Madaxweyne Muuse Bixii Oo Farriin Cusub U Diray Shacabka Somaliland

0
Wednesday May 12, 2021 - 22:03:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Bixii Oo Farriin Cusub U Diray Shacabka Somaliland

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu Ciidul Fidriga awgeed oo maalinta berri ku beegan dhammaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi ayaa shacabka u rajeeyay sannadkan sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo Alle caafimaad ku wada gaarsiiyo.

"Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo” ayu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in Somaliland ay kusoo wajahan Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xuska 18-May iyo qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Isaga oo sio hadlaayay Biixi ayaa waxaa uu yiri "Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya nabadeena”.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaayay xaaladda COVID-19 ee deegaanada Maamulka ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan COVID-19 uu ka cuslaa sidii horey uu ahaa, isla markaana ay u dhinteen dad badan, isagoo Caafimaad u rajeeyay dadka uu sameeyay Cudurka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip