Muuse Biixi oo sheegay in dowladda Somalia ay tahay Cadawga Koobaad ee Somaliland

0
Wednesday May 19, 2021 - 07:31:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo sheegay in dowladda Somalia ay tahay Cadawga Koobaad ee Somaliland

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay yihiin Cadawgooda koobaad, isla markaana dhibaato badan ku hayaan.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May ayaa sheegay in Caalamka dowlada kaliya ee kasoo horjeeda Qaranimada Somaliand ay tahay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

" Waa nasiib darro waa cadaawad aan meel loo dayin, Somaliland hadaan nahay waxaanu leenahay war anaga soomali iska dhaafee Adduunkoo dhan ayaan ka rabnaa in nabad lagu wada noolaado, balse Soomaali waxaa noo kala soocan danaheena ayuu yiri” Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinkii lo geystay Shacabka Somaaliland aysan u heysan cid gooni ah, balse ay mas’uul ka aheyd dowladdaii uu hoggaaminayay Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo aadaya xilli Afartii sano ee uu talada haayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan wax wada-hadal natiijo laga gaaray aysan yeelan dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip