Madaxweynaha Barcelona Ee Joseph Mario Bartomue Oo U Deyriyay Kooxihii DOonayay Neymar Junior Una Sheegay Inuusan Xidigaan Iib Aheyn

0
Tuesday April 05, 2016 - 13:31:01 in Sports News by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Barcelona Ee Joseph Mario Bartomue Oo U Deyriyay Kooxihii DOonayay Neymar Junior Una Sheegay Inuusan Xidigaan Iib Aheyn

    Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Bartomeu ayaa sheegay in kooxdiisa aysan marna qabin wax dareen ah oo ay ku iibinayaan xidigooda Neymar Jr isagoo sheegay in sidoo kale xidigaan uusan la hadli karin koox kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Bartomeu ayaa sheegay in kooxdiisa aysan marna qabin wax dareen ah oo ay ku iibinayaan xidigooda Neymar Jr isagoo sheegay in sidoo kale xidigaan uusan la hadli karin koox kale.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in xidigaan ay aad u doonayaan kooxaha Real Madrid iyo PSG kuwaasoo ku fakarayay iney dhamaadka xili ciyaareedkaan dalabyo ka gudbiyaan xidigaan lkn waxaa loo sheegay iney candhiiftuuda dib u laqaan.

"Hadi ay jirto cid dooneysa helitaanka Neymar, waxaa hubaal ah ineysan heli doonin wax fursad ah oo ay kula hadlaan” ayuu yiri madaxweynaha kooxdaasi Barca ee Bartomeu

neymar-

Wuxuu intaas ku daray isagoo la hadlayayGlobo Esporte ""Neymar wuxuu joogi doonaa Barcelona, waa hubaal midaas koox uu la hadli doono ama uu fursad uu kula hadlo u heli doono ma jirto”.

Neymar ayaa dhaliyay 27 gool 39 uu kooxdiisa Barcelona u saftay xili ciyaareedkaan waxaana qandaraaska uu kula jiro kooxdaani lagu burburin karaa lacag dhan €193 milyan oo euros.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip