Midowga Yurub Oo Madaxda Soomaalida Uga Digay Inuu Fashilmo Shirka 20-Ka May

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:52:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Madaxda Soomaalida Uga Digay Inuu Fashilmo Shirka 20-Ka May

    Midowga Yurub ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan la filayo inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan la filayo inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez ayaa Madaxda Soomaalida uga digay inuu fashil ku yimaado Shirka loo balansan yahay ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa. Nicolás Berlanga oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan jirin cid is hor istaagi karta heshiis laga gaaro doorashada, wuxuuna caddeeyay in Shirka soo socda uu fursad u yahay Mustaqbalka Soomaaliya. "Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go'an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiis," ayuu yiri Nicolás Berlanga. Hadalka Safiirka Midowga Yurub ee SOomaaliya ayaa waxaa uu yimid, kadib markii shalay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uu kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, isagoona kala hadlay diyaar garoowga Shirka furmaya 20-ka May.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip