Hirshabeelle oo ka hadashay khasaaraha dagaalkii Jowhar ka dhacay

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:42:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle oo ka hadashay khasaaraha dagaalkii Jowhar ka dhacay

    Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in maanta gelinkii hore ay kooxo maleeshiyaad ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in maanta gelinkii hore ay kooxo maleeshiyaad ahi ay soo weerareen ciidamada maamulka Hirshabeelle oo ku sugnaa Jowhar. Iska hor imaadkaas ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaalada madaxweynaha Hirshabeelle iyo maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Waxaana dagaalka kaddib goobta ka cararay maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in sababta ay maleeshiyadaasi ay weerarka u soo qaadday ay tahay in ay doonayeen in ay soo furtaan niman ayaga ka tirsan oo maaamulka Hirshabeelle uu xiray. Guddoomiye Makaraan ayaa yiri "Magaalada maanta waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo dhulkaan baabuurta ku dhici jiray oo dadka dhibaatayn jiray, maalin hore ayaa laga xiray dad ayaga ka mid ah oo dhibaato ku hayey bulshada, marka nimankii mooryaanta ahaa ayaa yiri waxaan soo daysanaynaa nimankii nala ka xiray, sidaas ayayna magaalada weerar ugu soo qaadeen". Dagaal kale oo maanta ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dagaallamay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo ururka Alshabaab, halkaas oo sida guddoomiyuhu uu sheegay miino dhulka lagu aasay ay ku dhinteen saddex askari iyo taliyihii ilaaladiisa.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip