Weerar khasaare geystay oo ka dhacay SOMALILAND

0
Monday May 24, 2021 - 19:56:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar khasaare geystay oo ka dhacay SOMALILAND

    Wararka laga helayo deegaanada Somaliland ayaa sheegaya in xalay weerar khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo si weyn looga dareemayo ololaha doorashada Somaliland. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo deegaanada Somaliland ayaa sheegaya in xalay weerar khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo si weyn looga dareemayo ololaha doorashada Somaliland. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ka socotay olole doorasho, isla-markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah, sida ayCaasimada Onlineu xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Goobta la weeraray ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xafiis ku leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah musharrax u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka intii uu socday rasaas xoogan laga maqlay goobta, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xarunta, kuwaas oo qaarkood la dhigay goobaha caafimaad ee Laascaanood. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland iyo sidoo kale maamulka gobolka Sool oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo baaritaano ah ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sool. Lama oga kooxda ka dambeysay weerarkan oo goobta isaga baxsatay, balse wuxuu kuu kusoo aadayaa, iyadoo Somaliland ay ka billowdeen ololaha doorashada ee maamulkaasi. Si kastaba gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo u badan weeraro qorsheysan iyo dadaallo u dhexeeyo beello wada-daga gobolladaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip