Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo la xukumay

0
Tuesday May 18, 2021 - 20:46:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo la xukumay

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukun ku riday rag loo heysto dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay 21-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun). M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukun ku riday rag loo heysto dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay 21-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun). Maxkamadeynta ragga loo heystay dilkaas oo gaarayay ilaa 6 Ruux ayaa isugu jira Saraakiil & askar ka tirsan Booliska Soomaaliya ,waxaana ay soo martay heerar kala duwan, iyada oo ugu dambeyn Maanta la xukumay. Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo guddi u saaray baaritaanka kiiska dilka guddoomiyihii degmada Hodan ayaa waxaa ay horay u sheegeen in falkaasi uu u dhacay si ku talo-gal ah taas oo keentay in kiiska loo gudbiyo Maxkamad. Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa dhowr jeer sheegay in dilkaas uu ahaa mid ku talo-gal ah, isaga oo dalbaday in eedeysanayaasha lagu xukumo dil toogasho oo ah ciqabta dambiga ay galeen. Maxkamadda Ciidamada ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheeegay in kiiskaan uusan aheyn ku talo-gal balse uu ahaa Shil dhacay, waxaana Maanta ay Xukun ku riday Saraakiil & Askar loo heysto dilkaas, kuwaas oo uu xukunkooda u dhacay sidatan. Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed oo lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sababo la xiriira in uu ka gaabiyay howlihii loo igmaday & baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa, Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo 5 Sano lagu xukumay, halka min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay, Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax, & Kulmiye Kaariye Cali. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ayaa dhamaan xukunsanayaasha waxaa ay saartay bixinta Magta oo ah diyo adag iyo sidoo kale magdhow siinta Ibraahim Abuukar Cismaan & liibaan Xasan liiban oo shilkaasi uu dhaawac kasoo gaaray. Ka sokoow xukunka Maanta lagu riday rag loo heystay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa waxaa Maxkamadda ay horay u siideysay Taliyihii hore ee Booliska degmada Waaberi Cabduqaadir Mooshin iyo ilaaladiisa kadib markii dambi lagu waayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip