HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 18-MAY 2021

0
Tuesday May 18, 2021 - 08:31:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 18-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble "Shirkii aan iclaami yay 20-ka May wuxuu ku qabsoomayaa muddadii aan u qabannay…”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaar siinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ay aa sheegay inay Soomaaliya galayso marxalad doorasho, uuna socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro inuu qabsoomo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dow lad Gobaleedyada, kaas oo loo balansan yahay 20-ka bishan.

"Soomaaliya waxay galeysaa doorasho. Wa xaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaam iyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay Inshaa allaah.”

Qoraalkan oo Ra’iisul Wasaare Roble, soo dhigay Habeen hore bartiisa Facebook ayaa yimid xilli Midowga Musharixiinta ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, si doo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla ma rkaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa shir guddoomiyay kulanka 7baadlaha ee Maamulka G/Banaadir, kaasi oo goob-joog ka ahaayeen Kuxigeenada Maamulka Gobolka Xog hayaha guud ee maamulka G/B anaadir iyo Dhamaan Saraakiisha Laamaha Ammaanka qeybahooda kala gedisan.

Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaasi loogu hambaly eeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida. Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wa da shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaashii hore iyo xildhibaano shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sh.Maxamuud ayaa Shalay kulan xa saasi ah ku yeeshay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan ya hay madaxweyne Sh.Shariif. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Faa rax Sheekh Cabduqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Duc aale, waxaana looga wada-hadlay xaalada siy aasa deed ee dalka iyo arrimaha doorashooyin ka. Ma daxda shirka ku yeeshay hoyga Guddoo miyaha Golaha Midow ga Musharixiinta ayaa waxay kul ankooda diirada ku saareen wada-hadalada la filayo inay dhawaan ka furmaan ma gaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Onli ne u sheegen xubno ka ag-dhow.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii Ra’iisal wasaare Rooble loogu gacan siin lahaa dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka ee loo xil-saaray, xili qaar kamid ah musharaxiinta mu caaridka ay walaac ka muujinayaan.Qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa hore walaac uga muujiyey dhex-dhexaadnimada ra’ iisal wasaare Rooble, inkasta oo qoraalkaas ay san isku wada raacin dhammaan musharaxiinta

" Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansa may cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hogga am isay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadn imo,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu kala jabay oo kusoo baxay magaca Golaha Musharaxiinta.

"Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku bo orinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, isla markaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumis ka, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan ha naan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci ka raan, wadana aqbali karaan shacabka Sooma aliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkaas.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal ho re kalsooni u muujiyey ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo xubnaha ugu sareeya ee Golaha ay ku adkeysanayaan in weli fursad la siiyo Rooble, xili ay maalmo kooban ka harsan-yihiin furitaan ka shirkii uu isugu yeeray maamulada dalka iyo gobolka Benaadir.

Taliyeyaal loo Magacaabay Saldhigyada Bool iska Dhuusamareeb & Matabaan

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal Cusub waxaa uu u Magacaabay Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Boo liska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto kaso baxay Xafiiska Taliyaha Ciid amada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamar eeb loogu Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Sal dhiga Boo lis ka de gmada Mata baan ee G/ Hiiraan loo Magacaa bay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

 

Sidoo kale Tali yaha Ciidama da Booliska So omaaliyeed Jan eraal Cab di Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliye kuxigeen ka qey bta Guud ee Booliska Gobolka Mudug waxaa uu u Magacaabay G/le Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Bool iiska Dhuus amareeb.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa amray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug inuu howlgeliyo saraakiisha la Magacaabay, isla mar kaana uu u dalbo xaquuqda ay leeyihiin.

DFS Oo Joojisay Heshiisyadii Ay Kula Jirtay Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaajoojisay gabi ahaan ba heshi isyadii ay kula jirtay shirka daha gaarka loo leeyahay ee ku shaqada leh in shaqaale Soomaaliyeed sha qo siin dibedda ugu diraan.

Wareegto uu soo saaray Was iir dowlaha Wasaradda shaqa da iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabi ’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu ho ray u la gashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibe dda ugu dhoofin karaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdi Axmed Qaasim ayaa gaarsiiyay hay’addaha ay quse yso wareegtadani,isagoo dhinaca kale ka codsa day Heya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darted loo dhoofinayo.

Meydka Wariye Axmed Xuseen Cadoow oo la’aasay

Alle ha u Naxariistee waxaa Shalay qabuu raha Iskuul Bulusiya ee Magalada Muqdisho la gu Aasay Wariye Axmed Xuseen Cadoow oo ka tirsanaa Warbaahinta Dalsan, kaas oo Habeen hore ku geeriyooday Isbitaalka Yardameeli ee Magaal ada Muqdisho

Axmed Xuseen Ca doow ayaa muddo todobaad ah la jiifay Isbita alka xa nuun ka haayay dhi na ca wadnaha ah, kaas oo ugu damb eyn uu u ge eriyoo day Habeen hore xilli da mbe, waxaana ehelkiisa ay sheegeen in ay dhib eysay in uu neefsado.

Aaska Wariye Axm ed Xuseen Cadoow ayaa waxaa ka qeyb galay, Qaar kamid ah ehelkiisa, saa xiibadiisii gaarka ahaa, inta badan Wariyeyaasha Magaalada Muq disho oo ay kujiraan kuwo ay isla soo Shaqeeye en iyo Maamulka Sare ee Warbaahinta Dalsan.

Gudoomiyaha guud ee Warbaahinta Dalsan Maxamed Cajiib oo Goobta Aaska ka hadlay ayaa marka hore u tacsiyadeeyay ehelkiisa, wa xaana uu balan qaaday in Mushaarkii uu ka qa adan jiray Idaacadda ay sidii u bixin doonaan, si doo kale ay waxbarasho ka bixin doonaan Car ruurtiisa.

Qaar kamid ah Wariyeyaashii ay iska soo Shaqeeyeen Warbaahino kala duwan oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa dhanooda uga tacs iyadeeyay ehellada, Saaxiibada iyo qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Wariye Ax med Xuseen Cadoow, iyaga oo sheegay in uu ahaa Saaxiib dabeecad wanaagsan.

Alle ha u Naxariistee Wariye Axmed Xuseen Cadoow ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu Ifka ka ga tegay hal Xaas oo uur leh & Saddex Carruur ah, waxaana in muddo ah uu ku jiray Bahda Sax aafadda, isaga oo kasoo Shaqeeyay dhowr Ida

acadood oo ku yaal M/Muqdisho.


Dowladda Oo Ka Tacsiyeeysay Geerida Wariye Axmed Xuseen Caddow

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuuma dda Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii nax dinta lahayd ee ku timid All aha u naxariistee Wariye Ax med Xuseen Caddow.

Marxuumka ayaa maalm ihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Yerdameli ee Muqdisho, waxaana ku dhacay xanuunka dhinaca wadnaha, iyadoo dhaqaat iirka Isbitaalka ay sheegeen in dalka waxba lo oga qaban karin.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Du bbe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelka, qara abada iyo dhamaan bahda Saaxafada ee uu ka baxay Axmed Caddow, isaga oo Alle uga baryey in uu naxariista Janno ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Axmed Xuseen Caddow waxaa uu ka howlgalayey Warbaahinta Dalsan Media, wuxuuna sidoo kale horay uga soo sha qeeyay warbaahino kale duwan oo dalka ka howlgalo.

Marxuumka ayaa waxaa uu ifka kaga tegay Xaas iyo saddex Carruur ah, isla markaana waa xaa uu ahaa shaqsi aad u firfircoon oo dabee cad wanaagsan, waxaana Shalay lagu aasay qaruubo ku yaalla Iskuul Buluusiya ee Ma gaalada Muqdisho.

Allaha u naxariisto Wariye Axmed Caddow. AAMIIN AAMIIN.

Md.Daahir M. Geelle "RW Rooble laga aqbali maayo, wixii Farmaajo laga diiday..”

Musharax Daahir Maxamuud Geelle ahna Af hayeenka Midowga Musharixiinta Madaxwe ynaha ayaa soo bandhigay shan qodob oo laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta ka hor shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyin ka ee loo madlan yahay 201-ka Bishaan.

Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay Shanta qodob inay yihiin kuwo muhiim u ah Ra’iisul Wasaaraha in uu ogaado si ay ugu fududaato in heshiis doorasho lagu garo shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Akhriso Shanta qodobee uu sha aciyay Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’I isalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May.

1- In uu ogaado inaan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyays an oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday wad dadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dha maato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqan ayn. 5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay ha bdhaqan hore loogu hungoobay laguna fa shilmay.

Jubbaland & Midowga Afrika oo ka wada hadlay Arrimaha doorashada

Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee dawlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan is xog waraysi ah oo aaladda fogaan araga loo adeegsanayo la qa atay masuuliyiin ka socda Midawga Afrika.

Kulankan oo ahaa mid xaq iiqo raadin ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo ciidamada qal abka sida ee dalka, nidaamka federaaliisimka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, cadaalad da iyo dib u heshiisiinta bulsho, xaaladda bani ’aadannimo.

Madaxweyne kuzigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegau in sidoo kale shirka looga hadkay is kaashiga laamaha amaanka dalka iyo ciid ammada hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afr ika (AMISOM) ee dalka ku sugan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaas uu ku daray in ay Midowga Afrika ka wada hadleen arr imaha doorashooyinka, caqabadaha hortaagan, siyaasiyiinta iyo Ciidamada kala.qeybsamay iyo sidii looga gudbi lahaa.

Xubnaha Midowfa Afrika ayaa waxaa la filay aa inay kulamadooda sii joogteeyaan, sidoo kal ena ay kulamo kala duwan la qaataan Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Qoorqoor oo Guddi xaqiiqo raadin ah u Mag acaabay dil ka dhacay Gaalkacyo

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyna ha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xa qiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduub ka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu magic aabay guddiga hoos ku xus an yihiin:-

Avv Muumin Xuseen C/hi (Guddoomiye)

Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (G/ye k/xgeen)

3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)

G/Dhexe M/Amuud Axmed M/med (Cawil) (Xubin). X/le Ciise Axmed Cali (Xubin)

Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin), C/risaq Khaliif Aaden (Xubin) Magacaabista guddigaan ayaa dhaqangaleysa marka uu saxiixo madaxwey nuhu waana uu saxiixay.

Shacabka Xuddur oo Shalay tukaday Salaad roob doon ah.

Magaalada xuddur ayaa markale Shalay waxa lagu tukaday salaad roob-doon oo alle lo oga baryayo nimcadiisa, xillig aan oo gu’ga wali si fiican u ga da’in xudur iyo deegaana da kale ee hoos yimaada ga ar ahaan dhul beereedka oo dadka beeralayda ah aad uga deyrinyaan maad aama roobabkii sanadkaan la filayay aan wali da’in. Guud ahaan shacabka waxa la faray Alle bari shanta salaadood ciribtooda masaajidada waa lagu qanuudaa, maalmihii lasoo dhaafay waxa jiray Qur’aan si wada jir ah culimada u akhrinay een, banaambaxaan salaada lagu tukadayna wa xana ka soo qeyb galay culimaa’udiin, masuuliyi inta deegaanka iyo bulshada inteeda kale, mar ka laga baxay salaada culimada waxay soo jee diyeen in Alle loo towbadkeeno.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegey in dadka reer Xudur into oda badan beeraley yihiin, isla markaana aysan jirin wado kale oo dadka ay beerahooda ku war aabsan karaan hadii roob la waayo.

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soo maaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliy een degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose, hal kaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo saraakiisha hoggamineysay ay shegeen inuu ahaa mid amniga lagu xaqiij ina yay ayaa Cidamada DANAB waxaa ay ka sameeyeen degaanka yaaq bariweyne ee G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku galayeen Guryaha, iyaga oo baaritano ku same ynayay, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ay Warbaahinta dowladda u sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii de gaankaas lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada ilaa degaanka yaaq Bariweyne iyo degaannada ku dhow dhow laga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay ayaa wa xaa Gudaha dalkaas ay ku dileen Muwaadin So omaliyeed oo Ganacsi ahaan u tegay, iyaga oo la sheegay in dilka kadib ay kooxaha Burcadda ah goobta ka baxsadeen.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaa bi jiray Cabduqaadir Cumar Cali Biyeey, ayaa Kooxaha hubeysnaa waxaa ay dhowr xabadood ku dhufteen xilli uu marayay Bartamaha Su uq ku yaal Xaafadda Soomaa lida u badan tahay ee Bellville oo ku taalla Magaalada Cape Town ee dalka K oonfur Afrika.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in dablayda di lka gaysatay ay ka qaateen Boorso uu sitay, iyagoo si deg dega uga cararay goobta, waxaa na intaasi kadib tegay Ciidamo ka tirsan boolis ka dalka Koonfur Afrika, in kastoo aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Soomaa lida ay ku badan tahay ee Bellville oo ku taalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in walwal xoogan uu soo wajahay kadib markii dhowrkii malmood ee la soo dha afay sibareera ah loo dilay Soomaali farabadan

Dalka Koonfur Arfrika ayaa waxaa sanadka an 2021 ku batay dilalka loo geeysanayo Sooma lida, waxaana todobaadkaan gudihiisa dalka K/ Afrika lagu dilay 6 muwaadin oo Soomali ah, halka tiro kale lagu dhaawacay.

 

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa wa xaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Gobolka lamu ee dalkaasi Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

 

Saldhiga Ciidamada Kenya ku sugan yihiin ee la weeraray ayaa waxaa uu kuyaal deega anka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu, wa xaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in la badan laba Saacadood, kaas oo dhex-maray Cii damada Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka ku nool Aaga deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu ayaa waxaa la shee gay in uu saameyn xoogan ku yeeshay dagaal ka, iyada oo mararka qaar xaafadaha degaanka ay ku dhacayeen rasaasta la isku adegsanayay.

Taliska Ciidamada Kenya ee Gobolka lamu weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex-maray Ciidamada Ke nya iyo Al-Shabaab marka laga reebo saamey nta uu ku yeeshay Bulshada ku nool deegaanka May-gaay oo katirsan gobolka Lamu.

Weerarka dhacay deegaanka May-gaay oo kat irsan gobolka Lamu ayaa waxaa uu kusoo aad ayaa xilli habeen ka hor Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada Ke nya ku leeyihiin Gobolka Wajeer.

Beeraleyda Jaadka ee Kenya oo ka hadlay tallaabadii lagu joojiyay duulim aadyada Soomaaliya

Ganacsatada beeraleyda ah Jaadka ee Ke nya ayaa ka doonaya dowladdooda iney si buux da usoo celiso xiriirkii siyaasadeed ee ay la la heyd dowladda soomaaliya si ay dib ugu bilaab aan inay Soomaa liya u soo dhoo fiyaan Jaadka.

Guddoomiyaha ururka ganacstada Jaadka ee Nyambene, Kimahi Munjuri ayaa sheegay in go’aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo



Kenya isaga kala gooshi jirey ay tahay ra’yi qaldan, sida uu qorey wargeyska Daily Nation.

Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta u soo diri jiray Soomaaliya qaad fara badan iyagoo ka heli jiray dhakhli aad u bada si ay noloshooda ugu maareeyaan.Dowladda Soo maliya ayaa dhawaan ku dhawaaqdey iney soo celisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Kenya, balse uusan qeyb ka aheyn in la qaado xayir aadda saaran Jaadka.

Kenya ayaa toddobaadkii hore joojisay duuli imaadyadii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana tallabadaas wax laga xumaado ku tilm ammtay dowladda Federaalka ah ee Soom aaliya.

Ciidamada Israel oo markale duqeyn ku bilaabay dhulka Falastiiniyiinta

Ciidamada Israel ayaa mar kale Shalay dib u billaabay duqeymo culus oo ay ka fulinayaan ma gaalada, xilli ay sii kordhayaan baaqyada caa lamiga ah ee lagu dalbanayo xabad-joojin.

Waddooyin, dhismooyin amni iyo guryo ayaa lagu burburiyey duqeymaha Israel, sida ay shee geen goobjoogeyaal. Weli ma cadda tirada khas aaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha Shalay.

Weeraradii Axaddii dhacay oo burburiyey gu ryo dad shacab ah, ayaa saraakiisha caafi maadka Falastiin waxay sheegeen in lagu dilay 42 qof, oo ay ku jiraan 10 caruur ah. waxay ah eyd maalinkii ugu dhimashada badneyd.

Xamas ayaa iyana weli wadda gantaallada ay ku tuureyso magaalooyin ka tirsan Israel.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bartiisa twitter ku qoray "Dhammaan dhincyada waxaa looga baahan yahay inay qaboojiyaan xiisadda – rab ashadaha waa inay u dhammaadaan si deg deg ah.”

Baaqa Blinken ayaa yimid kadib markii uu wasiirka arrimaha dibedda Masar taleefon kala hadlay xiisadda Israel, Gaza iyo Daanta Gal beed.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanya hu ayaa sheegay in ololaha Gaza uu "awood bu uxda” ku socdo, ayna qasab tahay in lagu guule ysto ka hor-tagga dagaal mustaqbalka lala galo Xamas.

Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha billow deen ku sheegtay 197 qof, oo ay ku jiraan 58 ca ruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Israel ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas.

Abiy oo sheegay in dalkiisa ay fara galin ku hayaan dowlado shisheeye

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ay aa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dha cyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go ’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa.

Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aa nnu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa ol ole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilma amey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqa alahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaan ayaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkee yey in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun tur ooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Zambia oo Ciidamo Ku soo Biirin eysa Howgalka Ciidamada AMISOM.

Dowladda Zambia ayaa sheegtay in ay 100 askari oo saaraakiil boolis ah ku soo biirinayso Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timi kaddib markii danjiraha Zambia ee Itoobiya Emmanuel Mwamba uu wa rqad is afgarad ah la saxiixday Midowga Afrika isaga oo ka wakiil ah dalkiisa.

Masuulka ayaa sheegay in askarta dalkiisa ee qeybta ka ah howlgallada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay yihiin askar ku suntan yihiin anshax wanaag.

Danjire Mwamba ayaa sheegay in Zambia ay tan iyo 2012-kii dhowr meelood u dirtay ciidamo iyada oo aan saxiixin wax is afgarad ah balse haatan askartan cusub ay ku tagi doonaan isfaham dhex maray dalkiisa iyo Midowga Afrika.

Waxa uu sheegay in Zambia ay dalal badan ku gacansiisay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Haweyneydii ugu horeysay oo R/wasaare ka noqotay wadanka Samoe.

Dalka Samowa oo ah Jasiirad yar oo ku taala badweynta Baasifigga ayaa markii ugu horeysay haweeney ay R/wasaare ka noqonaysaa kadib amar kasoo baxay maxkamada sare ee dalkaas.

Fiyaame Nayoomi Mataafa ayaa

hadda Shalay loo caleema saarayaa inay R/wasaare ka noqoto dalkaan yar ee Samowa.

Maxkamada ayaa dhawaan diiday natiijada doorasho dhawaan dalkaasi ka dhacday wa xaana ay sheegtay inay ogaatay in Fiyaame ay tahay shaqsiga guulaystay.

Haweenaydaan ayaa xilkaan kala wareegay sa Tuwileepa Saylale oo dalkaas xukumayay 20 sanno ee lasoo dhaafay.


XAMAS oo duqeysay laba magaalo oo ka mid ah Israel iyo wararkii ugu dambeeyey

Ururka Xamas ayaa gantaallo ku garaacay la ba magaalo oo ka mid ah dhulka ay Yahuud da xoogga ku haystaan, halka ciidamada Yahu uda ay Shalay mar ka le duqeyn xoog leh oo dhanka cirka iyo dhul ka ah la beegsadeen qeybo kala duwan oo ka tirsan M/ Gaza.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu bartilmaameed saday guryo ay dagan yihiin dad rayid ah, Xa rumaha Amniga, iyo Xarumaha Dowladda ee Marinka Gaza, sidoo kalana duqeymaha ayaa si ula kac ah waxaa loogu burburiyey tiro kamid ah waddooyinka waaweynka iyo Isgoysyada taasoo sababtay burburka qeybo badan oo kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalada Gaza.

Xamas ayaa dhankeeda Gantaalo culus la beegsatay magaalooyinka israel ee kala ah Ashkelon iyo Beersheba, waxayna saraakiisha Caafima adka Israel xaqiijiyeen dhaawaca 13 qof oo Israa’iilyiin ah inkastoo aysan jirin illo ma dax banaan oo xaqiijiyey khasaaraha ka dha shay.

Intii ciidamada Israa’iil ay wadeen waxa ay u gu yeereen wajiga cusub ee dagaalka ay ku hay aan Gaza, warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka qeybgalayo xaflad la sheegay in loogu dabaald agayo natiijada guusha ah ee laga gaaray du qeyntii cirka aheyd ee diyaaradaha dagaalka Isr ael ku bilaabeen todobaad ka hor marinka Gaza, balse waxaa hadda lagu soo waramayaa in Net anyahu uu xafladdaasi ka baaqday.

Sababta la xariirto Netanyahu ka baaqashadii sa dabaaldagii ku aadanaa in suuq geyn loo sa meeyo ka guuleesashada iska caabintii Gaza kaga imaaneysay si uu ahdaaftii guusha dag aalka u gaaro waxaa lagu sheegay inay tahay ilo ku dhow oo la helay oo sheegayaan in natiijada loo arkay mid iska dhex dhexaad ah oo aan mi cno badan sameyn laheyn haddii uu ka qayb ga li lahaa dabaaldagaas. Sidoo kalena waxaa la ogaaday in guusha Isra’iil sheegatay aysan wax weyn ahayn.

Sidoo kale, Ciidanka Israel ayaa sheegay in kadib saqdii dhexe ee Habeen hore ay fuliyeen wajigii seddexaad ee dagaalkooda sideeda maalin ee sida joogta ah uga socday marinka Gaza, wax ayna howlgalkaan ugu magac dareen "Howlgall ada Darbiyada.”

Ciidamada sida xoog ah ku heysto dhulalka reer Falastiin ayaa sidoo kale bayaan ay soo sa areyn ku sheegay in weerarada laga beegsaday goobaha ay ku sugan tahay Xamaas, waxayna sheegeyn in Shalay muddo 20 daqiiqo ah du qeyn laga beegsaday 35 bartilmaameed .

Israel ayaa sheegtay in 54 dagaalyahan oo ka tirsan iska caabinta Falastiin ay kusoo rideen qiyaastii 110 Galtaal meel 15km u jirto Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaada Gaza ayaa tirada dhimashada tan iyo markii ay duqeymaha bill owdeen ku sheegtay 201 qof, oo ay ku jiraan 58 caruur ah iyo 34 haween ah. Mas’uuliyiinta Isr ael ayaa iyagana sheegay in 10 qof oo ay ku ji raan laba caruur ah lagu dilay gantaallada Xamas.

Sacuudiga oo Muwaadiniintiisa ka mamnuu cay inay u socdaalaan Soomaaliya

Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay Go’ aano ay uga mamncuuceyso muwaadiniinteeda inay u socdaalaan 13 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay sababo la xiriira cudurka safmar eenka ah ee COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha di badda Sacuudiga ayaa looga digay muwaadin iintooda inay u safraan dalal ay kujirto Soomaaliya, kuwaas oo kala ah, Siiriya, Libya, lubnaan, Soomaliya, Turkiga, Yemen, Iiraan, Bel arus, , Armenia, Hidniya, Jamhuuriyadda dimuqr aadiga ee Congo iyo Afghanistan.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Sa cuudiga ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Sacuu diga aysan ka tegin dalkaas ogolaansho la’aan, duulimad toos ah iyo mid aan toos aheyn intaba si baritaan Caafimaad ay u maraan dadka bax aya.

Dhinaca kale waxaa weli taagan Go’aankii ho ray dowladda Sacuudiga uga soo baxay ee ah aa in muddo 14 maalmood ah la karantiilayo dad ka ka imaanaya 20 dal oo Soomaaliya iyo marey kanka kujiraan si loo hubiyo Caafimaadkiisa.

Dowladda Sacuudiga ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkan 2021 waxaa ay soo saartay Go’a an ah in muwaadiniinteeda aysan tegi Karin 20 dal oo ay Soomaliya kujirto, waxaana Go’aanka Shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dib adda Sacuudiga uu yahay mid lagu xoojinayo Go’aankii hore

Yahuudda Oo Weerar Cirka Ah Ku Dishay Xubin Sare Oo Ka Tirsanaa Xoog agga Iska Caabinta Falastiin

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah ay ku dileen hoggaamiyaha kooxda ka dagaalanta waqooyiga Qaza ee Hussam Abu Harbeed.

Militariga ayaa sheegay in Abu Harbeed uu mas’uul ka ahaa dhowr gantaal oo kuwa lidka ta angiyada ah oo lagu gannay Israa’iil, kuwaasi oo uu ka mid ahaa gantaal dhaawac fudud gaa rsiiyay qof shacab ah.

Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay madaaf iicda la hago ee lagu tuurayay Israa’iil ee khasaa rihii u dambeeyay sababay.

Kooxdan Islamic Jihad ayaanan durbadiiba xaqiijinin geerida hogaamiyaha kooxdan balse wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigane yso ilo wareedyo kooxda ka tirsan, ayaa ba ahisay geerida Abu Harbeed.

Warbaahinta Qaza ayaa sheegtay in hoggaa miyahan Shalay lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gurigiisa Beit Lahiya

MIDOWGA AFRIKA oo ku adkeysanaya magacaabista John Mahama ee Soomaaliya

Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adk eysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowla dda federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas weri yey wargeyska East African.

Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheega yaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xig ta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu wal aac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Fama ajo.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuu riyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshis ekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ay aa wargeyska East African u sheegay in xubna ha ururka ay go’aan ka gaari doonaan arrinta Jahn Mahama.

"Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaaro. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri afhayeenka oo lagu magaca abo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan gu ddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika.

"Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka gu ddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mow qifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa ka dib kulankan.”

Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rume ysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug ye elato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha.

Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midow ga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabi sta Mahama.

Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumey san inuu xiriir la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo di ro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Ro oble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari wa aga siyaasadeed.

Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ay aa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor.


 


 

MOGADISHU IYO CANSHUURTII REER MATAANKA.=WARBIXIN TAARIIKHI AH=


Marxaladihii ey soo martay Xamar oo Badnaa haddii aan ka soo qaato Saddax iyo Canshuurtii Reer Mataanku ka qaadi jiray Magaalada sida ku qoran Buugaagtii iyo Qoraaladii Hore.

Marxaladda A.

Wakhtiyadii hore Mogadishu.waxa ey aheyd Magaalo kaligeed maamul leh "City-State” waxa ey xiriir aad u fog la leheyd Qaranno hore u jiray iyo kuwo Hadda Magacoodii isbedelay Sida: Phoenicia, Ptolemic, Egypt, Greece, Parthian,Persia, Saba, Nabataea iyo Boqortooyadii Roman.

Badmareenadii hore ee Somalida ayaa isticmaali jiray Doomo Xamuulka qaado oo loo yaqiin "Beden” ..Romaankii iyo Giriigii hore waxa ey u yaqiineen Dhulka "Sar apion”. qarnigii 1aad ka hor.

Marxaladda B.

Mr.Duarto Barbosa, waxa uu yimid Mogadishu qiyaastii 200 Sano Ibnu Batuuta kadib. Mr.Duarto Barbosa oo ahaa sarkaal ka tirsan Boqortooyadii Boortaqiiska oo tegay Mogadishu. waxa uu yiri: Mogadishu waxa ey aheyd Magaalo weyn, waxaa ka talinayay Suldaan Somali ah, waxaa loo soo dhoofi jiray Mogadishu, Dharka Xariirta iyo Suufka ah, Caleenta Shaaha, Bunka, filfisha, kabsarta iyo Badeeco kale oo badanaa laga keeno Hindiya iyo Cadan.

Waxaa Mogadishu laga dhoofin jiray: Dahabka, Faanta Maroodiga, Xabkaha iyo Badeeco kale oo Badanaa laga keeno Bariga, Bartamaha iyo Koofurta Afrika, Mogadishuna waxa ey aheyd halka laga sii dhoofiyo.( FG: Hore waxaan u soo qoray sida Buugaag Badan oo Reer Yurub ey qoreen ey ku sheegeen in Somalidu ey Mustacmarad ey Gumeystaan ka same yeen Magaalada loo yaqaa n "Sofala” ee Dalka Mozambique Halkaa oo ey Dahabka ka qodan jireen, Cadeeynteediina la hayo).

Mr. Duarto Barbosa, waxa uu yiri: Suuqyada Magaalada waxaan ku arakay iyada oo lagu iibinayo:Hilib, Galley, Masago , Fardo, khudaar iyo badeeco kale . Dadku waa Madow iyo Maariin, waxa ey ku hadlaan Afka Somaliga ,Afka Carabiguna waxa uu ahaa Afka Ganacsiga. waxa eyna ahaayeen Dad ku dagaalamo Falaaro leh Mariid.

Marxaladda C

Waxa ku dhawaad 100 sano ka hor, inkasta oo Magaalada ey kor ka Xakumayeen Reer Imaam oo ah Beesha Awbakar Gaabane, haddana Maga alada Cashuurta laga qaado iyo Maamulkeeda hoose waxaa Gacanta ku hayay Xassan Geedi Abtoow oo ahaa Reer Mataan, Maraakiibtuna kuma soo xiran jirin Dekadda Muqdishu ilaa isagu uu fasaxo.Laakin Qoraal kale oo aan akhriyay waxa uu leeyahay Cashuurta Reer Mataanku waxa ey jirtay sandkii 1720, muddo hadda laga joogo 301 (Saddax Boqol iyo hal) sano, laga yaabee in ey ka sii horeysay. waxa uu leeyahay Markii Maamul ahaan ey Darandoole Mudulood ku asaaseen maamulkooda gudaha iyo Banaanka Mogadishu: wacdaanka Afgoi, Hilibi Shabeelada Hoose, Moobleen qeyb ka mid ah Shabeelaha dhexe, Mata ankuna Gudaha iyo Hareeraha Mogadishu ayeey masuul ka ahaayen Cashuur laga qaado Magaalada iyo Dekadda iyaga oo ahaa Kuwii maamulayay Maaliyadda Magaalada.

FG: waan jeclaa lahaa Haddii aad igu biiriso Aqoon ogaal kale ama aad ii heli karto Tariifadii Canshuurtaa 301 sano ka hor ama Nuqul ka mid ah Boonadii wax lagu Cashuur jiray.

Qeyb yar oo aan ka soo Copiyay Qoraal kale oo aan Tarjumay oo aad u dheeraa ayaa ka soo qaatay intaan:

((The Darandoolle Mudulood established themselves around Mogadishu and Shab elle river valley in which Wacdaan inhabited the environs of Afgoye, Hilibi in Lower Shabelle, Moobleen went part of the region now known as Middle Shabelle, while the Mataan established themselves in and around Mogadishu city, where 1720 Mataan collected tax and port tariffs of the city, and emerged as the authority of Mogadishu city)).

Haddii aad rabto qaar ka mid ah Buugaagtii Mr. Duarto Barbosa, Socdaaladii uu ku tag ay Magaaloyin Badan oo Somaliya ka mid ah , Dalka Hindiya iyo Sawiradiisiiba

( F.S: 1- 8aad).

Marxaladda D.

Marxaladd Hadda lagu jiro, Adigaan kuu Dhaafay.

FG: wixii aan ka khalday ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore:Yahya Amir


SHEEKH KU BAAQAY IN LA SAMEEYO CIIDAN MUSLIMIINTU LEEYIHIIN.


Caalimka Reer Masar ee Sheekh Dr Axmed Cumar Haashim ayaa ma daxda dowladaha Islaamka ugu baaqay in ay sameystaan "ka hortag” xilli uu Khudbaddii Jimacaha ka jeedinayay masjidka Al-Azhar.

Sheekha ayaa si kulul uga hadlay rabshadihii ka dhac ay Qudus, waxaana uu Israa’iil ku eedeeyay inay ku xadgudubtay muqasaadka masjidka Al-Aqsa.

"Waxaan ugu baaqayaa madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka inay sameeyaan ciidan ka hortag ga [dhibaa tooyinka jira]….. Wixii xoog lagaaga qa ata waxaa lagu soo ceshadaa xoog,” ayuu yiri She ekhan mar hogaamin jiray jaamacadda Al-Azhar.

Shacabka Masar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khudbadda Sheekha, waxaana kuwa ku kacsan dowladda ay she egeen in ay tahay mid lagu dejinayo dareenka dadweynaha ee ku aaddan waxa ka socda Gaza.

Taageerayaasha xukuumadda Abdulfataax Al-sisi ayaa sheegay in Sheekh uu muujiyay mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiiniyiinta. Masar oo xuduud la leh Gaza ayaa horay u mu ujisay inay dhexdhexaad ka tahay colaadda taagan.Qaar kamid ah dadka ka faallooda arimaha Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay khudb adda cadaadis ku saarayso Israa’iil, maadaama ay guulaysan waayeen de daallada Qaahira ee ku aaddan in xabbada la joojiyo.

Wasiirka arimaha dibedda Masar, Saamax Shukri, ayaa Talaadadii ho re shaaciyay in Israa’iil ay dhegaha ka furaysatay baaq ay Masar u dirtay oo ahaa in la joojiyo colaadda Gaza.

FALCELINTA SHACABKA MASAR

Dadka baraha bulshada wax ku qora ee Masar ayaa intooda badan ka xumaaday dhibaatada haysata Falastiiniyiinta, waxaana ay dowladdooda ugu baaqeen inay qaado tallaabooyin ay kamid tahay furitaanka marinka Rafax.

Dhanka kale waxaa jiray dad dhaliilay qaabka uu ururka Xamaas u waj ahay xaaladda taagan, isla markaana taageero u muujiyay Israa’iil iyo xa qa ay u leedahay in ay is difaacdo.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa saacadihii hore ee Isniinta duq eymo horleh ka fuliyay Gaza, xilli ay colaadda gashay todobaadkii laba ad.Ururka Xamaas ayaa gantaallo dheeraad ah ku ganay koonfurtaIsra a’iil. Mas’uuliyiinta Falastiin ayaa sheegay in Axadii ay dhinteen dadkii ugu

tirada badnaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku gacan-say ray baaq caalami ah oo ah in xabbada la joojiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip