Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka diiday Farmaajo inuu xafiiskiisa ka shaqeeyo Cabdi Dheere

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:53:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka diiday Farmaajo inuu xafiiskiisa ka shaqeeyo Cabdi Dheere

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Roble, ayaa iska diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage (Cabdi Dheere) oo ah La-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in loo soo wareejiyo Xafiiskiisa. Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Roble, ayaa iska diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage (Cabdi Dheere) oo ah La-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in loo soo wareejiyo Xafiiskiisa. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Roble in Cabdi Raage uu ka howlgallo Xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka wada-tashiga doorashooyinka ee 20-ka May, balse Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyray, isagoona sheegay inuu Xafiiskiisu ku filan yahay shaqada lagu aaminay. Saraakiisha Xafiiska Rooble ayaa tilmaamay in Roble u sheegay in Cabdi Dheere uu yahay mid kamid ah yahay bud-dhigayaasha hab fikirka u horseeday dalka dhibaatada ee Farmaajo, taas oo ah in kursiga la isku dhajiyo, uusana aqbali karin in uu la shaqeeyo, maadama uu luminayo kalsoonida saamileyda siyaasadda ee qeybta ka ah doorashooyinka. Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble, ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, waxaana la filayaa inay Muqdisho gaaraan Wafuuda Dowlad Goboleedyada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip