Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Booqday Degaan Uu Ku Fatahay Webiga

0
Tuesday May 18, 2021 - 20:36:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Booqday Degaan Uu Ku Fatahay Webiga

    Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhowaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhowaan uu ku fatahay Webiga Shabeelle. Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto. Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto. Cali Guudlaawe ayaa deeq kala duwan oo raashin iyo daawooyin ah ku wareejiyay dadka ku nool Tuulooyinka Baareey iyo Geedo barkaan oo fatahaada Wabiga Shabeelle ay saameysay isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip