Warbixin: Saameynta Zidane, Soo Laabashada Kalsoonida Kooxda Iyo Shan Waxyaabood Oo Ay Real Madrid Ku Rumeysan Tahay Iney Ku Hanan Karaan Champions League

0
Tuesday April 05, 2016 - 13:36:15 in Sports News by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Saameynta Zidane, Soo Laabashada Kalsoonida Kooxda Iyo Shan Waxyaabood Oo Ay Real Madrid Ku Rumeysan Tahay Iney Ku Hanan Karaan Champions League

    Los Blancos ayaa kaliya u tartameysa tartanka Champions League, guuldaro ay kala kulmaan Wolfsburg ayaa cimri degdeg ku ridi karta xidigaha magaca leh ee koxoda qaarkood iyo waliba macalin Zizu oo rajo weyn ka leh iney kooxda kasii wada shaqeeyaan xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Los Blancos ayaa kaliya u tartameysa tartanka Champions League, guuldaro ay kala kulmaan Wolfsburg ayaa cimri degdeg ku ridi karta xidigaha magaca leh ee koxoda qaarkood iyo waliba macalin Zizu oo rajo weyn ka leh iney kooxda kasii wada shaqeeyaan xili ciyaareedka danbe, hadaba waxaan

eegeenaa shan waxyaabood oo ay Madrid aamisan tahay iney u sahli karaan hanasha Champions league waxaana warbixintaan qortay As anagana waxaan kaliya ku sameynay turjumaad/

‘Bir Keylor’ Oo Shabaqa Dhex Taagan

Ciyaartooyda ayaa og in howl waliba oo la qabta ay ugu horeysay inuu kaa danbeyo nin aad isku haleyn karto, aad waxay ugu rajo weyn yihiin ciyaartooyda kooxda iney xili ciyaareedka ku dhameystaan iyadoo ay qaanada ugu jirto bilda Champions league-gii 11 aad ee kooxda ama waxa loo yaqaano La Undecimo, ilaaliye Keylor Navas ayaana fure u noqon kara arintaas.

Navas

‘BBC’ Oo Jaanta Isla Helaya

Real Madrid ayaa heysata sadex kamid ah dilaayaasha ugu cabsida badna yurub, waxay suuqa ka saareen kuwa laga cabsado ee Barcelona ee MSN loo yaqaano si ay natiijo wax ku ool ah ugala soo laabtaan Barca, waxay dhexdooda dhaliyeen Bale, Benzema iyo Cristiano 82 xili ciyaareedkaan inkastoo ay inta badan xili ciyaareedka dhaawacyo ku seegeen labada BB.

BBC

Casemiro: Mulaxamiistaha Khadka Dhexe Ee Real

Tan iyo markii Zinedine Zidane uu khadkiisa dhexe ugu yeeray 24 jirkaan ree Brazil waxaa muuqata iney heleen sinaan iyo isku dheylitirnaan, wuxuu xoriyad buuxda siiyay Luka Modric iyo Toni Kroos si ay fursado u abuuraan.

Casemiro

Kooxda Oo Kalsooni Heshay

Ma jirto wado ka fiican oo ay kalsooni ku helin kareyn ilaa iney Ciudad Condal sadexda dhibcood kala soo laabtaan, sidoo kale ay soo afjareen rikoorkii guuldaro la’aanta ee Barcelona ahaa 39-ka kulan, Los Blancos ayaana kaliya soo yareyn farqiga dhibcaha ee Barca ee sidoo kale waxay hore u qaaden talaabo niyad dhis fiican u ah.

Squad

Sameynta Zizou

Wuxuu Zidane ku guuleystay dagaalkii shaxeed ee Luis Enrique, El Classico ayaana muujisay inuu noqon karo maclain weyn, kooxda ayaa aaminsan saameyntiisa iyo sida uu fariinta u soo gudbiyo, sidoo kale kama xishooda inuu qaato go’aano waa weyn isagoo kursiga keydka ku iloobay Isco iyo James soona xushay Casemiro halka uu badal ku keenay Lucas Vázquez, kuwaasoo u qalma waqti ciyaareedkooda.

Zidane




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip