Halkee La Kala Marayaa Gooldhalinta Horyaalka Premier League Ka Dib Kulamadii La Ciyaaray Isbuucaan.

0
Monday April 04, 2016 - 10:47:09 in Sports News by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee La Kala Marayaa Gooldhalinta Horyaalka Premier League Ka Dib Kulamadii La Ciyaaray Isbuucaan.

    Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League isagoo isbuucaan jabiyay rikoorkii Gareth Bale ee kooxda Tottenham ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii 22aad ee xilli ciyaareedka ee horyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League isagoo isbuucaan jabiyay rikoorkii Gareth Bale ee kooxda Tottenham ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii 22aad ee xilli ciyaareedka ee horyaalka Ingariiska kulankii ay barbaro 1-1 la galeen kooxda Liverpool.

Waxa uu seddex gool ka sareeyaa xiddiga ku soo xiga ee kaalinta labaad Jamie Vardy kaasoo mar kale ku guuldareystay inuu shabaqa u soo taabto kooxda hogaanka heysa ee Leicester inkastoo ay shalayto ka badiyeen kooxda Southampton waxaana uu weli leeyahay 19 gool.

Top Scorers

Waxaa kaalinta seddexaad ku jira Romelu Lukaku kaasoo kooxdiisa Everton ka celin wayay guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay kooxda Man United isagoo leh 18 gool. Waxaana ku soo dhow weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero kaasoo isbuucaan dhaliyay goolkiisii 17aad ee xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League.

Riyad Mahrez ayaa isna leh 16 gool, halka weeraryahanka Watford Odion Ighalo uu isna leeyahay 14 gool, Oliver Giroud iyo Jermaine Defoe ayaa iyagana leh min 12 dhibcood halka weeraryahanka Chelsea ee ganaaxa ku maqan Diego Costa uu dhaliyay 11 gool.

KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA PREMIER LEAGUE:

22 gool – Harry Kane

19 gool – Jamie Vardy

18 gool – Romelu Lukaku

17 gool – Sergio Aguero

16 gool – Riyad Mahrez

14 gool – Odion Ighalo

12 gool – Oliver Giroud, Jermaine Defoe

11 gool – Diego Costa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip