CC SHAKUUR oo la kulmay saddex madaxweyne goboleed

0
Monday May 24, 2021 - 20:18:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CC SHAKUUR oo la kulmay saddex madaxweyne goboleed

    – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo uu albaabada u xirna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

– Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo uu albaabada u xirnaa ayaa ka qabsoomay Hotelka Peace, wuxuuna u dhexeeyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah MUSHARRAX madaxweyne iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo sidoo kale Koonfur Galbeed. Intii uu socday kulankan gaarka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan uu qaban qaabadiisa lahaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isla-markaana uu ujeedkiisu ahaa sidii uu taageero uga heli lahaa madax goboleedyada musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale kulankan ayaa muujinaya inuu bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyo sameynta isbaheysiyo gaar ah oo lagu wajahayo tartanka culus ee doorashada sanadkan. Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan dadaal xoogan muujinayo, maadaama la guda- galayo doorashooyinka 2021-ka, iyaga oo kala jiidanaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada ayaa sidoo kale daba socda kulamo gaar gaar ah oo saacadihii ugu dambeeyey ka dhacay caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo doorashada 2021-ka. Si kastaba Soomaaliya ayaa galeyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kadib marka uu soo dhammaado shirka wada-tashiga qaran ee haatan ka socda Teendhada Afisyooni, kaas oo go'aan rasmi ah looga gaarayo muranka doorashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip