Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni

0
Wednesday May 12, 2021 - 22:03:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalka Soomaaliya iyo dalakla kale. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip