Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray dad uu kujiro Wariye

0
Sunday May 23, 2021 - 21:51:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray dad uu kujiro Wariye

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


 

Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ay Xabsiga dhigeen Saddex ruux oo mid ka mid ah yahay Wariye ka howlgalla Radio Hiraanweyn.

Saddexda Ruux ee la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin, Wariye Xasan Maxamed Goosaar oo ka mid ah howlwadeenadda Radio Hiiraanweyn, halka labada kalana ay yihiin dhalinyaro maalmihi u dambeyay wadday Shirar looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo lagu kala Magacaabo Dr Guure Cabdi & Cabdiraxmaan dhegaweyne.

 

Warraka la helayo ayaa sheegaya in sababaha dhalinyaradaan loo xiray ay tahay kadib markii laamaha Amniga ay ka warheleen inay wadeen abaabul ku aadan banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxana lagu xiray Saldhiga Booliska Beledweyne.

Tan iyo markii Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay Cali Guudlaawe ayaa waxaa jiray diidmo ay ka muujinayeen qaar kamid ah bulshada Beledweyne, kuwaas oo qaarkood la xiray.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip