Xog: Shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho oo dib u dhacay

0
Wednesday May 19, 2021 - 22:38:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho oo dib u dhacay

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee la filayey inuu berri subax ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac kooban ku yimid.

Dib u dhaca shirka ayaa lagu sheegay mid farsamo, waxaana la filayaa in uu qabsoomo maalinta Sabtida oo ku beegan 22-ka bishan May, sida aan xogta ku helnay.

Wali inta madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa Muqdisho ka maqan iyadoo la filayo in ay badankood soo gaaraan maalinta berri ah, waxaana suurta-gal ah in maalinka xiga oo Jimcaha ay darteed aanu shirka qabsoomin, taasi oo u dhigeysa ugu yaraan Sabtida.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee ku sugan caasimadda isaga oo caawa maqribkii kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

     Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka qaba in shiraan uu noqdo mid ay ka soo baxaan is afgarad dhinaca doorashada iyadoo rajo weyn laga qabo in Rooble uu noqoto kaalintiisa hogaamineed iskana diido faro-gelinta Rooble.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip