HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 11-MAY 2021

0
Tuesday May 11, 2021 - 09:40:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 11-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo ku wajahan Uganda & ujeedka…

      Dowladda Uganda waxay bilowday inay xaqiijiso Madaxda ka qeyb geli doonta Munaasabadda Calee ma saarka Madaxweynaha dalkaas oo 12-ka bishan ka dhici doonta Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

    Afhayeenadda Madaxtooyada Uganda, Lindah Nabsayi oo la had ashay Warbaahinta chimpreports. com ayaa sheegtay in Madaxda Dowladaha iyo Ergooyinka ku soo fool leh Kampala maalinta Talaadada (May 13th ) ka mid yihiin Madaxweynayaasha Somalia, Gini iyo R/wasaaraha ka ah dalka Gabon.

     Lindah Nabsayi waxay kaloo tilmaamtay inay Mad axweynayaasha dalalka Mosombique, Burundi, Gab on, South Sudan xaqiijiyeen Ka-qeybgalkooda Muna asbadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha Uganda oo markii 6-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtin imada ee bilowgii sanadkan ka dhacday Uganda.

     Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada ee dalka Uganda,Esther Mbayo waxay sheegtay in 21 Madax Dowladeed oo ka kala socda dalalka Afrika iyo qeyb aha kale ee Caalamka ay xaqiijiyeen inay ka qeyb geli doonaan Munaasabadda caleema-saarka ee Mada xweyne Museveni

    Hadal-qoraal oo ay soo saartay ayey ku sheegtay ijuu Madaxweyne Museveni casuumaadda u kala di ray 42 Madaxweyne, Ra’isul-wasaarayaal iyo Madax Urur-gobaleedyo si ay goobjoog uga noqdan Calee ma-saarkiisa oo la qaban doono maalinta Khamiista ee soo socota.

    Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hay aa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambay say ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.

     Murashaxa Robert Kyagulanyi oo loo garan og ya hay Bob Wine ayaa kaalinta labaad galay, isagoo helay 34.83% .

Musharax Daahir Geelle oo la kulmay waalidiinta Carruurtoodii ku maqan yihiin Eritrea

      Gudoomiyaha Xisbiga Dan Qaran musharrax ma daxweyne danjire Dahir Mohamud Gelle ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddi ka socda waali diinta ka cabanaya in caruurtooda tababarka ciidan lo ogu qaaday eritrea aysan wax war ah ka ahayn ee maalmahaan banaabaxyada ka dhigayeen M/Muqdi sho. Guddiga oo sheegay in ay wax badanna dowladda ka codsadeen inay xog ka si iyaan caruurtooda laakin ay san ka helin ilaa hadda.

Guddiga Waalidiinta ayaa si dhab ah uga xog warra may gudoomiyaha waxa ayna ka codsadeen in gol aha midowga musharraxiinta oo uu afhayeen u yahay ay kaalin ka qaataan sidi ay xog uga heli lahaayeen caruurtooda.

     Gudoomiyaha ayaa guddiga u balan qaaday in ay xoog badan gelidoonaan sidi caruurtaas xog looga he li lahaa haddii tababar ku jiraan loo marin lahaa habka ciidanka tababarka loo sameeyo oo aan cabashada nuucaan ah weli laga keenin.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay qaraxii Habeen hore ka dhacay Muqdisho.

     Madaxweynaha DFS Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka geer iyoodeen saraakiishii, saraakiil  xigeen kii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii Habeen hore ka dhacay M/Muqdisho.

    Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto da dka qaraxyada iyo amni-darrada ka wada M/Muqd isho."Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska D/Wa aberi G/le Axmed Sheekh C/hi Baashane, Sa raakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soo maaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amn iga dalkooda iyo dadkooda”

Saraakiishii ku geeriyootay qarixii Habeen hore oo la Aasay

     Alle ha u naxariistee waxaa Shalay Aas Qaran lo ogu sameeyay Qabuuraha Isbitaalka Xoogga ee M/ Muqdisho taliyahii saldhiga Booliska D/Waaberi Axmed C/hi Baashane iyo Taliye xigeenkii Qeybta Wa liyow cadde G/le Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cag eey , kuwaas oo ku geeriyooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi.

     Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha soomaaliya Jan.Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar ka mid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.

    Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Aaska ka qeyb gal ay iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sheegay inay aad uga nageex dilka labada Sarkaal iyo dadka kale ee qaraxa ku dhin tay, iyaga oo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

     Qarixii ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee G/Banaadir ayaa waxa inta la xaqiijiyay ku dhintay lix Ruux oo isugu jira Saraakiil, Askar iyo Shacab, waxaa na laamaha Amniga sheegeen inay wadaan baritaano la xiriira qaraxa.

Madaxweynaha K/Galbeed oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

     Madaxweynaha D/G/KGalbeed Md.Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Shalay waxaa munaasabadda Maalmaha Ciida Aawgeed uu cafis u fidiyay Maxaabiis ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Maxaabiista oo gaareeysa ilaa 10 rag ah  ayaa waxaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdi casiis laftagareen lagu sheegay in tallabadaan la qaa day kadib talo soo jeedinta Hay’addaha Garsoorka ku na saabsan in cafis loo fidiyo Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo.

     Hoos Ka Akhriso Magacyada Maxaabiiska Mada xweynaha K/Galbeed uu cafiska u fidiyay.

Maxamed Yuusuf ibrahim Ina Nishey Xasan Meyow, 2-Tbraahim Xuseen Maxamed Ina Faduma Cabdi Max amed, Ismacil Cabdi Cali Ina Fadumo Adan Isman, Cabdulahi Warsame Cali Ina Amino Cabdulahi, Shariif Cabdi Maxamed Ina Fadumo Maxamed Ibrahim, Maxamed Cabdi ljaabooy Ina Mirow Cabdiraxamarn Adan, Cabdirashiid Cabdiqadir C/hi Ina Nuuriyo Adan Keerow, Faysal Nuradin Yusuf Ina Fadumo Maxamed Doyow. Maxamed Yusuf Ma xamed Ina Kaltumo Sheekh Maxamed, iyo Xasan Maxam ed Isaq Ina Isha Cali Ibrahim

      Qaar kamid ah Madaxda kale ee dowlad Gobole edyada ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo soc da dhankooda ay cafsi u fidiyaan qaar kamid ah Ma xaabiista ku xiran Xabsiyada degaannada ay maam ulaan.

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

     Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xo ogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan G/Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

    Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaan ka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada Xoogga waxay ku baacsade en maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas dadka mara sta ah ku dhibaateynayay.

     Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminay ay howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u shee gay in ay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo D/ Maxaas ee G/ Hiiraan.

Maxaa beddalay go’aankii Jeesow ee muddo kordhinta?

      Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysi cu sub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

      Jeesow oo ka tirsan xildhibaanada G/Shacabka ee taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaad ay ayaa marka hore wax laga weydii yey waxa bedal ay go’aankiisii uu ku taageeray muddo kordhinta loo same eyey Farmaajo, isaga oo markaas ku goodiyey inuusan marnaba ka laaban karin, isla-markaana ay ku sameyn doonaan xil ka qaadis.

      Xildhibaanka ayaa markale fasiraad ka bixiyey hadalkaasi, maadaama laga noqday muddo kordhintii horey loo sameeyey, isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu aanu wax gor-gorton ah gelin hadalki isii horena uu la xiriiray inuusan cidna kala fariisan karin go’aankii baarlamaanka.

        "Meel xaflad ah ayaan hadalkaasi ka jeediyey waa jirtaa, laakiin madaxweynuhu kama gor-gortamin, sidaan anigu iri waxay aheyd haddii uu ka gorgortamo waa duuban tahay waa la’eegi karaa,” ayuu yiri xil. Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan G/Shacab ka.

     Sidoo kale wuxuu sii raaciyey "Haddaba waan ah ay Nabad iyo Nolol, mana Loos gareynin, kuwa kale na maba isla socono.”

     Si kastaba Jeesow ayaa ka mid ah xubnaha xil dhibaanada ah ee ku xiran Villa Soomaaliya, isla-ma rkaana si weyn ugu ololeeyey go’aankii muddo koo dhinta ee baarlamaanka , taas oo qalalaase siyaasa deed iyo mid dagaal kadib dib looga noqday

DF oo dalbatay in la beddelo ergeyga sare ee Midowga Afrika uu soo diray + Sababta

     DFS ayaa warqad u dirtay M/Afrika, taasi oo ay ku dalbaneysay in la bedelo Ergey sarre oo M/Afrika u qaabilsan Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaab ay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

     Ilo wareedyo diblumaasiyadeed aay Caasimada Online u sheegay in dowladda ay dalbatay in la bede lo Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama oo dhawaan usoo magacaabay Midowga Afrika, ayada oo ku eedeysay inuusan dhex-dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya.

     Arrinta u weyn ee dowladda waqtigeeda dhamaad ay u dalbaneyso bedelka Ergeygan cusub ayaa ah inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, oo xii sad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka.

     Dowladda ayaa ka cabsi qabta in danahaas ganac si dartood ay ergeyga saameyn ku yeelan karto dowl adda Kenya oo xiisad ay kala dhaxeyso madaxweyne Farmaajo, inkastoo dhowaan xiriirka diblomaasiyade ed ee laba dal lasoo celiyey.

      Midowga Afrika ayaa wajahaya cadaadisyo dhowr ah oo ku aadan is-diidooyinka siyaasadeed ee Soom aaliya oo uu dhawaan ku dhawaaqay dhex-dhexaadin tooda, xili ay degtay xiisadii ka dhalatay dagaalkii Mu qdisho.

     Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor qaaday tallaa bo deg-deg ah oo ay mid kamid ah diblomaasiyiinta u gu saraysa kooxda dhex-dhexaadinta Soomaaliya u ga saarayaan xubnaha ay magacaabeyn kadib markii ay sidaas codsadeen Midowga Musharixiinta.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in Midowga Afrika uu tallaabadaas qaaday kadib cadaadis uga yimid xu bno ka tirsan Beesha Caalamka iyo dacwad ay gud biyeen xubnaha Midowga Musharixiinta oo si toos ah u soo dhaweeyey ergeyga loo soo magacaabay dhex-dhexaadinta balse walaac ka muujiyey in Babatunde Taiwo uu kamid ah noqdo la taliyeyaasha madaxa dhex-dhexaadinta.

     Babatunde Taiwo ayaa ah madaxa qeybta Arrim aha Siyaasada ee AMISOM, waxayna midowga mush arixiinta ku eedeeyen inuu la shaqeeyo madaxweyna ha waqtigiisa dhammaaday Maxamed C/hi Farmaajo.

Midowga Afrika ayaa markale wajahaya cadaadis uga imaanaya dowladda waqtigeeda dhamaaday, lamana oga in Guddoonka uu hogaansami doono fulinta dalabkaas iyo cidda lagu beddeli doono Mahama.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Muuse Biixi oo Guddoomiyay kulan looga hadlayay doorashooyinka

     Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey kulan lagu lafo-guray arri maha qabsoomidda doorashoo yinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka, kaas oo Shalay ka qabsoomay xaru nta qasriga madaxtooyada.

Shirkan uu guddoominayey ma daxweynuhu, ayaa waxa ku wehelinayey madaxwey ne-ku-xigeenka, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xu bnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxk amadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana ay dhi nacyadu si qoto u lafo-gureen sidii ay u dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhi nac waliba diyaar u noqdo inuu u hagarbaxa qabsoo midda doorashada.

     Ugu horrayn waxa halkaas warbiximo muhiim ah oo dhinaca doorashada ah, lagaga dhegaystay xubn aha Komishanka doorashooyinka, waxana ay tilmaam een inay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WAD DANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ci rro) oo halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in ay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalso oni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta.

     Madaxweynaha  Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horr ayn madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaa rgarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xu bnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay diyaariyaan doora sho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabso omiddeedana la wada sugayo.

     Madaxweynuhu waxa uu Akhriyey qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka  ay qabsadeen, ku waas oo ay ugu muc weyn yihiin tirada maalmaha olo laha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaa ma oo waqtigu kooban yahay, waxana uu yidi,"Wax aynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, we liba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fag aaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goob ta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgely ada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culays ka eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahoo da u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.”Madaxweynuhu isagoo sharraxaya waxyaabaha kale ee shirka la iskula qaatay waxa uu intaas ku dar ay, "Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goob taas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada   xisbiyada uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha wax aynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in had dii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka ho re waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u  ima naysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaan na oo ay dacwad tagt ona dacwadd aas waxa ka wakiil ah xisbiya da.”

     Ugu dambayntii waxa uu mad axweynuhu caddeey ey inay xukuumad ahaan diyaar iyeen Kharashkii iyo ilaalinta dha mmaanba goobaha ay doorasha du ka qab soomi doonto, isaga oo bulsh ada reer Somalilan d-na usoo jeediyey inay doorasha da u diyaar garoo baan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada.

Axmed Karaash oo qaabilay Wakiilka Hay’adda IOM ee Soomaaliya

      Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madax weyne ku-xigeenka Maamulkaas Ax med Cilmi Cism aan Karaash, ayaa Shalay qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’ adda socdaalka adduunka (IOM) ee Soomaaliya Ri chard Danziger.

    Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Gola ha Wasiirada iyo Saraa kiil Madaxtooyo, waxaa looga hadlay dar-dargelinta ka hortagga tahr iibta iyo caaw imaada qaxootiga kasoo tallaaba xuduudaha Puntl and.

Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland, ayaa Hay’adda IOM uga mahadceliyay doorka lixaad ka leh ee ay ma rwalba ka qaadato kobcinta iyo taye ynta Hay’adaha dowliga ah ee Puntland.

Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya dad kii lagu wax yeeleeyey Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa.

     Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa inuu Shalay  ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta  Mag aalada Qaahira ee dalka Masar.

        Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya dadkii lagu wax yeeleey ey Masjidka Barakaysan ee  Al-Aq sa.Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falas tini iyiinta ee  ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoom in doo na  Dowladda Qadar.

     Shirkan deg deg ah ee looga hadla yo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan   dad ku cibaadey sanayo Masjidka  Al-aqsa ayaa codsig iisu ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta

Eedeysanayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Daroogo

    Afhayeenka Ciiddanka Sacuudiga ee Ilaalada Xud uudaha, Kolonel  Masfar Bin Qanaam Al-Qurayni ay aa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 Eedeysane oo doonayey inay si Tahriib ah Xashiish iyo Qaad ku soo geliyaan Sacuudiga.

     Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaaaha la gu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay magaallooyinka Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga, una dhow Xuduudka Yemen.

      Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan  la gu qabtay 802 Kiilo oo Xashi ish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah.      Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah.

      Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaaloo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqa da leh Dembiyada loo haysto.

Rabshado kale oo ka dhacay Masjidka Al-Aqsa

     Rabshado ayaa markale Isniinta Shalay ah ku dhex maray ciidamada ammaanka Israel iyo Falasti iniyiin cibaadaysanayay agagaarka masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, ayada oo ciidamada ay galeen gudaha masjidka.

     Hay’adda Bisha Cas ee Falast iin ayaa sheegtay in boqolaal la gu dhaawacay iska hor imaadyo cusub oo dhacay Isniinta Shalay ah, rabshada ha oo yimid waxyar ka hor soc od qor sheysan oo lagu xu so 1967-kii oo ay Israel qabsatay magaaladan barak eysan.     Iska horimaadyadan ayaa ahaa kuwii ugu x umaa ee ka dhaca Qudus tan & 2017. Goob joo gay aal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambaanooyinka aan qarxin ku rideen masjidka, halka dadka cibaadays anayay ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku tuureen ci idamada Israel. Wa xaa jira wa rar she egaya daraasiin qof ay dhaa wacme en, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 oo la dhigay isb itaal ada. Dagaallada ayaa ka dhacay irdaha dhisma ha Ma sjidka al-Aqsa ee Magaalada qadiimka ah.

      Iska horimaadyada Shalay ayaa dhacay saacado ka hor munaasabadda sanadlaha ah ee Maalinta Qu dus, oo ah maalin ay Israa’iiliyiintu u dabaaldegaan sheegashada Israel ee gabi ahaan M/Qud us.

Ka qeybgaleyaasha ayaa socod ku mari doona M/ Qadiimiga ah, oo qayb ka ah bariga Qudus, taas oo Israel ay qabsatay islamarkaana goosatay xilligii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

    Laakiin maamulka Israel ayaa si ku meel gaar ah uga mamnuucay Yuhuudda in ay booqdaan goobta barakaysan isku dhacyada halkaasi ka jira awgeed.

ay sameey karaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.  

Sidee loo gudan doonaa waajibaadka xajka ee sanadkan?

     Wasaaradda Xajka ee dalka Boqortooyada Sacu udi Carabiya ayaa shaacisay in sanadkan muslimiintu si caadi ah u gudan doonaan waajibaadka xajka.

Wasaaraddu wax faahfaahin dheeri ah kama aanay bixinin qaabka loo xajin doono.

     Waxa ay sheegtay in gudashada xajku ay noqon doonto mid waafaqsan halbeegyada caafimaad iyo ammaan ee lagu damaanad qaadayo bedqabka xuj eyda si ay u gutaan waajibaadkooda.

    Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu shee gay in laamaha caafimaadka ee boqortooyadu ay qii meyn doonaan xaaladda isla markaana ay qaadi do onaan tallaabooyinka ku habboon ee caafimaadka xuj eyda lagu ilaalin karo.

     Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dib ka shaacin doonto faahfaahinta hannaanka iyo qorshaha xajka ee sanadkan. Hadalka ka soo baxay Sacuudiga ayaa yimi kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay shaacisay in maamulka Sacuudigu ka baaraandagaya an sidii ay u joojin lahaayeen dadka ka soo xajinaya dalal ka baxsan Sacuudiga sanadkii labaad.

    Wakaaladda oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ay aa sheegtay in Sacuudigu arrinkaa u sababeynayo fa afitaanka xanuunka Covid-19. Ilaha ay wakaaladdu soo xigatay ayaa sheegay in D/ Sacuudigu aanay wali qaadanin goa’aan kama dambeys ah oo ku saabsan xajka sanadkan iyo sida uu noqonayo.

     Wararka ayaa sheegaya in Sacuudigu markii hore qorsheeyay inuu fursad siiyo xujeyda ka imanaysa da lalka shisheeye ee wata caddeynta tallaalka Covid-19 hase yeeshee uu qorshahaasi socon waayay ka dib markii shaki la geliyay tayada tallaallada qaar iyo soo ifbaxa wejiyo cusub oo uu xanuunku la soo baxay ta as oo masuulyiinta dalkaas ku riixday inay dib u eegis ku sameeyaan arrimaha xajka ee sanad kan

Waare Oo Shaaciyay Wasaaraddo Xayiray Dhaq aale Beesha Caalamka Ugu Deeqday Fataahadaha

      Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hir shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta ku eedeeyay inay xayireen dhaqaale farabadan oo loogu tala-galay in wax looga qabto fataaha daha Wabiga Shabeelle.

Waare oo Qoraal soo saaray ayaa wax aa uu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha Xukuumadda ay xayiraad saaran in ka badan

35 milyan dollar oo Beesha Caalamka ugu deeqday fataahadaha Wabiga.

     Lacagtaan la xayiray ayuu tilmaamay Madaxwey nihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inay sigaar ugu deeqeen wax ka qabashada daadad ka fataahadaha Wabiga dowladdaha Talyaaniga, Sw eden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip