Ciidamo Kenyaati ah oo qarax lagula eegtay Deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

0
Friday May 21, 2021 - 20:48:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaati ah oo qarax lagula eegtay Deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

    Ciidamo ka tirsan booliiska Kenya ayaa qarax maanta lagula eegtay deegaanka Banisa degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa sheegaysa in ugu yaraan shan sargaal oo ka tirsan booliiska Kenya ay ku dhaawacm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan booliiska Kenya ayaa qarax maanta lagula eegtay deegaanka Banisa degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa sheegaysa in ugu yaraan shan sargaal oo ka tirsan booliiska Kenya ay ku dhaawacmeen qaraxa, isla markaasna uu geba ahaanba burburay gaarigii ay la socdeen. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaar kamid ah dhaawacyada saraakiisha ay halis yihiin, isla markaasna xaruumaha caafimaadka loo qaaday. Edward Mbugua oo ah sargaal sare oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu jiro khasaaro soo gaaray kooxdii weerarka soo qaaday, howlgalka weyn ee lagu baacsanayana uu socdo. Gaariga booliiska ee qaraxa lala eegtay oo ay la socdeen ilaa 15 askari ayaa waxaa uu ka soo dhaqaaqay deegaanka Baanisa, isagoona ku sii jeeday degmada Mandheera. Ciidamada booliiska Kenya ayaa billaabay howgallo ballaaran, oo ay ku baadi goobayaan kooxihii weerarka soo qaaday oo la sheegay in ay ka gudbeen xadka Soomaaliya iyo Kenya. Saraakiisha ciidamada booliiska Kenya ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-Shabaab. Dhawaan ayay aheyd markii Al_Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo cidamo ka tirsan Kenya oo marayay magaalada Lamu ee dalka Kenya, iyadoona halkaasi lagu dilay shan sarkaal oo ka tirsan booliska dalkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip