isla markaasna heshiis buuxda lagu yahay.

Sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay in shirka doorashooyinka dalka looga hadlayo uu noqdaa mid muuqaalka midnimada JFS ka muuqdo oo ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Qodobada war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu heshiiyey ayaa waxay kala yihiin
  • In siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo isku duuban ay u madax-bannaanaadaan maamulka doorashooyinkooda.
  • In Siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay si wadajir ah u dhistaan Guddiga sare ee Jiheynta Maamulka doorashooyinka (Steering Committee) oo aan ka yareyn 5, kana badnayn 9 Xubnood.
  • In doorashada Xildhibaanada Gobolada waqooyi lagu qabto xerada Ciidanka ee Afisyooni, iyada oo ammaankeeda loo xilsaarayo ciidamo gaar ah oo ka socda Boolislka Soomaaliyeed iyo AM1SOM, goobjoogayaalna ay ka yihiin warbaahinta, Beesha Caalamka iyo daneeyayaasha doorashada 2021.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in warqaddaan ay tahay mid wax kama jiraan ah, wuxuuna hadalka Mahdu u muuqdaa inuu yahay mid uu kaga soo horjeedo eedeynta loo jeediyey ee ah inuu diidan yahay in dhismaha guddiga doorashooyinka Somaliland loo dhiso qaab heshiis lagu yahay.

Halkaan hoose ka akhriso war saxafaadeedka oo dhameystiran

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip