HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 20-MAY 2021

0
Thursday May 20, 2021 - 09:39:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 20-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka diiday Farmaajo inuu xafiiskiisa ka shaqeeyo Cabdi Dheere

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Roble, ayaa iska diiday Is ku day la doonayay in Cabdi Cali Raage (Cabdi Dhe ere) oo ah La-taliyaha Farmaajo ee arrimaha door ashooyinka in loo soo wareejiyo Xafiiskiisa.

     Maxamed Cabdullahi Farma ajo ayaa ka dalbaday Roble in Cabdi Raage uu ka howlgallo Xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka wada-tashiga doorashooyinka ee 20-ka May, balse Ra’iisul Wasaar aha ayaa ku gacan seyray, isagoona sheegay inuu     Xafiiskiisu ku filan yahay shaqada lagu aaminay.

     Saraakiisha Xafiiska Rooble ayaa tilmaamay in Ro ble u sheegay in Cabdi Dheere uu yahay mid kamid ah yahay bud-dhigayaasha hab fikirka u horseeday da lka dhibaatada ee Farmaajo, taas oo ah in kursiga la isku dhajiyo, uusana aqbali karin in uu la shaqeeyo, maadama uu luminayo kalsoonida saamileyda siya asadda ee qeybta ka ah doorashooyinka.

      Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble, ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, waxana la filayaa inay Muqdisho gaaraan Wafuuda Dowlad Goboleedyada.

Soomaaliya oo Beenisay In ay Kenya Kala Heshiisay Muranka Badda

     Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka heshiiyeen murankii badda ee u dhexee yay labada dal.

Md. Mahdi ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu Shalay baahiyay wageyska The Star ee dalka Kenya kaas oo dhigayay in Soomaliya iyo Kenya ay ku heshiyeen in si siman ay u qeybsa daan dakhliga kheyraadka biyaha lagu muran san yahay.

    "Warbaahinta ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska 50/50 waa mid aan sal iyo ra ad toona lahayn. Waxaan ka sugeynaa xukun cad aalad ah ICJ oo ku saabsan muranka baddeen na”ayuu yiri R/wasaare Guuleed.

     Wargeyska The Star ayaa intaa ku daray in uu xog ku helay in labada dal ay dhawaan ku kulmi doonaa Doha halkaas oo ay heshiis qalinka ku duugi doon aan.

    Waxa uu wargeysku sheegay in arrinta labada dhin ac u kala dabqaadday dowladda Qadar oo heshiisyo shidaal qodis ah kula jirta shirkadaha sahmiya shidaalka qaarkood.

     Gal dacwadeedka badda Soomaaliya ayaa hor yaa lla maxkamadda ICJ iyada oo haatan looga fadhiyo in ay ku dhawaaqdo xukunka rasmiga ah ee kiiskan.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirsha beelle oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar

     Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, ayaa laga soo weriyay iska hor-imaad kooban oo Shalay ka dha cay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleed ka Hirshabeelle.

     Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Hirshabe elle iyo kooxda la baxday Macawislee yda oo doonayay in ay maxaabiis kala baxaan xabsi ku yaalla magaalada.

Sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray, Cali Axmed Go odaad ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday iska hor -imaadka, halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Hirshabeelle. Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaan weli faahfaahin dhammaystiran laga helin iyadoo aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Qoor Qoor Oo Muqdisho Soo Gaaray, Akhriso Jad walka Imaanshaha Madaxda Kale

     Waxaa goordhaw magaalada muqdisho soo gaa ray madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor . Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wad atashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo la filaya in uu berri oo khamiis ah ka furmi doono Afisyooni.

     Warar ay heshay GoobJoog News  ayaa sheegaya in gelinka hore ee berri oo khamiis ah la filayo in mad axweeynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed ay soo gaaran magaalada Muqdisho . Dhinaca kale Mad axweeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cab dullahi Deni ayaa isna la filayaa in berri gelinka dambe uu soo gaaro magaalada Muqdisho .

     Dhanka kale waxaan la ogeyn goorta uu imaan do ono madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ka mid ah mad axda ka qeyb galeysa shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka.

      Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay.

Muuse Biixi oo sheegay in dowladda Somalia ay tahay Cadawga Koobaad ee Somaliland

      Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay aa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yihiin Cadawgooda koobaad, isla markaana dhibaato badan ku hayaan.

     Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May ayaa sheegay in Caalamka dowla da kaliya ee kasoo horjeeda Qaranimada Somaliand ay tahay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaad ay ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo xile edkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

     " Waa nasiib darro waa cadaawad aan meel loo da yin, Somaliland hadaan nahay waxaanu leenahay war anaga soomali iska dhaafee Adduunkoo dhan ayaan ka rabnaa in nabad lagu wada noolaado, balse Soom aali  waxaa noo kala soocan danaheena ayuu yiri” Madaxweyne Muuse Biixi.

     Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Bii xi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii lo geystay Shacabka Somaaliland aysan u heysan cid gooni ah, balse ay mas’uul ka aheyd dowladdaii uu hoggaaminayay Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre waa sida uu hadalka u dhigay.

      Hadalka Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli Afartii sano ee uu tala da haayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dha maaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan wax wada-hadal natiijo laga gaaray aysan yeelan dowlad da Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

 Gabar Ayado TIKTOK iska duubeysa Isku Dishay Magaalada Muqdisho

      faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Ga bar la shegay in goordhaweyd ay isku dishay M/ Muq disho gaar ahaan Suuq-bacaad.

     Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gabadhu ay iska duubeysay Video, iyadoo xiligaasi gacanta ku haysatay Bistoolad cabbaysan, waxaana la sheegay in ay ku fakatay Xabbad taasi oo ka helee shay Madaxa.

     Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Xaafaddda Su uq-bacaad ee degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in guriga falku ka dhacay ay gaareen Ciidanka Dowlad da, kuwaasi oo sida la sheegay C I D-da u qaaday Maydkii marxuumadda, waxaana ay wadeen sidoo kale  Ninkii Bistooladda iska lahaa, kaasi oo la sheegay in uu guriga joogay xiliga Gabadhu xabbaddu ku fakanaysay.

     waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ga badhu ay duubeysay Tiktok Video, balse ay xabbaddu ku fakatay.

     ilaa iyo hadda faah faahiino intaas ka dheeri ah lagama hayo dhacdadaasi ka dhacday Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid.

la soco faah faahin intaa ka dheeri ah.

Guddiga baarista Carruurtii lagu dilay Bay dhabo oo War soo saaray

      Gudigii Baariista dhacdadii Caruurtii walaalaha ah aa ee lagu diley magalada baydhabo ee uu Magaca abay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen ayaa Geba-gebadii Galka Baarista ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Koonfur Galbeed.

Malaaq Xasan Cali Qataar oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii Carruurta Walaala ha ahaa loogu geysrtay Magalada Baydhabo 7-dii Bishii Apriil baritankiisa ay soo geba-gabeeyeen, isla markaana Shalay ay wareejiyeen.

      Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka loo heysto Kiiska dhawaan Maxkamad la horkeeni doono si Cadaaladda loo marsiiyo si markale dhibaa tooyin kala aysan uga dhicin degaannada Koonfur Galbeed.

     Xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Koonf ur Galbeed Awmaye Sheekh maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono si look ala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dame yay falkaas.

      Dilkii labada Carruurta Walaalaha ahaa oo uu dha lay Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Xildhibaan ho re uga tirsanaa Baarlamaanka Federalka ayaa waxaa uu walwal badan ku abuuray Waalidiinta ku nool Ma gaalada Baydhabo.

 Midowga Musharraxiinta oo Dalbaday in laga Qeyb geliyo Wadaxaajoodyada Doorashada.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa dalbaday in laga qeybgeliyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka la filayo in uu berri uga furmo Muqdisho kaas oo xal loogu raadinayo is-mariwaaga doorashooyinka.

Daahir ayaa caddeeyay in ay taageerayaan kaalinta hoggaamineed ee Ra’iisul Wasaare Rooble kula war eegay maamulka wadax aajoodyada ku aaddan arrimaha doorashooyinka.

       Waxaa uu rajo ka muujiyay natiijada shirka mad axda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, oo uu sheegay in uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep ee ay labada dhinac horay u wada saxiixdeen.

Shirkan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isul Wasaaraha So omaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ko wdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

      Go’aanka madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Buntilaan, Jubbalaan, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiya ha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka.

      Bishii April horraanteedii waxaa natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Afisyooni ee wadahadallada door ashooyinka, waxaana fashilka shirkan ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay madaxda Jubbalan iyo Buntilaan.

Hirshabeelle oo ka hadashay khasaaraha dagaalkii Jowhar ka dhacay

    Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Shalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Meyre Makaraan,  ayaa sheegay in Shalay gelinkii hore ay kooxo maleeshiya ad ahi ay soo weerareen ciidamada maamulka Hirsh abeelle oo ku sugnaa Jowhar.

     Iska hor imaadkaas ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaalada madaxweynaha Hirshabeelle iyo ma leeshiyadii weerarka soo qaadday. Waxaana daga alka kaddib goobta ka cararay maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

     Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in sababta ay maleeshiyadaasi ay weerarka u soo qaadday ay tahay in ay doonayeen in ay soo furtaan niman ayaga ka tir san oo maaamulka Hirshabeelle uu xiray.

      Guddoomiye Makaraan ayaa yiri "Magaalada Shalay waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo dhulkaan baabuurta ku dhici jiray oo dadka dhibaat ayn jiray, maalin hore ayaa laga xiray dad ayaga ka mid ah oo dhibaato ku hayey bulshada, marka nim ankii mooryaanta ahaa ayaa yiri waxaan soo daysan aynaa nimankii nala ka xiray, sidaas ayayna magaa lada weerar ugu soo qaadeen”.Dagaal kale oo Shalay ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn magaalada Jo whar ayaa waxaa ku dagaallamay ciidamada maam ulka Hirshabeelle iyo ururka Alshabaab, halkaas oo sida guddoomiyuhu uu sheegay miino dhulka lagu aasay ay ku dhinteen saddex askari iyo taliyihii ilaa ladiisa.

15 Ku Dhimatay Dagaalka Buundada Galbeedka Baladweyn, Jowharna 7 ay Saraakiil Ku Jiraan

Maamul Hirshabelle oo la tacaalaya daadad, dhibaato ka dhalatay isu socod la’aanta iyo arrimo kale ayaa waxaa maalmihii tagay hareeyey dagaallo ku baahay maamulka oo keenay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo tuulooyin.

      Hiiraan: Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay wa xaa uu dagaal beeleed ay ku dhinteen in ka badan 15 qof ka dhaceen galbeedka caasimadda Hiiraan ee Bal adweyn.

      Dagaalkan oo markii hore ka bilowday dhismo bu undo oo lagu waday in IOM ka hirgeliso deegaanka Deefow ayaa waxaa isku khilaafay labo beel.

Beesha Makanne oo ogolaatay iyo beesha Jijeelle oo diidan dhismaha buundada ayaa waxaa ay ka dhex dil aacay dagaallo ku fiday deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin, Bacaad Buuke iyo meelo kale.

Ilaa hadda marka laga soo tago dhimashada 15-ka qof, waxaa jira dhaawacyo ay beelaha ku dhabiibaya an isbitaallo u gaar ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey tuulooyin la gubay sababo la xiriira dagaalka.

      Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in markii hore labada beel la ka la dhex dhigay ciidamo ka socda dowladda, laakin markii dambe ay isaga tageen goobaha, taasi oo kee ntay in Shalay dagaalka uu aad u xoogeysto.

      Shabeellada Dhexe: Dhanka caasimadda maam ulkaasi ee Jowar waxaa Shalay ka dhacay dagaal sab abay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gudaha magaalada soo weerareen ciidamo la baxay Macaw isley, ishor imaad dhacay waxaa la xaqiijiyey geerida    ilaa 6 qof oo ay ku jiraan labo ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle.

Midowga Yurub Oo Madaxda Soomaalida Uga Digay Inuu Fashilmo Shirka 20-Ka May

       Midowga Yurub ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan la filayo inuu ka fu rmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berl anga Martinez ayaa Madaxda Soomaalida uga digay inuu fashil ku yimaado Shirka loo balansan yahay ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Nicolás Berlanga oo Qoraal soo dhigay bartiisa Tw itter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay san jirin cid is hor istaagi karta heshiis laga gaaro doorashada, wuxuuna caddeeyay in Shirka soo socda uu fursad u yahay Mustaqbalka Soomaaliya.

"Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis,” ayuu yiri Nicolás Berlanga.

      Hadalka Safiirka Midowga Yurub ee SOomaaliya ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Shalay Ra’iisul Wa saaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uu kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, isagoona kala hadlay diyaar garoowga Shirka furmaya 20-ka May.

Turkey oo jawaab ka bixisay eedaha mucaarad ka ee la xiriira Haramcad iyo Gorgor

     Dowladda Turkiga ayaa si lama filaan ah uga jawa abtay eedeyn ay Midowga Musharaxiinta u jeediyeen xukuumaddooda, taasi oo ay kaga cabanayeen howl-galada guracan ee loo adeegsado ciidamada ay u tob abaraan dowladda federaalka ee Haramcad iyo Go rgor.

     Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo ka ja waabeysa arrintaas ayaa iska fogeysay inay mas’uul ka tahay falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u toba bartay dowladda, ayada oo sheegtay inay jiraan dad magac-dil ku sameynaya dedaalada uu Turkiga ku taageerayo Soomaaliya.

     "Waxaa ka war haynaa dad wada olole lagu wiiq ayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxa ana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal ka le ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee guda ha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysa naya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay wasaaraddu kaga jawaabtay eedeyntaas.

      "Dowladda Turkiga waxay dowr hormuud ah ka qa atada dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo ciid amo nidaamsan oo anshax leh, islamarkaana midey san oo ay leedahay Jamhuuriyada Soomaaliya.”

     Turkiga ayaa ku doodaya in ciidamada ay tobabar aan si toos ah u hoostagaan Ciidanka Xoogga Qaran ka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka, taasi oo ay gaashaanka ugu daruureyso cabashadii mucaaridka ee ku aadaneyd ciidamada ay tobabaraan ee sida qaldan loogu adeegsado arrimo siyaasadeed.

      Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramc ad iyo Gorgor oo tobabaray Turkiga ayaa lagu eede eyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen muc aaradka oo uu khilaaf ku aaddan arrimaha doorash ada kala dhexeeyay madaxweynaha waqtigiisa dham aaday, halkii loogu adeegsan lahaa la dagaalanka argagixisada.

    Mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamadaas inay ku lug lahaayeen iska horimaadyo ka dhacay Muqd isho 19-kii February iyo 25-kii April ee sanadkan 2021-ka, kuwaas oo khal-khal geliyay ammaanka caasima dda.

     Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa hore u sheegay in in gaadiidka gaashaaman ee Turkiga uu ku taageeray ciidamada Soomaaliya loo adeegsaday caburinta shacabka. Ciidamada sida gaarka ah u to babaran ee Haramcad iyo Gorgor ayaa kal hore loogu eedeyay inay ku milmeen siyaasada, islamarkaana ay madaxda waqtigeeda uu dhamaaday u adeegsadaan dano siyaasadeed, taasi oo xiisado hor leh ka kicisay caasimada dalka.

Garsoore Laga Afduubtay Maxkamad Gudaheeda Iyo Xog Laga Helay

      Garsoore u dhashay dalka Nigeria ayaa Talaa dadii lagu dhex afduubtey gudaha maxkamad ku taalla gobolka waqooyi ee Katsina.

Garsoorahan oo katirsanaa Maxkam adda Shareecada, kaasoo lagu magic aabo Alhaji Husaini Sam a’ila, ayaa la sheegay in la afduubtay glaabtii Tala adada, kadib markii ay xoog kusoo galeen maxkamad da dabley hubeysan..

Ma cadda sababta garsooraha uu uggu sugnaa max kamadda gudaheedda, xili dadka ka shaqeeya gars oorka dalka oo idil ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

     Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay     wa rgeyska Punch in garsooraha in "cidna aysan ka war qabin booqashadiisa maxkamadda”.Afhayeenka ayaa intaas ku daray in maxkamadda mar hore loo raray magaalo kale nabadgelyo darro darteed.

     Katsina waxay ka mid tahay gobollada sida xun ay u saameeyeen weerarada ka dhaca gobolka waqooyi.

Ururka Xisbullaah oo sheegay in aysan ka qeyb galeen dagaalka Qaza

      Weerarada dhimashada badan ee Israel ay ka wa ddo Gaza ayaa indhaha caalamka kusii jeediyey xud uudda Lubnaan ayaga oo filaya jawaab ka timaada ururka Xizbullah.

      Hase yeeshee dadka wax indha indheeeya ayaa ku doodaya in ururka ay taageerto Iran ay u badan tah ay inaysan qaadan halis ay dagaal buuxa ku galayaan iminka. Dhacdooyin maalmihii tegay ka dhacay xu duudda ayaa abuuray xiisad, hase yeeshee ayada oo Lubnaan ay hadda ku guda jirto xasarad siyaasadeed iyo mid dhaqaale, ayaa kooxdan Shiicada waxay u mu uqata inay dooneyso inay ka fogaato dagaal.

     "Ma jiraan wax hadda soo jeedinaya in xiisadda ay ka darto,” waxaa sidaas yiri Sadiq al-Nabulsi, oo ah aq oonyahan reer Lubnaan ah oo ku dhow ururka Xizbu llah.

     "Hase yeeshee, go’aan lagu gelayo dagaal wuxuu caadiyan ka yimaadaa Israel,” ayuu yiri.

     Xizbullah iyo kooxda Xamas ee Falastiin ayaa hag aajiyey xiriirkooda kadib markii ay kasoo kala jeesteen labada dhinac ee dagaalka Syria, 10 sano kahor. Xizbullah, oo 1980-kii loo aas-aasay si uga dagaalan to qabsashadii Israel ee Koonfurta Lubnaan, ayaa ka dib noqotay kooxda ugu weyn ee Iran ay ku dagaal hoosaad gasho, ayada oo howlwadeeno ku leh Syria, Iraq iyo Yemen.

      Kooxda oo ka awood badna ciidamada dowladda Lubnaan ayaa lix sano kadib markii ciidamada Israel ay 2000 ka baxeen Lubnaan, waxay 2006 dagaal xoo ggan oo socday 34 maalmood la gashay Israel, hase yeeshee kadib ma jirin dagaal dhex-maray labada dhinac oo la taaban karo.

Isniintii, gantaallo laga soo tuuray deegaanka Shebaa ee Koonfurta Lubnaan ayaa ku guul-dareystay inay soo dhaafaan xuduudda, waxaana ciidamada Israel ay ku jawaabeen 22 gantaal oo ay ku garaaceen Lubnaan.

Waxay aheyd markii labaad oo toddobaad gudihiis ah oo Israel laga soo weeraro Lubnaan.

Ilo-wareedyo ku dhow kooxda Xizbullah ayaa durba beeniyey inay wax lug ah ku leeyihiin weeraradaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip