HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 15-MAY-2021

0
Saturday May 15, 2021 - 09:00:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 15-MAY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in dalku u jiheystay doorasho

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda xilga arsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Salaada Ciida Mas’uuliyiin & Shacab kula dukaday Mas jidka Madaxtooyada ayaa marka hore Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Caawiyaan dad ka aan wax heysan si ay farxadda Ciida uga qe yb qaataan.

Sidoo kale waxa uu u tac siyadeeyay As ka rtii saraaki ishii iyo mas’ uuliyiintii kale ee ku geeriy ooday weeraradii Ur urka Al-Shabaab ay Bishii Ramadaan ka geys teen Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xu kuumadda Soomaliya ay qaaday mas’uuliyadda doorasho ka dhacda dalka, waxaana uu si rasmi ah u cadeeyay n dalka xilligan uu u jiheystay do orasho.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inay ugu soo duceeyaan in Alle u fududeyo howsha culus ee loo xilsaray si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Hadalka Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda xilgaa rsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadayaa xilli Xukuumadda loo xilsaaray arrim aha doorashooyinka, isla markaana la filayo n 20-ka Bishaan uu muqdisho ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Mous sa Faki iyo wararkii ugu dambeeyey

warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caas imada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala

la kulmay guddoomiyaha g uddiga Midowga Afrika Mou ssa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaa jo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowlad da federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu u soo magacaabay Soomaaliya, oo ah madax weynihii hore ee Ghana John Mahama.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soo maaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoo miyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey da wladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taage ero siin doonin John Mahama.

Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaa raha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iya doo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay she egtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hogg aanka Kenya.

Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah u gu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Mi dowga Afrika ayaa horey u sheegay in erge ygaas uusan markii horeba ku iman talada dowl adda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasim ada Online u sheegay in mowqifka dawladda So omaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista

Xigasho:Caasimada.Net

Jabuuti oo DFS iyo Somaliland ka wada qeyb gelinaysa caleemo-saarka Ismaaciil C/Geelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay u ambamaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb galayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle.

Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Ro oble ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti oo uu uga qayb galayo caleemo-saarka Madaxweyn aha J/Jabuuti Ismaa ciil Cumar Ge elle”.

Dhanka kale Madaxweynaha So maliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u safray Jabuuti, oo uu uga qeyb galayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta Maanta ah loo dhaarin doono madaxweynaha Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somali land ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaamina yo, ayaa safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray wafdiga, waxayna ka qayb geli doonaan caleemo-saarka madaxweynaha J/ Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle”.

Jabuuti ayaa sidan oo kale 2016 caleemo-sa arkii Ismaaciil Cumar Geelle ka wada qeyb gel isay madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii Somaliland Axm ed Siilaanyo.

Madaxweynaha J/Jabuuti Ismaaciil Cumar Ge elle ayaa bishii la soo dhaafay ee April markii 5aad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas.

Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dha maaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda Mudane yoweri Museveni.

Farmaajo oo M/Ka mpala wax aa uu u ga qeyeb galay mu naa sabadda Cale em-saarka Mad ax weynaha dalka Uganda yo weri Museveni oo markii 6aad xilka loo dhaariyay, waxaana Garoonka Aadan-Cadde ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowl adda. Madaxweynaha ayaa intii uu Kambaala ku sug naa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemas aar ka, Madaxweynaha Uganda yoweri Musev eni iyo Guddoonka Midowga Ardayda Soomaali ye ed ee wax ka barta dalka Uganda, isaga oo ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horum arinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhis ka dalkooda.

Madaxwayne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay arrimaha Siyaasadda Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Md .Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Mudane Tamim Bin Hamad ayaa khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyada Mun aasabadda Ciidda.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa Amiirka Dowladda Qarat iyo Shacabkiisa u rajeeyey in Rabbi sanadkan san adkiisu ku gaarsiiyo Barwaaqo iyo Horumar.

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabe elle oo Salaada Ciida la dukaday boqolaal Shacab ah

Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay boqollaal sha cab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmud ug kula tukaday Salaada Ciida masjidka INJI ee M/Dhuusamareeb.

Ma daxwynaha ayaa shacab ka ku dhiirri geliyey in la caaw iyo dadka masaakiinta ah, lag ana wada shaqe eyo xooji nta am niga

 

& midni mada umadda Soomaaliyeed si dalka uu u ga aro horumar iyo amni.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Gobol eedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ay aa salaada ciida kula tukaday boqolaal shacab ah iyo madax kala duwan aqalka madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabeelle inay iscaawiyaan oo ay caawiyaan dadka daadku qaaday, agoonta iyo danyarta ah eek u nool degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya iyo M/Muqdisho ayaa Shalay siweyn looga Ciiday Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, iyada oo Madax da dowladda & Dowlad Gobleedyda ay u hamb alyeeyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Muuse Biixi oo booqday Abwaan Hadraawi oo xanuunsan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Dorraad Dorraad guriga uu ka deggen yah ay Hargeysa waxa uu ku booq day Abwaan Max amed Ibraah im Warsame (Hadraawi) oo wa ayi hii dambe iska xanuunsan aa. Abwaan Hadra awi oo ugu horeeya Abw aa nnada Soomaaliyeed ee nool kuwooda ugu ca ansan ayuu dorraad Madaxweyne Md.Bixii ku booqday guriga uu ka degyahay Hargeysa, isa goo ugu duceeyey inuu Alle xanuunka ka dul-qa ado, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ma daxtooyada Somaliland.

"Madaxweynaha JSLand,Md.Muuse Biixi Cab di, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay caa simadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadra awi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan gu ud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulsha da Afka Soomaaliga ku hadashaa,” ayaa lagu yi ri qoraalka.

Md.Biixi ayaa booqa shada Abwaanka kadib socdaal ku maray goobo u badan hoteello oo ku yaalla M/Hargeysa halkaas oo ay u damaasha ad tageen qaar badan oo ka mid bulshada ku no ol caasimadda Somaliland.


DFS Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerarkii Israa’iil Ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuuma dda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Balaal Maxa med Cusman, ayaa ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee he er Wasiir ee aan caadiga ahayn, ka asi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaaf adda Sheekh Jarrah

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuuma dda Soomaaliya Balaal Cusman oo matalayey dowladda ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kul anka waxaa uu si kulul u Cambaareeyay wee rarkii Isra’iil ku qaaday Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Waxaa uu bulshada caalamka ugu baaqay in ay qaataan mas’uuliyadahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Isra’iil ku he yso dadka Falastiiniyiinta ah, wuxuuna falka Isr a’iil ku weerartay Masjidka Al-Aqsa ku tilmaa may mid fool xun.

"Ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maa rmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Isr aa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka re er Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadoo yinka diiniga ah” ayuu yiri Balaal Cusman.

Sidoo waxaa uu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda hadalkiisa sii raaciyey "Soomaaliya wa xay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la jo ojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan ma gaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqey naa caalamka inay si deg deg ah u qaadato ma s’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasi madda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay”

Ciidamada Isra’iil ayaa weeraro khasaaro isu gu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ku qaad ay dadka Falastiiniyiinta oo ku cibaadeysanayay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana si doo kale Qaza ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo dad lagu dilay.

Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin ka soo saaray dagaal Beeleedyada

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Gobole edka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dab ageed) ayaa ka hadlay Colaad bee leedyada kusoo laab laab tay deg aannada Maamulkaas, kuwaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Yuusuf Dabageed ayaa ugu baaqay Shacab ka ku nool degaannada Hir-Shabeelle inay ka waantoobaan Colaad Beeleedyada, isla markaa na wax walba miiska wada-hadalka lagu dhame eyo, sidoo kalena dagaal uusan waxba soo kor dhineyn.

Waxa uu ka digay dagaal Beeleedyada soo laab laabtay, waxaana uu sheegay in kuwa dadka danta gaarka ah ka dhex raadinaya Colaada uu Alle ka dhex saaro si Bulshada ay Barwaaqo iyo bashbash ugu wada noolaadaan. Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Ax med Hagar (Dabage ed) waxaa u sheegay in ka maamul ahaan ay bu lshada ku nool degaannada Hir-Shabeelle ugu adeegi doonan si wanaagsan.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Ax med Ha gar ( Dabageed) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer degaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhaceen dagaal Beeeedyo kha saaro geystay.

Wasaaradda Maaliyadda DFS oo ka jawa abtay eedeyn uu u jeedisay Hirshabelle.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soo maaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid ma amulka Hirshabeelle oo ay sheegeen in ay xayir tay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle.

War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa:

Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabe lle ee maaraynta musiibooyinka, wa xay caddaynasaa sida ay u socd aan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashr uuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta ba ahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shab elle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawl aha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo daw lad Goboleedka aan kor ku xusnay.

2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha.

3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raac aayo biyo xirista 5 April 2021.

4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda.

5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25)

6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xi rid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hii raan. 7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxige eda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsan aysaa Do wlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle.

Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta haw laha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyin ka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirsh abelle. Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ay na sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo ka bashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Gud diga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hir shabelle.

Sh.Shariif Oo Farriin U Diray Dhallinyarada Soomaaliyeed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya 

Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay Maalinta dhallinyara da Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda san adguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobann imo doonka ahaa ee SYL.

Qoraal uu soo saaray Sh. Shariif ayaa ku she egay in dhalinyarada ay udub dhexaad u ahaaye en xoreynta dalka, isagoona dhalinyarada ku ti lmaamay inay weli yihiin tiirka ay ku taagan tah ay dowladnimada, uguna hambalyeeyay xuska 15-ka May.

Sidoo kale Sh. Shariif ayaa sheegay in dhali nyarada Soomaaliyeed ay siweyn uga dhex muu qdan Ciidanka Xoogga dalka, shaqaalaha rayid ka ah iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

"Waxaan bogaadinayaa dhallinyarada Sooma aliyeed xuska munaasaba dda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL oo maanta ku beegan. Dhallinyara du waxay udub dhexaad u ahaayeen xoreynta dalkeenna, walina waa tiirka ay ku taagan tahay dowladnimadeenna, marka la eego sida ay uga muuqdaan CXDS, shaqaal aha rayidka ah iyo gu ud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Sooma aliya ahna G/Midowga Musharaxiinta ayaa wax aa uu Qoraalkiisa sii raaciyay "Maadaama ay bul shada maanta ka yihiin 75%, waxaan hubaa in dhallinyaradu ka mira dhalin karaan dibu dhiska dalkeenna”.

Hoggaanka Al-Shabaab oo baaq yaab leh u diray dhallinyarada caalamka ee ‘jihaad’ doonka ah

Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqa al ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhal linyarada ajnabiga ah ee "jihaad” doonka ah inay u soo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qeyb ga laan "jihaadka ka socda.”

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa sare loogu qa aday looguna a ma anay ajaaniibtii horey uga garab dagaalamay xarakada ee ka yimid dalal bad an oo caal amka ah, gaar ahaan Yur ub, wuxuuna muuqaal ka ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Car abi, English iyo Swahili.

Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay usoo xirayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha koox da Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam. Dhalliny arada tababarka loo soo xiray ayaa ka yimid Kenya.

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa ujeedkiisu ah aa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhalliny arro cusub oo dibadda uga soo biirta kooxda, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqayaan dhallinyarrada caalamka ee Muslimi inta ah inay kusoo biiraan "jihaadka ka socda” Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ololahan qeyb ka ahaa ba aqyo ay dirayaan dhallinyaro ajnabi ah, oo qaar kood ay geeriyoodeen iyo qaar nool, oo dhallin yarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhi iri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, ayaga oo sheegaya inay nolol fiican ku heystaan guda ha Soomaaliya.

Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka bar bar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Keny an-ka kasoo jeeda.

Dadka fallanqeeya amniga ayaa rumeysan in habka xun ee dowladda Kenya iyo ciidankeeda ay ula dhaqmaan dhallinyarada muslimiinta ah ee dalkaas, oo lagu hayo beegsi ay ka mid yihiin dilal ka baxsan sharciga, ay horseeday in dhall inyaro badan ay u biiraan Al-Shabaab.

Xigasho:-caasimada.net


MAP IYO TPEC oo kala saxiixday Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee tebinta doora shooyinka

MAP IYO TPEC oo kala saxiixday Xeerka ha bdhaqanka Saxaafada ee tebinta doora shooyinka

Ururka warbaahinta Puntland (MAP) iyo G uddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (T PEC) ayaa Habeen hore saxiixay Xeerka hab dhaqanka Saxaafada ee goobaha diiwaange linta iyo doorashooyinka golayaa sha deegaanka Puntland.

Xeerkan oo saldhig u yahay xee rka warbaahinta Puntland ayaa waxa MAP u sax iixay Gudoomiyaha Maxamed Daahir Caynsane halka dhan TPEC uu u saxiixay Gudoomiye Gu led Salah Barre, waxana korjoogto ka ahaa Gud oomiyaha Dallada PUNSAA Faysal Axmed Wa rsame, Agaasimaha PDRC Cali Faarax Cali iyo wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade).

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, guddiga fulinta MAP, hawlwadeenada MAP iyo TPEC, madaxda iyo masuuliyiint qaar ka mida warbaa hinta Puntland iyo marti sharaf ayaa ka soo qay bgalay munaasabadan kooban oo Habeen hore lagu Hotel martisoor Garowe.

Markii ugu horey xeerka ayaa MAP iyo TPEC waxay saxiixeen 23 June, 2013.

Maalintii 2aad oo si isku mid ah looga wada ciidayo Muqdisho iyo gobolada Dalka.

Maalintii 2aad oo si isku mid ah looga wada ciidayo Muqdisho iyo gobolada Dalka.

Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa siweyn looga Ciidayaa maalinta 2aad ee ciidul fidriga , waxaana dadka ay isugu ha mbalyeeynayaan farxada ma alamahaCiidu Fitriga, marka laga reebo deega anada ay maamulaan Al-shabaab oo maalin ka hor laga Ciiday.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho iyo go bolada dalka ayaa lagu arkayaa boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haw een iyo Odayaal, kuwaasi oo maalintii labaad u dabadal degaya munaasabadaCiida.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, wax aana ay ugu baaqeen in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho.

R.Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Dorraad Booqday Xeebta Liido iyo Be erta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda iyo damashaadka Ciidda kula qa atay kumannaan dadweyne ah oo tamashle ta gay.

AMISOM oo kordhineysa howlgalkooda Soomaaliya.

AMISOM oo kordhineysa howlgalkooda Soo maaliya.Ciidamada AMISOM) ee Howlgalka Mid owga Afrika ayaa kordhin doona ho wlgalkooda dhinaca Soomaaliya illaa 31-ka Diseembar, 2021-ka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Golaha Nabadda iyo Amniga (P SC) ee Mi do wga Afrika ayaa ku warramay in go’aanka lagu kordhinayo howlgalkooda lagu qaatay is afgarad guud oo ka yimid Golaha Am niga ee Qaramada Midoobay . Go’aanka lagu kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo loo diy aar garoobayo qab ashada doorashooyinka mad axtinimo ee Soo maaliya.

Ciidamada Hirshabeelle oo howlgallo ka wada duleedka Baladweyne.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdonka Qar anka Dagmada B/weeyne ee Gobalka Hiiraan ayaa howlgallo ka wada Deeganno qiyaas aha an dhanka galbeed 25-km ka ga Beegan Degma daasi oo ay si dhuumaaleysi ah u taga an koo xda Al-habaab.

Howlgalkan Waxa Horkacayay Taliyaha NISA Ee Dagmada B/weeyne Ibraahim Maxam ed Abuukar,waxa ay ka socdaan deegaanada Hara Cadey. Biitale. Jaaburow & Ceelka Baar .

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah xasilinta am niga guud ee Gobalka Hiiraan iyo ciribtirka koox da nabadiid ee Allshabaab oo Bulshada ka qaad aya baad isugu jirta Xoolo Nool iyo lacago ay ku kushegaan sakawaad.

Taliyaha NISA Dagmada B/weeyne Ibraahim Maxamed Abuukar (Madaxey ) ayaa warbahinta Qaranka u Xaqiijiyay in Allshabab isaga Carar een Deeganadi lagu shegay ayna yihiin kuwo si dhumaleysi ku imanjira Balse hada gacanta ay kuhayaan Ciidanka NISA

Ciidamada NISA iyo kuwo Xooga Dalka So omaliyamaalmihi dambi waxa ay isku balarin ayeen Koofurta iyo Galbeedka B/weeyne . oo ay dhumaleysi ku imaan Jirien Koxda Allshabaab.

Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhi gay nin dil ka gaystay magaalada Garoowe

Taliyaha Qaybta Booliiska Nugaal Degelle

Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan, oo Shalay nin kale ku dilay magaalada Garoowe, kadib muran shikhsiyeed oo dhexmaray.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in gac anta lagu dhigay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo Shalay gudaha magaalada Garoowe ku dilay Marxuum, Maxamed Muuse Faarax.

"Booliiska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo Shalay dil u gaystay Marxuum Maxamed Muuse Faarax” ay aa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska Go bol ka Nugaal.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan dilka ah.

Ciidan tababar ku soo qaatay Jabuuti oo Muqdisho ku soo laabtay

Cutub ka tirsan Ciidanka Booli ska Soomaal iyeed oo tababar ku soo qaatay Jamhuuriyadda Jabuu ti ayaa Shalay dib ugu soo laabtay dalka.

Ciidanka oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay tababar uu heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dal kaasi Jabuuti ay aa ka soo degay Garoonka Aad an Cadde ee Magaalada Muqd sho. Saraakiil ka tirsan Boo liska Soomaaliyeed ay aa ciidanka ku soo dha weeyay Garoonka Aadan Cadde, wax yar uun ka dib, markii diyaaraddii ay la socdeen ka soo cago dhigatay.

Saraakiil ka tirsan Carabinieri-ga Talyaaniga ayaa tababarka siinayay ciidankan, oo gaar aha an ka tirsan Xoogaga Daraawiishta ee Bool iska Soomaaliyeed.

Khubarada Carabinieri-ga Talyaaniga ayaa gacan ka gaysta dhismaha iyo xoojinta Daraawi ishta Soomaaliyeed.

Daraawiishta Soomaaliyeed ayaa loo tababa raa xirfadaha hubka, ka hortagga weerarada ar gagixisada iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

Dalka New Zealand oo Jimcaha Shalay laga ciiday

Muslimiinta ku dhaqan dalka New Zealand ay aa Shalay u dabaaldegay maalinta 1aad ee Ci idul Fitriga, ka dib markii ay Khamiistii dhame ystireen soddonka maalmood ee bisha Rama dan.

Dalka New Zealand oo ah dalka ugu horeeyo caalamka ee qoraxda u soo hor baxdo ayaa Mu slimiinta ku nool ay hal maalin ka dambeeyeen Muslimiinta ku dhaqan dunida inteeda kale, mar kii ay soomayeen maalin ta 1aad ee bisha Rama dan.

Dalka New Zealand oo Jim caha Shalay laga ciiday

Maxamed Cabdi Afey oo ka mid ah Culimada So omaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in New Zealand ay leedahay Guddi ku mideysan shan iyo afartan Masjid, kuwaa oo go’aamiya xil liga la soomayo iyo weliba xilliga kale ee la cii da ayo.

Maxamed Cabdi Afey ayaa tilmaamay in xe erka u degsan Guddiga Culimadooda uu yahay in aragti lagu soomo, aragtina lagu ciido, taasina ay tahay waxa dib u dhaca ku keenay inay Sha lay ciidaan.

Inta badan dalalka Islaamka iyo dunida intee da kale ayaa Khamiistii Dorraad laga ciiday maa linta 1aad ee Ciidul Fitriga.

Faransiiska Oo Mamnuucay Banaanbaxyada Lagu Taagerayo Falastiin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gera ld Darmanin ayaa sheegay in uu booiiska ka dal abaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada la gu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay to ddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Far ansiiska.

Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda du qaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’ doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-ba xyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag ja laq u siin doonin hadalka wasiirka.

Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciida mmada amniga Israel ayaa ku fiday Daanta Gal beed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen, Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii.



ISRAA’IIL OO XOOJISAY WEERARKA DHULKA IYO CIRKA EE KA DHANKA AH QASA.


Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Qasa iyadoo dagaalamayaasha Falastiini yiintana ay iyagana sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil xilli col aadu ay gashay maalintii shan aad.

Ciidammada Israa’iil ayaa she egay in xoogagga cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka ahaayeen weerarada dhacay Shalay oo Jimce ah, balse waxay sheegeen in ciida mmadooda aysan gelin Qasa.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qasa ayaa she egay in magaallada ay ku socdaan duqeymo xooggan oo loo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diya aradaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda 100 qof ayaa lagu dilay Qasa, 7 qo fna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dag aallada Isniintii.

Gantaalo laga soo riday meel ka baxsan Qasa

Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya hale elay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Isr aa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faah faahin badan raacin.Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka da mbeysay gantaalkan. Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la ga lay Israel sanadkii 2006.

Waa sidee Awoodda iyo hubka Xamaas?

Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaaladan sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaai nta Jerusalem Post.

Dibadbaxyada ay dhigayaan Carabta Israel ayaa ka dhacay Lod, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv, wux uuna isu rogay rabshado, iyadoo mudaaharaadaya ashu ay dhagxaan ku tuurayaan booliska. Muddaha raadyadu waxay daba socdeen aaskii nin Carab Isr aa’iili ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay maga alada maalin ka hor.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay u yeedheen ciidan 7,000 oo keyd ahaa isla markaana ay joojiyeen fasaxii ay aadi lahaayeen. Qiyaastii kalabadh ka mid ah kaydka ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaq eyn doonaan difaaca hawada, madaafiicda iyo qayba ha caafimaadka

Tallaabadan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay ka digtay inay suurta gal tahay inay fuliso howlgal dhulka ah, iyada oo taangiyo iyo ciidan la geeyay xadka ay la wa daagaan Qaza Dhanka kale, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah ka fuliyay Qaza, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay militariga ku sheegeen bangiyada iyo dhismayaasha sirdoonka

Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa ganta alo hor leh ku riday dhanka Israa’iil , afhayeen u had lay kooxda ayaa sheegay in ay muujiyeen "qayb yar oo kaliya” oo ka mid ah awoodahooda.

Duulimaadyada soo gal ayaa la hakiyay garoonka diyaaradaha Israel ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv waxaana loo weeciyay garoonka diyaaradaha Ramon ee koonfurta. Shirkadaha diyaaradaha qaarkood ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israel Sarkaal Israa’iil ah ayaa sheegay in howlihii garoonka Ramon ay si kooban u hakadeen ka dib markii gant aal ku soo dhacay aagga u dhaw, laakiin uu hadda u shaqeynayo sidii caadiga ahayd, sida uu ku warramay wargeyska Haaretz.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaal ya hanada Xamaas ay bilaabeen inay "drones ismii daamin ah” ay ku soo tuuraan Israa’iil.

Xigasho:BBCSomali


SIDUU KU BILLOWDAY DAGAALKA QASA EE CIRKA ISKU SII SHAREERAYA?


Dagaalka ka dhex aloosan Israa'iil iyo Falastiiniyiin ta ayaa horseeday in Qaramada Midoobay ay ka dig to "dagaal ballaaran" oo dhex mara labada dhinac.

Rabshadahan u dambeeyey ayaa yimid kaddib dhowr bilood oo xiisad ay ka taagnayd magaalada Qudus, intkastoo khilaafku uu soo taagnaa tobonaan sano.

Arrin 100-sano jirsatay.

Dowladda Britain ayaa la wareegtay gacan ku haynta deegaan lagu magacaabo Falastiin kaddib ma rkii dagaalkii koowaad ee adduunka la jabiyey boqortooyadii Cismaaniyiinta oo ayadu dhulkaas ka talinays ay.

Dhulkaas waxaa degganaa Yuhuud laga tiro badan yahay iyo Carab aqlabiyad ah.

Xiisadda u dhexaysa labadaas shacab ayaa sii xo ogaysatay kaddib markii beesha caalamku ay Britain u xilsaartay in Falastiin ay noqoto "dhulka hooyo" ee Yuhuudda.

Yuhuuddu waxay rumaysan tahay in dhulkaasi uu yahay dhulkii awooweyaashood, balse Falastiiniyii ntuna waxay sidoo kale sheegteen in ayagu ay dhulka leeyihiin isla markaasna waxay ka soo horjeesteen tallaabadaas.

Intii u dhexaysay 1920-kii iyo 1940-kii, tirada dad ka Yuhuudda ah ee dhulkaas imaanaysa ayaa sii bad atay, ayagoo qaar badan oo ayaga ka mid ah ay ka soo baxsanyeen cadaadiska ka haysta qaaradda Yu rub isla markaasna raadinaya dhul ay gaar u leeyihiin ka dib xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee add uunka.

Xiisadda u dhexaysa Yuhuudda iyo Carabta, iyo ka hor imaanshihii xukunka Britain ayaa ayaduna sii korortay.

Sannadkii 1947-dii, Qaramada Midoobay ayaa u codaysay in dhulka Falastiin loo kala qaybiyo laba dowladood oo Yuhuud iyo Carab ah.

Qorshehaas waxaa aqbalay hoggaamiyeyaasha Yuhuudda halka Carabtu ay diideen hirgelinta arrant aas. Bethlehem in the early 20th century

 

Bethlehem horraantii qarniga 20-aad Aasaaskii Israa'iil iyo 'Musiibadii' dhacday Sannadkii 1948-dii, ayadoon dhibaatadaas xal loo helin, ayaa masuuliyiintii Britain ee halkaa xukumi iray iyo hoggaamiyeyaashii Yuhuudda waxay ku dha waaqeen in la sameeyey dowladda Israa'iil. Falastii niyiin badan ayaa ka soo horjeestay arrant aas wax aan bilowday dagaal. Waxaana duullaan soo qaaday ciidamo ka socda dalalka dar iska ah ee Carabta.

Boqolaal kun oo falastiiniyiin ah ayaa ka cararay guryahooda ama waa lagu khasbay in ay guryahooda ka baxaan waxa loo yaqaan Al Nak ba, ama "Mus iibada".

Isla markii uu dagaalku dhammaaday waxaa san nadkii xigay la gaaray xabbad joojin, Israa'iil ayaa la wareegtay inta badan dhulkaas. Urdun ayaa qabsatay dhulka haatan loo yaqaan Daanta Galbeed, halka Masar-na ay qabsatay Gaza. Qudus ayaa u qaybsan tay labo qaybood, ciidamada Israa'iil oo qabsaday Gal beedka, iyo ciidamada Urdun oo qabsaday Bariga.

Maadaama aysan labada dhinac waligood heshiin - dhinac kasta kan kale ayuu eedda dusha uga tuuray. Mana jirin wax dagaallo ah oo dhacay sanadihii xigay.

Dagaal kale ayaa bilowday sannadkii 1967, Israa'iil ay aana qabsatay Bariga Qudus Daanta Galbeed, buura ha Golan Heights ee Suuriya, Gaza iyo gacanka Siinaay ee Masar.

Inta badan qaxootigii Falastiiniyiinta iyo carruurtii ay dhaleen ayaa ku nool Gaza iyo daanta Galbeed, iyo sidoo kale dalka dariska ah ee Urdun, Suuriya iyo Lubnaan.

Haganah (Jewish Underground) fighter just bef ore the start of the Israeli War of Independence 1948

 

Qaxootigaas iyo carruurtii ay dhale enba looma oggolaan in guryahooda ay dib ugu soo laabataan - Israa'iil ayaa ku andacoonaysa in arrant aasi ay khatar ku tahay jiritaanka dowladda Yuh uudda.

Israa'iil ayaa wali haysata Daanta Galbeed, in kastoo ay ka baxday Qasa, Qaramada Midoobayna waxay weli u aragtaa dhulkaas qayb ka mid ah dhulka la haysto.Israa'iil ayaa sheeganaysa in magaalada Qudus oo dhan ay tahay Caasimadooda, halka Falastiini yiintu ay sheeganayaan in Bariga Qudus ay tahay caa simadda mustaqbalka ee Falastiiniyiinta. Maraykanka ayaa ah dalka kaliya ee aqoonsaday in magaalada oo dhan ay tahay caasimadda Israa'iil. 50-kii sano ee u dambeeyey Israa'iil ayaa deegaamayn ka samaysay deeganadaas, halkaas oo haatan ay ku nool yihiin 600,000 oo Yuhuud ah. Falastiiniyiinta ayaa sheega ya in arrintani ay tahay sharci darro marka la eego shuruucda caalamiga ah ayna caqabad ku tahay na badda, balse Israa'iil ayaa arrintaas beeninaysa.

The soldiers of allied Arab Legion forces fire, 06 March 1948 from East sector of Jerusalem on Jewish fighters of the Haganah, the Je wish Agency self-defence force, based in Jemin Moshe quarter of the West sector of the city du ring during the first Arab-Jewish conflict.

Xiisadaha u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus, Qasa iyo Daanta Galbeed ayaa inta badan aad u sarraysa. Qasa ayaa waxaa xukuma ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaas oo marar badan ay Israa'iil dagaallamen.

Israa'iil iyo Masar ayaa xukuma xuduudaha Qasa si ay u xakameeyaan hubka soo gelaya halkaas si ururka Xamaas uusan gacanta ugu dhigin.

Falastiiniyiinta ku sugan Qasa iyo Daanta Galbeed ayaa ka badanaa waxyeello ka soo gaartay ficillada Israa'iil iyo Xayiraadaha halkaa saaran. Israa'iil ayaa dhankeeda sheegaysa in arrintaas ay u samaynayso si ay nafteda uga difaacdo rabshadaha Falastiniyinta.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakaysan ee Ramadan bartami hii bishii la soo dhaafay ee April, ayadoo iskudhacyo habeenkii ah ay dhexmarayeen Falastiiniyiinta iyo booliiska Isarel.

Falastiiniyiinta deggan Bariga Qudus oo si xoog ah guryahooda looga rarayo ayaa ayadu caro weyn dhalisay.Israeli military commanders arr ive in East Jerusalem, after Isr aeli forces seized East Jerusa lem, during the Six Day War 1967

Ciidammada Israa'iil oo ku suga naa bariga Qudus sanadkii 1964.Xigasho:- Bbc



AR, AR, AR, AR.(AR ADIGAA, AR DADAA !!!. AR UNUUNKAA, AR MA INNAGA, AR HAY) =FAALLO=


Ar Adigaa, Ar Dadaa !!!. Ar Unuunkaa, Ar ma innaga, Ar Hay, Unun. Badanaa wax is diidan Lana wada ogolyahay.

1. Haddii Wiil Arday ah uu uureeyo Gabar ey isku fasal yihiin, iyadii wax barashada waa ka haree, isagiina waa sii wadaanaa wax barashadiisa.( Ar Dadaa).

2. Haddii Nin uu soo iibsado Baabuur qurxan, waxaa uu soo jiitaa Haween badan. Haddii Haween ey soo iibsato Baabuur qurxan, Ragga Badankiisa wey ka eridaa Baabuurkeeda. ( Ar Ununkaa yaabanay).

3. Wiil ayaa waxa uu arkaa Saaxiibtiis oo Nin kale la socoto, waxa uu gar aacayaa Gabadha Saaxiibtii ah.

Laakin, Gabar ayaa waxa ey arkee Saaxiibkeed oo Gabar la socdo, waxa ey garaacee Gabadhii, intii ey wiilka qabsan leheyd. ( Ar ma innaga)

4. waxaa dhacda Ninku marka da’diisu sii badato, waxaa bato fursadaha uu Haween ku heli karo.

Haweenka marka Da’doodu sii kororto waxaa yaraado fursadaha ey Nin ku heli karaan. ( Ar Dadaa).

5.Nin 76 jir Dobnimo ku gaaray,waxa uu guursan karaa Hawen 26 jir ah

Laakin Naag 40 jir ah, waxaa la leeyhay Da’ dii guurka waa dhaaftay.( Ar hay ununa)

6. Nin hadduu xaaskiisa furo Shalay, Maanta waa guursan karaa xaas ka le. Haweeneydii uu furay waxa la leeyahay waa Garoob, waxaa laga yaa baa in eynan Guursan Sannad ama ka badan. ( Ar Dadaa).

7. Nin ayaa markii Xaaskiisu geeriyooto, waxa uu guursanayaa Tacsida kadib Hal Maalin. waxaa la leeyahay hambalyo, Gur iga iyo caruurtu Hooyo la’ aan ma ahaan ka raan.

Haddii Naagtii Ninkeedu dhintay ey Gu ursato 6 Bilood kadib, waxaa la leeyahay waa deg degtay, ama waxaa la leeyahay Ninkaan Cusub horeey u wada socdeen, intii Ninkeedii hore uu noolaa, Haddaanba la dhihin Marxuumkii hore iyada ayuu sababsaday. ( Ar Unun kaa yaabnay).

8. Haddii Nin xaasle ah lagu qabto Gogol dhaaf isaga oo Naag kale la jiifo, Xaaskiisa waxaa lagu Maslaxayaa, Ceebtiisa astur, iska cafi, khalad ayuu galay Adigoo joogo hadduu Naag kale oo xaaraan ah uu Damcay.

Haddii Xaaska lagu qabto iyada oo Nin kale la jiifto, Ninka waxaa lagu leeyahay: Iska Fur tani Naag kuu noqon meeysee.( Ar Dadaa)

9. Haddii Siyaasi Reer Tolkaa ihi uu khalad galo waad difaacee khaldki isa, Qofkii aan kula difaacinna waa qabyaaldiiste ama waa Doqon.( yaah innagaa).

10. Nin weyn ayaa Dharkiisa oo dhan iska bixinayo oo Haween hortee da isku qaawinayo, Markaa kadib ayuu qeyb yar oo jirkiisa ka mid ah uu ku asturayaa "Condom” isaga oo weli intii kale ka qaawan.

Muxuu marka hore isku wada qaawinayay haduuba haddana qeyb astur ayo.( Ar Dadaa).

11. Haddii Haween ey Lacagteeda ku fara adeygto waxaa la leeyahay, Lacagteeda isaga ciyaari meyso waa qof Caqli badan.

Haddii Ninku uu Lacagtiisa ku fara adeeygu waxaa la leeyahay waa Ba khiil.( Ar Dadaa)

12. Maxamed dheere ayaa Jowhar waxa uu ka mamnuucay Shaloomo oyinka Maalintii la daawado kuwaa oo u badan Qol la dhax dhigay Dhalo TV ah, oo badanaa lagu fiirsado Hindi la tarjumay. Waxa uu Amray in la xi ro Shaleemooyinka, Sababta oo ah Maalintii Ciyaalku waxa ey aadaan wax barasho, waxaana la Dhaawan karaa oo kaliya Habeenki ilaa 9ka fiid nimo. waxaa la yiri waa jaahil Aqoonna male.

Koo Jaamiciya ayaa Xilkii kala wareegay waxa uu yiri: Ciyaalka Maalintii ha loo fasaxo Filimada si ey u daawadaan Koobka Ciyaaraha Aduunka. ( Ar Dadaa )

13. Ganacsi waxa uu dhax maraa Laba dhinac. Naagaha qaar waxaa la leeyahay Jirkeeda ayey ka ganacsadaan, Aaway Ninkii ganacsiga Qeybta kala ahaa, soow isaguna Jirkiisa kalama ganacsan Haweeneyda. Maxaa Haweenka oo kaliya loo leeyahay Haweenka Jirkooda ka Ganacsado, Yaahuu. Rag ayaaba si Toos ah Jirkooda uga iibiyo Haween ama Rag kale ( Ar Dadaa)

14. Haddii Nin Shaqaale ah Loo bedelo Magaalo kale, Qooyska oo dhan waxa ey Aabaha ula guuraan Magaalada loo bedelay. Laakin, Haddii Haweeneyda loo bedelo Magaalo kale. Kaligeed ayeey aadaa Magaalada loo bedelay ama Shaqada ayey isaga tagtaa. ( Ar Ununkaa yaabnay) 15. Haddii Xaaladda Dalka ka jirto aan aragtideeyda ku cabiro sida ey iigu muuqato. Mid ayaa waxa uu leeyahay Aqooneey Xaal qaado iyo Qabyaa ladiiste ayaa tahay.

Haddii aragti looga been sheegayo aan ku amaano Siyaasi uu ku aragti yahay, waxa uu i leeyahay waxaa tahay Aqoon yahan Wadani ah.

Waxaase jiro kuwa Runta aan Run u wada naqaan, Beentana aan Be en u wada naqaan, oo wixii khaldan aan isla wada saxno, Wixii wanaag san aan isku raacno. ( Ar Dadaa).

16. Haddii Nin uu Muddo Dheer ka soo shaqeynayay Heyad ee Loo ma gacaabo Maareyaha Guud ,waxaa la leeyahay waxa uu ku muteystay Howl karnimo iyo Dulqaadkiisii Mudadaa dheer.

Haddii Haweeney Muddo dheer ka soo shaqeyneysay oo howlkarad ey aheyd loona magacaabo Maareeyaha Guud, waxa la leeyahay waxa ey ku heshay Xiriir hoose ayey la leheyd Madaxda Sare qaar, ama hebel ayeey la seexatay.( Ar hay unnuna ).

17. Marka aad Dhalato waxa ey Dadku ku siinayaan Magac kuu gaar ah oo kaligaa laguu yaqaan.

Markaad dhimato, wey kaa naqsanayaan magacii, waxaa eyna ku siin ayaan Magac kale oo Dadka oo dhan kaala dhexeeyo, oo la yiraa "Meyd ka”. kaagii Runta ahaana waa kaa reebanayaan, si qof kale ey u siiyaan. Sidii ey kaaga reebteen Xaas, Sey iyo Xoolo wixii aad leheyd. ( Ar Dadaa).

18. Markii aad Dhalatay Dhagaha ayaa lagaaga Aadaamay, Salaadna lama tukan. Markii aad Dhimatay Salaad ayey kugu tukanayaan lamana Aadaamayo. Aadaan aan Salaad leheyn iyo Salaad aan Aadaan leheyn. ( Ar Dadaa).

19. Markii aad dhalatay ma aadan aqaanin Qofkii kaa soo Saaray Uur ka ee kaa soo umuliyay uurka hooyo oo noqday Qofkii ugu horeeyay ee ku taabatay. Marka aad dhimatana ma taqaanid Qofka ugu Dambeeyo ee Qabrigaaga galayo oo ah kii ugu dambeeyay ee dhinacaaga dhulka dhi gay.( Ar innagaa).

20. Markii aad dhalatay waa laguu qubeeyay oo lagu Nadiifiyay ileeyn Adigu wasakhda iskama dhaqi kartide.

Markii aad dhimatayna waa laguu qubeeyay ileeyn wasakhda iskama dhaqi kartide. ( Ar Adigaa).

21. Markii aad Dhalatay Dadka dhalshadaada ku faraxsanaa ee isku Ham balyeynayay Qofna kama aadan aqoon. Marka aad dhimatana Dadka tiira anyeeysan ee kuu ooyi doono ma taqaanid kuwa ey noqon doonaan. ( Ar Adigaa).

22. Uurka Hooyo waxa uu ahaa Meel mugdi ah oo Ciriiri ah, Qabriguna waa mugdi Ciriiri ah. Nolosha aad ku faanee ma Laba mugdi oo ciriiri ah ayeey u dhexeeysaa, aaway horuumarkii aad sameeysay intii aad nool eyd.( Ar Adigaa). 23. Markii aad Dhalatay Dhar yar ayaa laguugu daboolay si Cowradaa da loo asturo, ileeyn Adigu isma asturi kartide, Markii aad dhimatayna ma ro yar ayaa laguugu Asturay ileeyn Adigu Cowradaada ma Astura kartide. ( Ar Dadaa). 24. Markii aad qof weyn oo shaqa doon ah aad noqoto waxa lagu wey diinayaa Shahaadadaada iyo Khibradaada, imtixaan ayaana Madaxdu kaa qaadee.

Markii aad Dhimato Qabriga imtixaan ayaa Malaa’igtu kaa qaadee, wax aana lagu weeydiinayaa Cibaadadaada iyo Caqiidadaada. ( Ar Ununkaa yaabnay).

25. Haddii qof aan Necebnahay ey Musiibo ku dhacdo waxaan leenah ay, Balaayaa heshay Dad ayuu dulmi jiray.

Haddii mid aan jecelnahay ey isla musiibadii ku dhacdo waxaan leena hay waa Qof wanaagsan, waa la imtixaanayay. ( Ar Dadaa).

26. Haddii Qof Siyaasi ihi uu Sannad ku taajiro, Xoolihii ummadduu xaday, Haddii Qof Ganacsataa uu ku taajro hal sanno waa dhiig miirad.

Haddii aad Qofkaa qaraabo tihiin waa ” Haaddaa Min Fadli Rabii”.

27. Runta iska sheeg haddii Xalay maqaalkaan Badelkiisa aan ku soo qori lahaa "Suuradaha Idaajaa iyo Tabat” oo ka gaaban Qoraalkaan.

Ma wada akhri leheeyd, ma qeyb ayaad ka akhri leheyd, mise waa iska Gudbin leheyd. ( Ar Adigaa).

28. Haddii aan Maqaalkaan ku bedeli lahaa Maqaal Cinwaankiisu yah ay, "Doorasha Somaliya iyo Doorka Qadar” Meeqa Comment ayaad ka bi xin leheyd. (Ar Adigaa).

Comment miyaad soo wadda? Ar Ununkaa yaabnay. Maxaa wax is diidan la is waafajiyay.

Qore : -Yahya Amir

Gantaallo laga soo tuura Lubnaan oo ku dhacay Israa’iil.

Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka bax san xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciid ammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twi tter-ka ku sheegeen.

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheeg een, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.

Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Isr ael, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dha waaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale la gama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaall ada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaa hinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan, Waxaa jira dhowr ko oxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Wa xaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo da gaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006.

Dhanka kale Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaalad an sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaainta Jerusalem Post.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip