Gabar Ayadoo TIKTOK duubeysa Isku Dishay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:57:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Ayadoo TIKTOK duubeysa Isku Dishay Magaalada Muqdisho

    faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Gabar la shegay in goordhaweyd ay isku dishay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuq-bacaad. Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gabadhu ay iska duubeysay Video, iyadoo xiligaasi gacanta ku haysatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya Gabar la shegay in goordhaweyd ay isku dishay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuq-bacaad. Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gabadhu ay iska duubeysay Video, iyadoo xiligaasi gacanta ku haysatay Bistoolad cabbaysan, waxaana la sheegay in ay ku fakatay Xabbad taasi oo ka heleeshay Madaxa. Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Xaafaddda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid ayaa sheegaya in guriga falku ka dhacay ay gaareen Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo sida la sheegay C I D-da u qaaday Maydkii marxuumadda, waxaana ay wadeen sidoo kale Ninkii Bistooladda iska lahaa, kaasi oo la sheegay in uu guriga joogay xiliga Gabadhu xabbaddu ku fakanaysay. waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in gabadhu ay duubeysay Tiktok Video, balse ay xabbaddu ku fakatay. ilaa iyo hadda faah faahiino intaas ka dheeri ah lagama hayo dhacdadaasi ka dhacday Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshid. la soco faah faahin intaa ka dheeri ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip