Mohamed Salah Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Isaga Diiday Liverpool Una Doortay Chelsea.

0
Monday April 04, 2016 - 10:43:26 in Sports News by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Isaga Diiday Liverpool Una Doortay Chelsea.

    Xiddiga garabka ka ciyaara Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaa inuu ka tago Basel oo uu ku biiro Liverpool bishii Janaayo 2014 laakiin waxa uu ugu danbeyn xushay Chelsea ka dib markii uu soo wacay Jose Mourinho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga garabka ka ciyaara Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaa inuu ka tago Basel oo uu ku biiro Liverpool bishii Janaayo 2014 laakiin waxa uu ugu danbeyn xushay Chelsea ka dib markii uu soo wacay Jose Mourinho.

Wadahadalada u dhaxeeyay Liverpool iyo Basel ayaa socday in muddo ah, waxaana Salah uu doonayay inuu u wareego Anfield.

Si kastaba, Chelsea ayaa soo dhexgashay oo u soo jiiday Stamford Bridge, waxaana uu xiddiga reer Masar uu shaaca ka qaaday in wadahadal uu la yeeshay Mourinho inay keentay inuu iska diido Reds oo uu u dhaqaaqo London.

mohamed-salah-cropped_4iu5qcpogj415no0xyshwdc8

"Liverpool waxa ay i dooneysay muddo bilooyin ah. Waxa ay wadahadalo bilaabeen bishii Oktoobar 2013” ayuu Salah u sheegay MBC Masr.

"Wadahadalada waxa ay socdeen in muddo ah, sababtoo ah Basel ayaa diiday in ka badan hal dalab oo ay soo gudbiyeen. Waxa ay dareemeen in lacagta aysan badneen. Waxaan sugayay in Liverpool iyo Basel ay heshiiyaan sababtoo ah xaqiiq ahaan waan jeclahay Liverpool. Waxaana doonayay inaan ku biiro iyaga.

"Laakiin ka dib waxaa i soo wacay Mourinho, wicitaankaas ayaana bedelay wax walba. Waxa uu ii sharxay xaalada, waxaana uu ii sheegay inuu doonayay inaan ugu imaado Chelsea. Taas ayaana aheyd sababtii ugu weyneyd ee aan ugu biiray Chelsea.

Mourinho ayaa ii sheegay inaan ahay ciyaaryahan fiican islamarkaana uu doonayo inaan imaado Chelsea.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip