Guddoomiyihii gobolka Wajeer oo xilka laga qaaday

0
Tuesday May 18, 2021 - 20:50:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii gobolka Wajeer oo xilka laga qaaday

    Aqalka Sanetka dalka Kenya ayaa xil ka xayuubin ku sameeyay barasaabkii ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud. Dood dheer oo aqalka Sanet-ka ka yeeshay warbixin ay u soo gudbiyeen guddi gaar ah oo baaritaankiisa loo xilsaaray ayaa waxaa ugu dam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Sanetka dalka Kenya ayaa xil ka xayuubin ku sameeyay barasaabkii ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud. Dood dheer oo aqalka Sanet-ka ka yeeshay warbixin ay u soo gudbiyeen guddi gaar ah oo baaritaankiisa loo xilsaaray ayaa waxaa ugu dambeyntii loo qaaday codeyn. 25 Sanatar ayaa u codeysay in barasaabka xilka laga qaado, halka 2 xubnood ay diideen. Waxaa codeynta ka aamusay oo aan codkooda dhiiban 4 Sanatar. Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay golaha wakiilka ee ismaamulka Wajeer. Golaha wakiilada ayaa ka dib u soo gudbiyay aqalka Sanet-ka islamarkana waxaa loo saaray guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeyay eedeymihii loo soo jeediyay. Eedeeymaha loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku tuntay dastuurka dalka. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu jabiyay sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo in uu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta. Waxaa uu barasaabkii ismamaulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud noqonayaa barasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip