HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 19-MAY 2021

0
Wednesday May 19, 2021 - 08:00:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 19-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Genaral Cali Ismaaciil Maxamed.

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaal iyeed ee uu ka baxay Alle ha u nax ariistee Ja naraal Cali Ismaaciil Maxamed oo Shalay lagu aasay dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaa may doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada Qal abka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

"Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dir ayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Jan araal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soom aaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiy ey in uu hoygi isa ka yeelo Jannatul Fardo wsa, samir iyo iima anna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeri yoodey

Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Beesha Caalam ka Oo Shalay Kulan Yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa kula kulmay qa ar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga ka wada hadlay khilaafka ka ta agan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli xal buuxa laga gaarin. Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa Roo ble iyo Wakiilada uga wada arrinsadeen u diyaar garowga Shirka Madaxda DFiyo kuwa ma amul Goboleeyada iyo taageerada Beesha Caa lamka ee geeddi socodka doorasho oyinka. Shir ka uu Rasaaraha X/xilgaarsiinta isugu yeeray Madaxda ay aa waxaa la filayaa in 20-ka Bisha an May uu ka furmo M/Muqdisho, iyadoona lagu wado in heshiis looga gaaro khilaafka taagan.

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay aa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doo rashooyinka dalka.

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday baarista Askari si xun loogu dilay Muqdisho

Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Ro oble u magacaabay baarista dil dhowaan loo ge ystay askari ka tirsanaa ciidan Qaranka ayaa Shalay la kulmay eheladda marxuumka.

Guddiga loo xilsaar ay baarista kiiskan waxa ka mid ah wasi irka Amniga Xasan Xundubeey Wa siir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqan ka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wa siir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole. Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay ca bashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka ba llan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uu liyad leh u baari doonaan.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa dhawaan meydki isa oo lagu riday God qashin waxaa laga he lay meel u dhow Iskuul Bulusiya ee M/Muqdi sho, taasi oo walaac ba dan laga muujiyay.

Midowga Musharixiinta oo u hambalyee yay shacabka iyo hoggaanka Somaliland

Intabadan Xubnaha Midowga Musharixiin ta Madaxweynaha ayaa waxaa ay manta u hal balyeeyeen shacabka iyo hoggaanka Somali land oo Shalay xusaya 18-ka Bisha May ii ku be egan mar kii ay walaalaha Reer Soma liland ku dhawa aqeen gooni isutaag dhankooda ah

Hoos Ka Akhriso Qoraalada ay si kala gooni go oni ah u soo saareen Midowga Mushari xiinta.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan Hambalyo u dirayaa walaalaha Som aliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Ca alamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadey naya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen.

Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somali land iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muh iimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo la gu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taa soo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iy adoo lama huraan ay tah ay in lala fariisto, la dhe geysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaata dii gaartay oo garowsh iyo nooga baahan.

Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudad aas 30ka sanaa Soomaalida inteeda kale, iy agoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iya goo xulanaya cidda hogaaminaysa.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaan shacabka iyo hoggaanka Somali land ugu hambalyeynayaa nabada, xasiloonida iyo hannaanka dimoqoraadiga ah ee ay gaar een. Koonfur hadaan nahay waxaan jecelnahay midnimo, walaalaheena waxay qabaan in ay mid owgii ku qasaareen. Doodu waxay tahay tagtadii ma ka xisaabtanaa si loo helo midnimadu qiimo ku kacda, taxidayada mustaqbalka uga tilaab sano, mise waynu u dabranaanaa oo fursadaha an ka luminaa faca danbe. Dood hufan oo Isqan cin, garawshiyo leh ayaa lagama maarmaan ah, sababtoo ah marinka midnimadu waa Haragays a, kan madaxbanaanidana waa Muqdisho.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed

Shalay 30 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha Reer Somaliland ku dhawaaqeen go oni isutaag dhankooda ah. sidaa daraadeed mar ka hore waxaa Bogaadin mudan guulaha ay So maliland ka gaartay mudadaas dhinacyada Nabadda, Horumarka, Hannaanka Doorashooy inka ku dhisan Qof iyo Codka, dimuqoraadiyad da iyo isu Tanaasulka.

Waxaa xaqiiq ah in Xalka Qadiyadda Somal iland ay u baahan tahay ahmiyad, Mudnaan iyo Aragti Fog oo ay ku dheehan tahay Tanaasul, Garowshiyo iyo Wadahadalo miro dhal ah oo ka yimaada dhanka Dawladda Dhexe ee Soomaal iya, kana Fog Caadifad iyo Laablakac, waana in la sameeyo wadahadalo ku saleysan waaqaca iyo halka ay Boogtu taalo.

Waxaa wax laga xumaado ah in Maamulka Farmaajo aanu Arintaas siinin mudnaantii iyo maqaamkii ay lahayd, taas badalkeeda uu kula kacay cunaqabatayn dhinaca Mucaawinooyinka, Arrimaha Bulshada, mashaariicda horumarineed iyo waxyaaba ha Aas-aasiga ah ee Dadka Reer Somalila nd baahida u qabaan.

Midnimo ku timaada wax wadalahaansho, Walaalnimo, Garawshiyo iyo isu tanaasul ee aan ku imaan khiyaano iyo Jujuub ayaa ina

wada Deeqda.

Guddoomiye Filish oo dhagax dhigay dib u dhis lagu sameeynayo Buundooyin

Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cu mar Filish) ayaa Shalay dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo Buundooyinka ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Dhagax dhigaan oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga My Bank ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoo miye Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Bangiga My Bank.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay aad usoo dhaweenay aan cid weliba oo ka qeyb-qaadaneysa Hor umarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska waxaa uun a ku amaanay Bangiga My Bank dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha Buundooyinka Mara Degm ooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee ummuada ka wada dhaxeyso

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Booqday Degaan Uu Ku Fatahay Webiga

Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baar eey oo dhowaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Madaxweynaha oo kormeerki isa ay ku we hliyeen Wasiiro, Xil dhi baano iyo Maamulka G /Sh/ Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fataha ada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaada ha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaata da ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto.

Cali Guudlaawe ayaa deeq kala duwan oo raa shin & daawooyin ah ku wareejiyay dadka ku no ol Tuulooyinka Baareey & Geedo barkaan oo fa tahaada Wabiga Shabeelle ay saameysay isag oo bulshada ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaada.

Madaxweyne Qoorqoor Oo Warbixin Ka Dhageystay Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galm udug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay shir guddoomiyay shirka Amniga guud ee Galmudug oo ay kasoo qeyb galeen saraak iisha Hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhag eystay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada qa labka sida oo ka warbi xiyay xaaladda guud ee Amniga ee deegaanada Maamulka iyo howlgal ada socda.

Madaxweynexmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciid amada inay sii dardar geliyaan dadaalada sugid da amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halka as oo uu u joogo xalinta shaqaaqooyin ka dha shay dil Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Sheekh Cali Dheere.

Axmed Karaash Oo Farriin U Diray Guddi ga Doorashada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Gobol eedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Go leyaasha deegaanka de gmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah M/ Garoowe uga socdey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Munaa sabadda ka hadlaayay ayaa waxa uu dhiirigeli yey dedaalada lagu doonayo sidii haweenku do or-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda iyo ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay aa waxa uu Hay’addaha ku shaqadaleh Doora shooyinka Puntland faray in haweenka lagala shaqeeyo ka qayb-galka Doorashada, si ay do or-muuqda ugu yeeshaan Arrimaha Siyaasadda.

M/Qardho ayaa dhawaan laga daah-furay barnaamijka diiwaangelinta codbixiyayaasha do orashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka G/deegaanka.

Garoowe: Dooxada Bixin oo laga mamn uucay dalxiiska

Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan ca asimadda Garoowe, islamarkaana dhanka wa qooyi kaga beegan magaalada.

Saraakiisha Boolii ska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxa da Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiy ay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo na daafadda dooxadaas.

Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in la gu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal tog aga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa sadex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaaya ale ee duleedka caasim ada. Togaga ku xeeran magaalada Garoowe wa xa u dabaal-taga dad weyne kala duwan oo u ba dan dhalinyarada da’ yarta ah.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo amray kobcinta daqliga gudaha Puntland

Wasaaradda Maaliyadda maamulka Punt land ayaa Shalay qabatay shir looga hadlaayay kobcinta cashuurta iyo dakhliga Puntland.

Shirkan oo lagu qabtay habka muuqaal baa hiyaha ee ZOOM-ka ayaa waxa soo agaasimay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasa aradda Maaliyad da Puntland, Wasiir ku xi geenka Wasaarad da Maaliyadda,

Agaasimayaasha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulayaasha dakhliga ee dhammaan goboladda.

Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin la haa nidaamka cashuur uruurinta iyo hirgalinta qorshaha cashuuraha ee Dakhliga sanadka 2021.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay xaaladda dakhliga ee Pun tland iyo qorshaha dakhliga si kor loogu qaado dakhliga Guud ee Dowladda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame ayaa xusay tallooyin mira dhal ah oo kor loogu qaa dayo dakhliga isagoo sheegay tiro qoddobo ah oo wax wayn ka badalaya dakhliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shirka ka xu say in sanadka 2021 loo aqoon saday in da khliga laga shaqeeyo iyadoo awoodda Wasaar adda xooga saari doonto sidii loo hubin lahaa in la helo Miisaaniyadda dakhliga laga sugayo.

Md Xasan Shire Cabdi ayaa faray madaxda d akhliga in sanadkaan uu noqdo sanad ay Wasa araddu soo xarayso dhakhligii ugu badnaa abid soo xarooda.

Xuska 30 sano guuradii kasoo wareegtay gooni isu taagga Somaliland.

Xuska 30 sano guuradii kasoo wareegtay go oni isu taagga Somaliland. Shalay waxay ku be egantahay 30-guuradii kasoo wareegtay maal intii ay Jamhuuriyadda Iskeed Madax banaanida u gu dhawaaqday ee Somaliland ay shaacisay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa Shalay lagu wadaa in xaflado lagu xusayo 18-ka May lagu qa bto Somaliland iyad oo mad axda ay ka jeedin doonaan khudba do.

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay goo ni isaga taagtay Soo maaliya inteeda kale.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa si joogta ah munaasabadda 18-ka May looga xusayey qa ybo badan oo kamid ah Somaliland.

Balse sanadihii u dambeeyay ayaa uu muuq atay in aanan la qaban munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintan, abaaro iyo cudurka Covid-19 oo is biirsaday dartood.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii askar ahaanta loogu qaaday Eritrea oo soo baxsaday

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhallinyaro Soo maali ah oo ka badan 10 qof ay xoog uga soo baxsadeen xeradii tababarka ee dalka Eritrea kadib markii ay ka gadoodeen muddo dheer oo ay halkaas joogaan.

Dhalinyarada soo baxsatay ayaa la sheegay in qaarkood ay ku geeriyoodeen jidka intii ay saf arka soo haayeen halka qaar kalane ay ku dhin teen rabshado ay kala kulmeen Qowmiyadda Canfarta, iyadoo tiro kooban ay safar dhulka ah ku soo gaareen dowladd degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka aan hel nay ayaa tilmaamaya in dha llinyaradaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya balse ay jiraan iskaashi ay sameeyeen dowlada ha Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu baadi goo bayo dhalinyaradaan.

Sida aan kasoo xiganay dad ehel la eh, qaar ka mid ah dhalinyaradaan oo soo galay gudaha Soo maaliya ayaa sheegay in ay soo waceen dad ku xi ran Villa Somalia oo lac ag badan u ballan-qaaday si aysan warbaahinta uga hadal, uguna yimaadaan dowladda.

Waxay sidoo kale sheegeen in loo hanjabay markii ay diideen yaboohyadii loo sameeyey, we lina ay hadda ku jiraan baxsad ayna raadinaya an xubno kamid ah sirdoonka Itoobiya.

Villa Somalia ayaa dadaal kasta u mareysa in dhallinyaradaas aysan warbaahinta ka hadal, ta asi oo haddii ay dhacdo bannaanka keeni do onto sirtii sanado badan la qarinayey ee ku gad aaman dhallinyarada askar ahaanta loo geeyey Asmara.

Waalidiin badan ayaa maalmahan Muqdisho ka dhigayay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego carruurta kaga maqan dalka Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya ugu qaaday in shaqo ilaalo ah loo gaynayo Qatar.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Tahriibayaashii ugu badnaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8,000 oo dalka Spain.

Ugu yaraan 8,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaa ray dhulka ay Spain maamusho ee Ceuta, ku waasi oo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Mor occo, waana tiradii ugu badneyd ee maalin kel iya gaartay halkaas, sida ay sheegeen saraaki isha dalka Spain.

Waxay sheegeen in muhaajiriinta oo ay ku jiraan ilaa 1,500 oo carruur ah ay ama ka duse en derbiyada xadka ku toosan badda amaba ay ka gudbeen xilli ay baddu degganeyd.

Dadkaan ayaa intooda badan la sheegay in ay ka yimaadeen Morocco. Spain ayaa sheegtay in ay dib u celisay qaar ka mid ah dadkaasi oo ga araya 2,700, balse aysan ku jirin carruurta.

Deegaanada Spain ee Ceuta iyo Melilla, ay aa waxa ay noqdeen kuwa ay saldhig u noqd een muhaajiriinta Afrika.Ciidamada dalka Spain, ayaa loo daad gureeyay xeebta, si ay uga caaw iyaan booliska xuduudda marinka ugu weyn ee Ceuta ee Tarajal ee dhanka koonfureed ee xad

ka.


Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee So omaaliya ayaa waxaa ay Shalay xukun ku riday rag loo heysto dilkii M/Muqdisho loogu ge ystay 21-kii Bishii Janaayo ee sanadka an Guddoomiyihii de gmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Maxkamadeynta ragga loo heystay dilkaas oo gaarayay ilaa 6 Ruux ayaa isugu jira Saraakiil askar ka tirsan Booliska Soomaaliya ,waxaa na ay soo martay heerar kala duwan, iyada oo ugu dambeyn Shalay la xukumay.Ra’iisul Wasaara ha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo guddi u saaray baaritaanka kiiska dil ka guddoomiyihii degmada Hodan ayaa waxaa ay horay u sheegeen in falkaasi uu u dhacay si ku talo-gal ah taas oo keentay in kiiska loo gu dbiyo Maxkamad.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Cab dullaahi Buulle Kameey ayaa dhowr jeer sheeg ay in dilkaas uu ahaa mid ku talo-gal ah, isaga oo dalbaday in eedeysanayaasha lagu xukumo dil toogasho oo ah ciqabta dambiga ay galeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheeegay in kiiskaan uusan aheyn ku talo-gal balse uu ahaa Shil dhacay, waxaana Shalay ay Xukun ku riday Saraakiil & Askar loo heysto dilkaas, kuwaas oo uu xukunkooda u dha cay sidatan.

Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed oo lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sababo la xiriira in uu ka gaabiyay howlihii loo igmaday & baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa, Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo 5 Sano lagu xukumay, halka min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay, Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibraahim Yuus uf,Faarax Sabriye Afrax, & Kulmiye Kaariye Cali.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ayaa dhamaan xukunsanayaasha waxaa ay saartay bixinta Magta oo ah diyo adag iyo sidoo kale ma gdhow siinta Ibraahim AbuukarCismaan & liib aan Xasan liiban oo shilkaasi uu dhaawac kasoo gaaray.

Ka sokoow xukunka Shalay lagu riday rag loo heystay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ay aa waxaa Maxkamadda ay horay u siideysay Tal iyihii hore ee Booliska degmada Waaberi Cab duqaadir Mooshin iyo ilaaladiisa kadib markii da mbi lagu waayay.

Maamulka Jubbaland oo cadeeyay mowqifk ooda shirka 20-ka May

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cadeey ay mawqifkooda ku aadan shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu dhawaan iclaamiyay Ra’I isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxa med Xuseen Rooble, kaas oo la filayo in uu dha waan Muqdisho ka furmo.Wasiiru dawlaha mada xtooyada Jubbaland Xersi Jaamac Gaani ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweeyneyso qa bsoomida shirka, isaga oo raja wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ra’iisul Wasare Maxamed Xuseen roob le laga doonayo in uu cadeeyo in Ummadda Soomaliyeed uu dhex u yahay lagu kalsoonaado dhankoodana ay dadaal weyn gelin doonaan sidii Soomaliya wadada saxda ah ugu soo noq on laheyd.

Maamulka Jubbaland ayaa kamid ah Maa mulada soo dhaweeyay Shirka uu iclaamiyay Ra’ii sul Wasaaraha Xukuumad da xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kas oo qabs oomaya 20-ka Bishaan ooh al Maalin kal iya ay ka harsan tahay.

Somaliland oo lagu wareejiyey gaadiid wax wayn tari doona & qalab kale oo soo socda

Ururka Midowga Yurub xafiiskiisa Somalia ay aa Somaliland ku wareejiyey gaadiid cusub oo gacan ka gaysan doono nidaamka iyo kala dam baynta maamulkaasi.

Gaadiidkan oo uu kharashkiisa bixiyey Mid owga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa lagu wareej iyey hay’aadka cadaalad oogista iyo cadaalad fulinta ka shaqeeya ee Somaliland, sida Booliis ka iyo Maxkamadaha.

Gaadiidkan soo kordhay ayaa gacan ka gay san doona sugitaanka amaanka guud, gaar aha an dhinacyada muraaqibaynta amaanka doora shooyinka iyo badbaadadooda iyo adeegyada sharciga ee la siinayo haweenka iyo carruurta.

Gaadiidkan cusub oo lasoo mariyey UNDP kana kooban 13 gaari, ayaa waxaa lagu war eejiyey Wasiir Xigeenka Arrim aha Gudaha Somaliland, iyadoo sidoo kale Bool iiska la siin doono qalab kale oo isgaarsiineed. Waxaana goobjoog ahaa Danjiraha EU ee Som alia, Nicolas Berlanga.

Somaliland waxaa ka jira Maamul sheegay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale, balse tiiyoo aanu jirin xitaa hal dal oo aqoonsaday muddo 30 sanadood ah, misna wuxuu ku naalloonayaa amaan iyo nabad markii nisbi ahaan koonfurta loo eego si wayn u dhaama.

Puntland oo Amar ka soo saartay Boorar ka & Magacyada lagu Qoro luuqadaha Qalaad

Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Gobole ed ka Puntland ayaa amar ku bixisay in dham maan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta ee ku qo ran Afafka Qalaad loo beddelo Af-Soom aali .Qoraal kasoo baxay xafiiska Agaasimaha gu ud ee Wasaarad da Warfaafinta Puntland, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa la gu am ray qof kasta oo doonaya in uu bo or sameysto si uu u dhegsa do ama goob Ganacsi furnaya in uu isticmaalo Af ka hooyo ee So omaaliga.

Sidoo kale Wasaaradda waxay sheegtay in, iyada oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soo maaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaa sha dowladdu ansixiyeen ay Amarkan soo sa artay.

Faahfaahin Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Qarax ayaa ka dhacay M/Gaalkacyo gaar ah aan meel u dhow Hoteelka Embassy ee Ga lm udug ka dib markii kooxo hubeysan ay isku soo xire en waxyaabaha qarxa. Cii danka Boolis ka ayaa xaq iijiyay in ay dileen Saddex qof oo Is ku soo xiray waxybaaha qarxa oo doonayay in ay is ku qarx iyaan magaalada Gaalkacyo, isla markaa na Shacabka ay san soo gaarin wax khasa are ah.

Afhayeenka ciidanka bo oliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxyaddaasi in ciidanka Am maan ka ay fashiliyeen.

"3naftood-halige, oo qaraxsiday ayaa qor sheeynayay inay is qarxiyaan, ayeey ka hortage en Ci idanka Boliiska Magaalada Gaalkacyo, Xa afada Wadajir agagaarka Hotel AMBAS dhanka Galmudug, Argagaixisada oo dhamaan goobta lagu dilay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka boliska

Guddoomiyihii gobolka Wajeer oo xilka laga qaaday

Aqalka Sanetka dalka Kenya ayaa xil ka xay uubin ku sameeyay barasaabkii ismaamulka Wa jeer Maxamed Cabdi Maxamuud.Dood dheer oo aqlka Sanet-ka ka yeeshay warb ixin ay u soo gu dbiyeen guddi ga ar ah oo baaritaankiisa loo xils aaray ayaa waxaa ugu dambeyn tii loo qaaday codeyn.

25 Sanatar ayaa u codeysay in barasaabka xil ka laga qaado, halka 2 xubnood ay diideen.

Waxaa codeynta ka aamusay oo aan codkooda dhiiban 4 Sanatar.

Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay golaha wakiil ka ee ismaamulka Wajeer.

Golaha wakiilada ayaa ka dib u soo gudbiyay aqalka Sanet-ka islamarkana wax aa loo saaray guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeyay eedeymi hii loo soo jeediyay.

Eedeeymaha loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku tuntay dast uurka dalka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu jab iyay sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo inuu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta.

Waxaa uu barasaabkii ismamaulka Wajeer Max amed Cabdi Maxamuud noqonayaa barasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.

Amnesty International Oo Ka Hadashay Xad-Gudubyada Israa’iil Ee Gaza

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool.

Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah.

Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil .


Shir laga yeeshay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Ka ariye (Qoor Qoor) oo weli ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Shalay shir guddoomiyay shirka amniga guud ee Galmud ug oo ay ka qeyb galeen saraakiisha Hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhag eystay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qal abka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga ee degaannada Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geli yaan dadaalada suggidda amniga iyo la dagaa lanka Ururka Al-Shabaab.

Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdog an ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mar eykanka Joe Biden uu "gacmaha dhiig ku sito” sababo la xiriira taageeradiisa dagaalka Israel ay ku qaadeyo Marinka Ga za. Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishin ka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii Janaayo.

"Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qo reysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aam usi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erd ogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xoogg an kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukuma yey Turkey.axa uu toddobaadkii tegay ku eedee yey Isr ael Inay qaadeyso "argagixasanim o”, wu xuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

"Shalay waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isa ga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen wa rba ahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maa mulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel.

"Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cada adis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adi gana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdo gan ku yiri Biden.

Waxa uu sidoo kale ku dhalleeceeyey Aus tr ia inay sare u qaaday calanka Israel 7baadkii te gay ayada oo u muujineysa "is-garab tag.”

"Waxaan ku cambaareynayaa Austria inay sare u qaadeen alanka dowladda argagixisada ah,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa wada olole diblomaasi ah oo uu doonayo in cunaqabateyno iyo ciqaabo kale lagu saaro Israel oo tan iyo 10-kii May duqeyn ka wadda Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan ku dhowaad 60 caruur ah.

Madaxweynaha Maraykanka oo Ansixiyey in Israel hub laga iibiyo

President Joe Biden speaks about the eco nomy in the State Dinning Room of the White House, Friday, Feb. 5, 2021, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Inkasta oo Maraykanku mar labaad horjoo gsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari la haa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageer san yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah.

Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden "wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden "sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo da lal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Bi den ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gar gaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lag aga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.

QM Oo Shaacisay Tirada Dadka Falastiin iyiinta Ku Barakacay Weerarada Israa’iil

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan ar rimaha bini aadanimada ayaa sheegay in 52 kun oo Falastiiniyiin ah ku barakaceen duulaanka Is raa’il ku heyso magaalada Gaza.

Ciidamada cirka ee israa’iil ayaa duqeyn ku dumiyay 450 dhismo oo ay deganaayeen dad ra yid ah taas oo sababtay in dad badan noqdaan hoy la’aan.

Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobe Jens Lerke ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay47,000 la dejiyay 58 iskuul oo ay maamusho Qaramada Mid oobe kuwaas oo ku yaal magaalada Gaza.

Afhayeenku ayaa intaas ku daray in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen 6 isbitaal iyo xarumo kale oo dadka lagu caawiyo.

Dagaalkaan oo galay maalintiisi sagaalaad, ayaa waxaa ku dhintay 213 qof oo ay ku jiraan 61 carruur iyo 36 haween ah.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha israa’iil ee M/Gaza ayaa kor u dhaafaya 144 qof.

Khasaaro Ka Dhashay Gantaallo Ku Dhacay Koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, si da laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ambulance. Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in 50 gantaal ay dagaalyahanada Falastiin ku rid een dhinaca Israa’iil halka mid kamid ah ganta alladaas uu ku dhacay dhismo ay degan yihiin dad shacab ah.

Mar sii horreysay saraa kiisha caafimaad ka wa xay sheegeen in askari Israa’iili ah uu dhaawac soo gaaray kadib dag aal ka dhacay xadka.

Weli dagaalka ayaa socda, xilli dagaalyahana da Xamaas ay gantaallo ku garaacayaan Israa’iil halka Israa’iil ay duqeymo ka geysaneyso ma rinka Qaza.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada ga rgaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo la gaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa deg an iyo duminta guryaha.

Tallaalka Covid-19 oo lagu baaqay in isbadel lagu sameeyo

Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa ugu baaqday dowladaha hodanka ah iyo warshadaha dawooyinka, in ay isbeddel weyn ku sameeyaan itiraatiijay addooda ku aad dan soo saari sta iyo keenista tallalka C/-19.

Madaxa ICRC ee ka shaqeeya Covid, Espe ran za Martinez, ayaa sheegay in boqolkiiba 2 ta llaa lada la heli karo la geynayay 50-ka dal ee ugu saboolsan.

Meelaha qaar, xitaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira ayaan weli helin tallaal.

Dr.Martinez, ayaa she egay, in halista adduun ka ka jirta ay tahay, haddii aan si caddaalad ah wax loo qeybin, bul sho oyinka danyarta ahna aan la tallaalin ay abuuri karto, in uu dhasho nooc cusub oo cudurkan ka farcama, taas oo aan talla alka wax ka qab aneyn.

TACSI TIIRAANYO LEH

Reer jimcaale cigalle, reer maxamed cigalle, reer maxamuud cigalle, rerr rooble cig ale, reer geeddoow cigalle dhammaan reer cig alle gadiid waxaay tacsi toiraanyo leh u dirayaan reer axmed maxamed calsoow cabdiiyagoo ugu tacsiyadeynaya

Geeridii Ku Timid Cabdullaahi Maxamuud Ow Axmed Maxamed Calasoow

oo xalay ku geeriyooday cisbitaalka Ex-Digfeer ee magaalda muqdisho. Waxayna dadka deegan xaafadda tabeelaha jaceylka ee magaalda muqdisho iyana u tacsiya deynayaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Marxuum cabadullaahi maxamuud aw axmed {c/hi m.luunge} waxaayan xaasaska iyo carruur ta iyo hooyadiis xaliimo maxamuud hilowle, wal aahihiis sahro maxamuud luunge, shabso maxa muud lunge, baarliin maxamuud luunge, shukri maxamuud luunge iyo caruurta marxuumka uu ka tagay iyo prof. Maxamed xuseen aw axmed {cismaan.waryeel, cisman xuseen aw axmed, daa’uud xuseen ow axmed ,faadumi xuseen aw axmed iyo reer xuseen aw axmed guud ahaan sidoo ka lena reer batuulo aw axmed oo kala ah ,faddu mo maxamed cilmi, maxamuud maxamed cilmi, xaawo maxamed cilmi axmedmaxamed ci mi, maryan maxamed cilmi iyo dhammaan axsa abta iyo qaraabadaba waxay leeyihiin alle ha idi nka samri siiyo marxuumkana jannada alle ha u

gu bishaareeyo

Aamiin Aamiin.


FARMAAJO;”DOORASHOOYINKA DADBAN MA AHA KUWO U WANAAGSAN SOOMAALIYA,


" Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda For eign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada.

Waxa uu ku dooday in tan iyo markii uu xukunka la wareegay February 2017 ay ka go’neyd in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho "qof iyo cod ah” si shac abka ay u helaan awood ay ku doortaan cid da ay doonaan.

"Doorashada Soomaaliya dib ugu ma dhicin in aan doonayo sii haysashada xu kunka, balse waxaa arinkaa sabab u ah khil aaf kala qeybiyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu Farmaajo ku sheegay maqaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khilaafkaas uu salka ku hayo rabitaanka dowladdiisa ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho ay shacab ka codkooda ka dhiibtaan iyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay rabaan doorasho dadban oo awoodda siisa dad kooban.

"Waxaa la joogaa xilligii ay Beesha Caalamka weydiin lahayd: Maxay tahay sababta ay odayaal beeleed kooban iyo madaxda maamul goboleedyada la haystayaal uga dhigtaan shacabka Soomaaliya afartii sa noba mar? Maxay tahay sababta ay dad kooban u aamusinayaan shacab ka malaayiinta ah ee ay sheegaan inay metalaan?”

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga oo ka xun uu aqbalay heshi iskii doorashada ee 17-kii September 2020, balse uu ka socon waayay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa marar badan beeniyay eedeyn taas, waxaana ay sheegeen in dhanka Farmaajo uu ka fashilmay he shiiska, oo uu ka soo "carooday”.

Shir ay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka Dhuusamareeb isugu tageen maalmo uun ka hor inta aan la gaarin 8-dii February oo uu ku ekaa muddo xilleedka Madaxweyne Farmaajo ayaa fa shilmay, waxaana dhinacyada uu midba kan kale ku eedeeyay natiijo la’ aanta shirka.

Arrinta gobolka Gedo oo ahayd arrinta ugu adag ee caqabadda ku noqotay shirka in heshiis laga gaaro ayaa aakhirkii keentay in lagu kala tago.

Khilaafka gobolkaasi ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubb aland ayaa soo jiitamayay tan iyo doorashadii lagu murmay ee Jubbaland, taa oo dowladda Soomaaliya ay diidday in ay aqoonsato natiijadii ka soo baxday oo ahayd in madaxweynaha haatan xilka haya ee Axmed Ma doobe uu ku guuleytay doorashadaasi.

"Lama sii wadi karo doorashada dadban”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in hannaanka doorash ada dadban uu yahay midka la haray dimuqraadiyadda Soomaaliya, isla markaana aan la sii wadi karin.

"In heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya ayaa ka dhigan in laga qanciyo dhammaan saamileyda, xilli kasta iyo arrin kastaba. Doorasho oyinka dadban ma aha kuwo u wanaagsan [Soomaaliya] ama la joogteyn karo,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa Farmaajo ku dhaliilay in uu doonayay muddo kororsi. Markii uu Go laha Shacabka 12-kii April ansixiyay xeerkii jiheynta doorashada, waxaa ka dhashay rabshado hareeyay Muqdisho.

Farmaajo ayaa rajo ka muujiyay shirka lagu wado in 20-ka bishan looga arrinsado doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ra’iisul wa saare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hannaanka doorashada.


 


OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

IVECO

OGEYSIIS HALKAN LAGU SIIYAY in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan (IVECO) is the property of IVECO S.P.A., an Italian Joint Stock Company of VIA PUGLIA, 35 TORINO - ITALY iyo in isla sumaddaas ganacsi loo isticmaalo alaabooyinka soo socda:

Fasalka 12: Gawaarida dhulka; Gawaarida warshadaha; Gawaarida ganacsiga; Basaska; Gawaarida yar yar; Tababarayaasha;

 

Baabuurta waaweyn; Gawaarida gaashaaman; Gawaarida dhulka ee hubka lagu ilaaliyo; Gaadiidka dagaalka ee gaadiidka; Gawaarida korontada; Gawaarida korontada ku shaqeeya; Mashiinnada loogu talo galay gaadiidka dhulka, gaadiidka ganacsiga, basaska, basaska yaryar, macallimiinta, gawaarida xamuulka, gawaarida gaashaaman, gawaadhida gaashaaman ee gaashaaman, gaadiidka millatari ee lagu qaado; Mashiinka korantada ee gawaarida; Mashiinnada gaaska gawaarida; Cabsi loogu talagalay gawaarida dhulka; Qaybo iyo rakibyo la xiriira badeecadaha kor lagu soo sheegay.

SIDOO KALE Ogeysiis ayaa lasiiyay inIVECO S.P.A. waxay sheeganaysaa dhamaan xuquuqaha laxiriira calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inuu adeegsanayo calaamadda ganacsiga aan kor ku soo sheegnay ama calaamado ganacsi oo kale si khiyaano ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale uu ku xadgudbayo xuquuqdiisa

 

OGEYSIISKA GUUD

Ogeysiiska waxaa la siinayaa in Disarmco Holdings Limited of Jindal House, 35 Progress Road, Leigh-on-Sea, Essex, SS9 5PR, United Kingdom are the Sole Proprietors in Somalia iyo dhamaan wadamada kale ee soo socda Ganacsiga -

DRAGON

Kaas oo loo adeegsado alaabooyinka soo socda:

Shidaal iyo iftiin; shumacyo iyo shumacyo laydh; shumac shumaca. Walxaha qarxa iyo aaladaha, oo aan ka ahayn hubka; pyrotechnics; ciladaha pyrotechnic; Shumacyada Roman.

Qof kasta oo nuqul ka sameeya, ku dayashada, ama si kasta oo kale oo uu ku xadgudbayo xuquuqda la sheegay Disarmco Holdings Limitedcalaamadaha Ganacsiga waa la horgeyn doonaa si waafaqsan Shuruucda u dagsan Soomaaliya si looga hortago in Calaamadaha been abuurka ah lagu soo rogo alaabada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip