Isticmaarku meel Daloosho kuuma Reebin!!!.=Faallo=

1
Monday May 10, 2021 - 22:40:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isticmaarku meel Daloosho kuuma Reebin!!!.=Faallo=

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dhoowr kun Sanno ka hor waxaa jiray Dhul Dunida Guudkeeda ku yiil oo loo yaqiin Somaliya ( F.S: 1aad). Waxaa ku noolaa Dad la yiraa Somali, Somalidu ma leheyn Xuruud u dhaxeeyso, Ma jirin Cid ey ka cabsadaan, Barwaaqo ayuu ahaa deegaanku, Kalmadda Fakhri iyo Xaasid macnaheeda lama Aqoon Luqadda Somaligana kuma jirin. wax meel ku xiran ma jirin Xabsi iyo Qunful Luuqadeen ma aheyn.

 
Canshuur ma jirin, Sicir barar ma jirin, Deyn nalagama leheyn, Shaqa la’aan ma jirin, Dalkeenu ma kala qeeybsaneyn, Musuq maasuqa ma jirin. kooxo siyaasadeed ma jirin, Ceyr la qaato, iyo icaawi lama aqoon.
 
Kumanaan Sanno Kadib Dad Cad Cad ayaa Carab iyo Cajam nooga yimid. waxa ey nagu yiraahdeen Waan Idin Ilbixineynaa waana idin Horrmareynaa.
 
Casharkii 1aad ee Dadka qaar ilbaxnimo u yaqaaniin waxaa uu noqday, Haddii aad Saxarooto Carrada ha ku Rig rigan ee warqadaan Cad isticmaal ( F.S 2aad, Anigana naga soo iibso.. Mr. Ilbax….
Isticmaarku Markuu Maskaxda naga xiray kadib waxa uu noo keenay koo indhaha lagu xiraa waxa uuna na yiri:”Ookiyaale ” ayaa la yiraa, koo Dhagaha lagu xiraa, "Ear phone”, koo Sanka iyo Afka "Face maski”, kii Ibta lagu xirayay "Codon iyo Tamboni” , kii Dabada "Xafaayd- Pampers” , meel duleeshaba nooma reebin Reer Galbeedku kuligoodna iyagaad ka soo iibsanee. ( F.S: 3-7aad).
 
Dhowr kun Sanno ka dib: "Reer Galbeed u rarnoow ama Raadki Awoowe Raac”.Dhaqan leeysku dhowro iyo is dhax gal Bulshaa jiray. maantana?.
 
Ma na ilbiyeen Reer Galbeedku mise waa na Marin Habaabiyeen?
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip