AMISOM oo raashin iyo agab kale ku wareejisay Wasaarada gargaarka Soomaaliya.

0
Thursday May 20, 2021 - 20:43:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo raashin iyo agab kale ku wareejisay Wasaarada gargaarka Soomaaliya.

    Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay madaxda Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Qaranka, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay madaxda Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Qaranka, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM ee Xalane. Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa xusay in dad gaaraya 5.9 Milayn oo Soomaali ah ay xilligan u baahanyihiin gar gaar beni'aadannimo, taasi oo ka badan tirada dadka sanadkii hore 2020 oo ahayd 5.2 Milyan. Wasiirka Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay kaalmada ay ciidamada AMISOM soo gaarsiiyeen, waxaana ay intaa ku dartay in deeqda la gaarsiin doono dadka u nugul ee u baahan xilligan in loo gurmado. Madaxa arrimaha beni'aadannimada AMISOM Abdul Diabagate, ayaa sheegay in agabka ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda loogu talagalay in la gaarsiiyo 42,000 oo qof, isagoo intaa ku daray agabka ay ka koobanyihiin, Bariis, Saliid, Sokor, baco, mara kaneecooyin iyo buskut.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip