Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar

0
Wednesday May 19, 2021 - 20:39:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle oo ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay Jowhar

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, ayaa laga soo weriyay iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kooxda la bax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, ayaa laga soo weriyay iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kooxda la baxday Macawisleeyda oo doonayay in ay maxaabiis kala baxaan xabsi ku yaalla magaalada. Sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray, Cali Axmed Goodaad ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday iska hor-imaadka, halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Hirshabeelle. Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaan weli faahfaahin dhammaystiran laga helin iyadoo aysan weli ka hadlin mas'uuliyiinta Hirshabeelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip