Ra'iisul Wasaare Rooble Iyo Beesha Caalamka Oo Maanta Kulan Yeeshay

0
Tuesday May 18, 2021 - 20:48:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Iyo Beesha Caalamka Oo Maanta Kulan Yeeshay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka. Kulanka dhexmaray Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka. Kulanka dhexmaray Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga ka wada hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo aan weli xal buuxa laga gaarin. Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa Rooble iyo Wakiilada uga wada arrinsadeen u diyaar garowga Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleeyada iyo taageerada Beesha Caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka. Shirka uu Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta isugu yeeray Madaxda ayaa waxaa la filayaa in 20-ka Bishaan May uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoona lagu wado in heshiis looga gaaro khilaafka taagan. Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip