QM Oo Shaacisay Tirada Dadka Falastiiniyiinta Ku Barakacay Weerarada Israa'iil

0
Tuesday May 18, 2021 - 20:42:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Shaacisay Tirada Dadka Falastiiniyiinta Ku Barakacay Weerarada Israa'iil

    Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in 52 kun oo Falastiiniyiin ah ku barakaceen duulaanka Israa'il ku heyso magaalada Gaza. Ciidamada cirka ee israa'iil ayaa duqeyn ku dumiyay 450 dhismo oo ay de

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in 52 kun oo Falastiiniyiin ah ku barakaceen duulaanka Israa'il ku heyso magaalada Gaza. Ciidamada cirka ee israa'iil ayaa duqeyn ku dumiyay 450 dhismo oo ay deganaayeen dad rayid ah taas oo sababtay in dad badan noqdaan hoy la'aan. Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobe Jens Lerke ayaa sheegay in dad lagu qiyaasay 47,000 la dejiyay 58 iskuul oo ay maamusho Qaramada Midoobe kuwaas oo ku yaal magaalada Gaza. Afhayeenku ayaa intaas ku daray in ciidamada Israa'iil ay duqeeyeen 6 isbitaal iyo xarumo kale oo dadka lagu caawiyo. Dagaalkaan oo galay maalintiisi sagaalaad, ayaa waxaa ku dhintay 213 qof oo ay ku jiraan 61 carruur iyo 36 haween ah. Dadka ku dhaawacmay duqeymaha israa'iil ee magaalada Gaza ayaa kor u dhaafaya 144 qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip