Guddiga Qaran Ee Amniga Doorashooyinka Dalka Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

0
Monday May 24, 2021 - 08:11:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Qaran Ee Amniga Doorashooyinka Dalka Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka ayaa maalintii shalay aheyd kulan looga hadlaayay amniga doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

     Sidoo kale kulanka ayaa inta uu socday waxaa ay Guddiga isaga xog-wareysteen xaaladdihii ugu dambeeyay ee amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho, iyagoona isla gartay dardar-gelinta sugida amniga.

       "Waxaa aan guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu Qoraal uu soo saaray ku yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

      Kulankan ay yeesheen Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka ayaa waxaa uu ku soo aadaya, iyada oo shalay uu shaaciyay Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale in dowladda u diyaar garoowday sugida amniga doorashada dhaceysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip