Galmudug oo magacaabay Guddi baara dilka Sheekh Caan ah.

0
Thursday May 13, 2021 - 09:34:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo magacaabay Guddi baara dilka Sheekh Caan ah.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasaaradda Amniga dawlad goboleedka Galmudug ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Mudug ee Galmudug ee uu ka geeriyooday samafale Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo afduub iyo dil loogu geystay degmada Gaalkacyo.

    Marxuumku wuxuu ahaa samafale lagu yaqaanay u adeegidda bulshada gobolka Mudug, asagoo ahaa maamulihii guud ee jamciyadda Imaam Nawawi gobolka Mudug, gacantana ku haayay agoon fara badan barbaarintooda, xanaanayntooda iyo waxbaridood ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.Sidoo kale Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay inay dhalleeceyneyso Afduubka iyo dilka foosha xun ee lagula kacay marxuumka, waxayna ku tilmaamaysaa gaboodfal iyo xadgudub loo geystay muwaadin bulshada Galmudug qiimo weyn ugu fadhiyay, geeridiisuna ay taabatay dadka reer Galmudug oo dhan.

"Wasaaradda amnigu waxay tan iyo markii dilkaas uu dhacay ay aruurinaysay xogta la xiriirta shirqoolka iyo dilka loo geystay marxuum Sheekh Cali Dheere, ayadoo wasaaraddu ka duulaysa mas’uuliyadda ka saaran in dilka marxuumku uu helo cadaalad iyo baaris madax-banaan, waxay soo magaacaabaysaa guddi madax banaan oo baarayaal ah oo heer Galmudug ah, waxayna ehelada marxuumka, Bahda Imaam Nawawi iyo bulshada reer Galmudugba ka codsanaysaa in ay is dejiyaan, kana war sugaan illaa inta ay ka soo baxayso natiijada baarista guddiyada.

Ugu danabyn, wasaaradda Amniga Galmudug ayaa ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed xogta baarista lala wadaagi doono hey’adaha sharciga iyo ehelada, ayadoo ciddii lagu helo in ay ka danbaysay shirqoolkaas ama qeyb ka ahayd la horkeeni doono sharciga sida ugu dhaqsaha badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip