Dilalka Soomaalida loogu geysanayo Koonfur Afrika oo kordhay

0
Tuesday May 18, 2021 - 07:52:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilalka Soomaalida loogu geysanayo Koonfur Afrika oo kordhay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maalmihii la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku batay dilalka loo geeysanayo Soomaalida Ganacsi ahaan u joogta dalkaas, iyada oo dilalka ay geysanayaan Kooxo burcad Madoow Koonfur Afrikan ah, kuwaas oo Ganacsatada dhac u geysanaya.

Todobaadkaan gudihiisa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay 6 Muwaadin oo Soomali ah halka tiro kale la dhaawacay, iyada oo sidoo kale la boobay dukaamo ay Soomaali leeyihiin oo ku kala yaal Magaalooyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika.

 

Soomaalida todobaadkaan Gudihiisa lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa Magacyadooda kala yihiin, Axmed Eybakar Cumar, (Goobe Ranboow), Ismaaciil Weydow Cumar sheikh Cabdi, Fitaax Xasan Nuur, Macalin Ibraahim Qaliiif, Cabdulqaadir Cumar Cali (Biibaaaye) iyo Axmed Geestiir Axmed Tima (Jilac).

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay sameeyeen howlgallo kala duwan walow aysan ku guuleysan inay qabtan Kooxaha Burcadda, waxana madaxda dalka Koonfur Afrika ay ka aamusan yihiin dhibaatada lagu hayo Soomaalida.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip