Japan Iyo UNICEF Oo Iska Kaashanaya Taagerida Qeybinta Tallaalka COVID-19 Ee Somalia

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:47:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Japan Iyo UNICEF Oo Iska Kaashanaya Taagerida Qeybinta Tallaalka COVID-19 Ee Somalia

    Dowladda Japan oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya. Maaliyaddan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Japan oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya. Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka/gacan-ku-haynta qalabka CCE. Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa'iideysan doonaan qaaraankan. "Japan ayaa gacan ka geysaneysa sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo bixineysa barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad," ayaa uu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya. Japan ayaa xoogga saareysa gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisay qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX. Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka. Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka loo tababaro sidii ay si ay u maareyn lahaayen habsi u socodka tallaalka, korjoogteynta ka-faa'iideysigiisa iyo isla-xisaabtanka. "UNICEF waxay Dowladda Japan iyo dadka reer Japan mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya," ayaa uu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip