Madaxweynaha Falastiin oo hanjabaad u jeediyay Israa'iil

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:51:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Falastiin oo hanjabaad u jeediyay Israa'iil

    Mahmoud Cabaas, madaxweynaha Falastiin, ayaa ku eedeeyay Israa'iil in ay " argagixiso iyo dambiyo dagaal" ka wado Gaza. Hadal telefishanka laga sii daayay ayuu Cabaas ku sheegay in Falastiiniyiintu "ka waaban doonin inay baacsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahmoud Cabaas, madaxweynaha Falastiin, ayaa ku eedeeyay Israa'iil in ay " argagixiso iyo dambiyo dagaal" ka wado Gaza. Hadal telefishanka laga sii daayay ayuu Cabaas ku sheegay in Falastiiniyiintu "ka waaban doonin inay baacsadaan kuwa dambiyada noocaas ah ka gala ayna la tagi doonan maxkamadaha caalamiga". Horraantii sannadkan, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa billowday baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal oo ay galeen Israa'iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta sanadkii 2014, markii uu dhacay khilaafkii ugu dambeeyay ee khasaaraha badan gaarsiiyay Qaza. ICC-da ayaa walaac ka muujisay xiisadaha u dhaxeeya labada dhinac. Israa'il ayaa sheegtay in kaliya ay weeraraan bartilmaameedyada militariga ayna sameeyeen dadaalo looga hortagayo waxyeelada dadka rayidka ah, oo ay ka mid tahay digniinta dadka deegaanka ee ku dhow dhow aaga duqeymaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip