Imaaraadka Carabta oo ka laabtay dhex-dhexaadinta Suudaan & Itoobiya

0
Monday May 24, 2021 - 20:34:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Carabta oo ka laabtay dhex-dhexaadinta Suudaan & Itoobiya

    Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) waxay sheegtay inay ka laabatay Hindisaha Dhexdhexaadinta ee ay ku doonaysay in lagu xaliyo muranka xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) waxay sheegtay inay ka laabatay Hindisaha Dhexdhexaadinta ee ay ku doonaysay in lagu xaliyo muranka xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia. Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay inay Tallaabadaasi timid, kadib, markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee Gobalka Gardef ee Bariga Sudan. Hindisaha Imaaraadka waxa kale oo uu dhigayey in 25% oo ka mid ah dhulkaasi ay Beeraleyda Ethiopianka loo hibeeyo, si ay u tacbadaan. Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaalladda Abu Dhabi waxa uu shalay oo Axad ahayd qoray inay Dowladda Imaaraadka si rasmi ah ugu wargeliyeen Dowladda Sudan inay ka laabteen Hindisihii Dhexdhexaadinta ee lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia. Qoraal ay Dowladda Imaaraadka u dirtay Dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan Mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers). Wasiirka Maaliyadda ee dalka Sudan, Jibriil Ibraahim waxa uu dhawaan sheegay inay Dowladda Imaaraadka soo bandhigtay inay 8 Billion oo Dollar ku maalgelin doonaan Mashaariic Beereed oo laga hirgelinayo Deegaanka Al-Fashaqa ee Gobalka Gardef ee Bariga Sudan. Dhinaca kale, Madaxa Golaha KMG ee haya Talada Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhan oo dhawaan socdaal ku tegay Imaaraadka waxa uu Madaxda dalkaasi ku wargeliyey in marka hore la calaamadeeyo Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, ka hor inta aan laga hadlin wax Mashaariic ama joogitaanka shaqaalaha Ethiopianka ee Deegaanka Xuduudka. Saraakiisha Sudan waxay sheegeen inaysan Beeralayda Ethiopia mar kale u oggolaan doonin Joogitaankooda Xuduudka, ilaa inta si rasmi ah loo caddeynayo xuduudka labada dal. Dowladda Ethiopia waxay ka biyo diidsan tahay Heshiiskii Xuduudka ee ay wada saxiixdeen Ethiopia iyo Sudan sanadihii 1902-dii, 1903-dii iyo 1972-kii




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip