Muqdisho & Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciiday

0
Thursday May 13, 2021 - 09:21:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho & Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciiday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo Masaajidda sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida, waxaana Goobaha qaar kala qyeb galay madax kala duwan.

Wadooyinka ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Muqdisho, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda, halka Qaar kale waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Salaada Ciida Mas’uuliyiin & Shacab kula dukaday Masjidka Madaxtooyada, waxaana uu ku baaqay in la caawiyo dadka aan awoodin inay ka qeyb qaataan farxada Ciida.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Shacab iyo mas’uuliyiin waxaa ay kula dukadeen Masaajidyo ku yaal Xarumahooda Madaxtooyada, waxaana ay Shacabka ugu baaqeen inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga.

Dhinaca kale degaannada Soomaaliland ayaa kamid ah meelaha sida weyn Maanta looga ciiday, waxaana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta si isku mid ah looga Ciiday marka laga reebo degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab oo Maalintii labaad ay u tahay Maanta kadib markii shalay ay ciideen Maalintii koobaad.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip