Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

0
Sunday May 23, 2021 - 21:50:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

    Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay xalay weeraro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii weerar bambaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano kadib uu dhacay dagaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay, sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay. Dhinaca kale Bam Gacmeed ayaa lagu weeraray isgoyska Boqoleyda oo ka mida Xaafada Bardaale ee Magaalada Baybadho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed. Wararka weerarkaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Bamka lagu weeraray ay ku geeriyoodeen laba ruux halka 5 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada ay saakay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip