RW Rooble Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Munaasabadda Ciidul Fidriga

0
Thursday May 13, 2021 - 11:50:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Rooble Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Munaasabadda Ciidul Fidriga

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo boqolaal dadweyne kula tukaday Salaadda Ciidul Fidriga Masaajidka Isbahaysiga ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho.

"Waxaan rabaa munaasabadan in aan uga faa’iidaysto muhiimmada ay leedahay is cafintu , kulligeen gacmaha aan is qabsanno, kuweena jilicsan gacan qabano, ka wada shaqayno amniga, xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka”.Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in dalku uu ku jiro xili doorasho oo muhiim ah, xukuumadiisuna ay garwadeen ka tahay, isagoo codsaday in loogu duceeyo howsha culus ee loo xil saaray in ilaahay u fududeeyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in loo duceeyo dadkii Soomaaliyeed ee u dhintay qaranka, iyagoo gudanaya waajibka dalkooda ka saaran.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip