Ururka Xisbullaah oo sheegay in aysan ka qeyb galeen dagaalka Qaza

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:46:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Xisbullaah oo sheegay in aysan ka qeyb galeen dagaalka Qaza

    Weerarada dhimashada badan ee Israel ay ka waddo Gaza ayaa indhaha caalamka kusii jeediyey xuduudda Lubnaan ayaga oo filaya jawaab ka timaada ururka Xizbullah. Hase yeeshee dadka wax indha indheeeya ayaa ku doodaya in ururka ay taageerto Iran ay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarada dhimashada badan ee Israel ay ka waddo Gaza ayaa indhaha caalamka kusii jeediyey xuduudda Lubnaan ayaga oo filaya jawaab ka timaada ururka Xizbullah. Hase yeeshee dadka wax indha indheeeya ayaa ku doodaya in ururka ay taageerto Iran ay u badan tahay inaysan qaadan halis ay dagaal buuxa ku galayaan iminka. Dhacdooyin maalmihii tegay ka dhacay xuduudda ayaa abuuray xiisad, hase yeeshee ayada oo Lubnaan ay hadda ku guda jirto xasarad siyaasadeed iyo mid dhaqaale, ayaa kooxdan Shiicada waxay u muuqata inay dooneyso inay ka fogaato dagaal. "Ma jiraan wax hadda soo jeedinaya in xiisadda ay ka darto," waxaa sidaas yiri Sadiq al-Nabulsi, oo ah aqoonyahan reer Lubnaan ah oo ku dhow ururka Xizbullah. "Hase yeeshee, go'aan lagu gelayo dagaal wuxuu caadiyan ka yimaadaa Israel," ayuu yiri. Xizbullah iyo kooxda Xamas ee Falastiin ayaa hagaajiyey xiriirkooda kadib markii ay kasoo kala jeesteen labada dhinac ee dagaalka Syria, 10 sano kahor. Xizbullah, oo 1980-kii loo aas-aasay si uga dagaalanto qabsashadii Israel ee Koonfurta Lubnaan, ayaa kadib noqotay kooxda ugu weyn ee Iran ay ku dagaal hoosaad gasho, ayada oo howlwadeeno ku leh Syria, Iraq iyo Yemen. Kooxda oo ka awood badna ciidamada dowladda Lubnaan ayaa lix sano kadib markii ciidamada Israel ay 2000 ka baxeen Lubnaan, waxay 2006 dagaal xooggan oo socday 34 maalmood la gashay Israel, hase yeeshee kadib ma jirin dagaal dhex-maray labada dhinac oo la taaban karo. Isniintii, gantaallo laga soo tuuray deegaanka Shebaa ee Koonfurta Lubnaan ayaa ku guul-dareystay inay soo dhaafaan xuduudda, waxaana ciidamada Israel ay ku jawaabeen 22 gantaal oo ay ku garaaceen Lubnaan. Waxay aheyd markii labaad oo toddobaad gudihiis ah oo Israel laga soo weeraro Lubnaan. Ilo-wareedyo ku dhow kooxda Xizbullah ayaa durba beeniyey inay wax lug ah ku leeyihiin weeraradaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip