Sidee Ayeey Noqon Doontaa Shaxda Uu Macalin Antonio Conte Kula Soo Shiratgi Doono Kooxdiisa Chelsea Xili CIyaareedka Danbe ?

0
Tuesday April 05, 2016 - 13:38:24 in Sports News by
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayeey Noqon Doontaa Shaxda Uu Macalin Antonio Conte Kula Soo Shiratgi Doono Kooxdiisa Chelsea Xili CIyaareedka Danbe ?

    Macalin Antonio Conte ayaa xagaaga la wareegi doono shaqada kooxda Blues oo ku dhameysatay kaliya meel dhexe oo horyaalka ah ama ugu sareyn kaalmaha loogu soo baxo Europe League waxaana looga fadhiyaa dib u dhis weyn oo kooxda, hadaba sidee ayeey noq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin Antonio Conte ayaa xagaaga la wareegi doono shaqada kooxda Blues oo ku dhameysatay kaliya meel dhexe oo horyaalka ah ama ugu sareyn kaalmaha loogu soo baxo Europe League waxaana looga fadhiyaa dib u dhis weyn oo kooxda, hadaba sidee ayeey noqon kartaa shaxda macalinkaan ee kooxda Blues ? Shabkada ciyaaraha ee Goal ayaa soo sartay shax ay ku sheegtay tan ay ku maleynayaan inuu Conte la soo shirtagi doono xagaaga danbe waxaana ku jira ama ka maqan xidigo muhiim ah.

Goolhaye:Thibaut Courtois

Booska goolhayahaan ayaan u muuqan mid shaki ku jira inkastoo isaga mustaqbalkiisa kooxda uu shaki ku jiro

Daafaca:Branislav Ivanovic,Antonio Conte ayaa lagu yaqaanaa ciyaarista sadex daafac waana mid faa’ido u ah ninkaan Serbian ka ah oo ciyaari kara daafac dhexe iyo mid midigba.

Daafac :Gary Cahill,30 jirkaan u dhashay England ayaa wali mustaqbal ku leh kooxda wuxuuna ku duceysan doonaa in Conte uusan hore u soo wadan Leonardo Bonucci oo si weyn loola xiriirnayo

Daafac :Mats Hummels,Iyadoo uu Terry kooxda ka tagayo dhamaadka xili ciyaareedkaan ayaa Hummels looga arkaa badalkiisa ugu fiican Stamofrd Bridge inkastoo uu yahay nin uu dhaawac dishooday.

Daafaca bidix:Cesar Azpilicueta,Ninkaan ree Spain ayaa leh dhaqaaq hore iyo daafacasho sidoo kale wuxuu taageero u yahay macalinkaan waliba wuxuu qirtay inta uusan macalinkaan imaan Blues.

Khadka Dhexe:John Obi Mikel,Wadnaha khadka dhexe ee Chelsea waxaa la filayaa in lagu aamino ninka aan helin abaalkii uu mudnaa ee Mikel.

Khadka Dhexe: Miralem Pjanic,MiyuuBosnian kaan noqon karaa Pirlo-ha cusub ee Conte ee Stamford Bridge? Cesc Fabregas ayaa u muuqda mid booskiisa u weyn doona xidigaan dhaqdhaqaaqa badan,

Garabka Midig:Willian,Malaha waa xidiga ugu fiican Chelsea ee xili ciyaareedkaan, sidoo kale muhiim ayuu u noqon karaa waayaha cusub ee macalin Conte.

Garabka Bidix:Eden Hazard:Jose Mourinho geesigeesigii 2014-15, Hazard ayaa si xanuun badan u noqday mid ay musiibo ku dhacday, kaliya halmar ayaa meel uusan ogeyn looga soo dhacay, ma habaarkii ay daafacyada habaareen ayaa ka soo baxay ?

Kubad Sameeyey:Paul Pogba,Juventus ayaana sii deyn doonin wiilkaan waliba si sahal ah laakin wuxuu noqon karaa wiilka dahabiga ah ee Blues hadii ay saxiixiisa kaga adkaadaan Barcelona, Real Madrid, Manchester City iyo Paris Saint-Germain,halka Juve ay wax waliba sameyn doonto si ay u helaan.

Weerarka:Gonzalo Higuain,Napoli ayaa u muuqata kuwo macsalaameeyay Scudetto laakin goolasha xidigaan ayaa ah kuwo heer kale gaarsiin kara koox kasta is fahan iyo ixtiraam fiican ayaana ka dhexeeya isaga iyo Conte.

Conte at Chelsea




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip