Akhristayaasha Jariirada Marca Oo Soo Xushay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee El Clasico – Cristiano Ronaldo Oo Boos Loo Waayay.

0
Saturday April 02, 2016 - 10:23:49 in Sports News by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhristayaasha Jariirada Marca Oo Soo Xushay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee El Clasico – Cristiano Ronaldo Oo Boos Loo Waayay.

    Jariirada magaalada Madrid ka soo baxda ee Marca ayaa codbixin ka sameysay inay akhristayaashooda soo xulaan shaxda ugu fiican ee isku darka labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ee El Clasico, waxaana gabi ahaanba laga tagay Cristiano Ronaldo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada magaalada Madrid ka soo baxda ee Marca ayaa codbixin ka sameysay inay akhristayaashooda soo xulaan shaxda ugu fiican ee isku darka labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ee El Clasico, waxaana gabi ahaanba laga tagay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga codadka ugu badan ka helay codbixinta Marca waa Lionel Messi, waxaana xiddiga ku guuleystay Ballon d’Or uu weerarka shaxda isku dhafka ah kula biiray asxaabtiisa MSN ee Neymar iyo Luis Suarez kuwaasoo ka cod batay weeraryahanka reer Portugal.

14595290616276

Waxaana codbixinta Marca ay dhaawac weyn ku tahay weerarka Real Madrid ee BBC oo uu Zinedine Zidane ku tashanayo kulanka caawa iyadoo Gareth Bale iyo Karim Benzema ay iyagana soo geli waayeen shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Dhanka goolka waxaa ku helay goolhayaha Real Madrid Keylor Navas kaasoo labo jibaar in ka badan ku garaacay codadka goolhayaha Barcelona Claudio Bravo.

14595276355299

Tartanka ugu weyn ee daafaca waxa lagu galay dhanka daafaca midig, halkaasoo Dani Alves uu si ciriiri ah kaga badiyay Dani Carvajal iyadoo wadar ahaan ay codbixinta jariirada Marca ka qeyb qaateen 40 kun akhristayaal ah.

Sergio Ramos iyo Marcelo ayaa dhanka daafaca ka soo galay Real Madrid, laakiin waxa ay ka mid yihiin afar ciyaaryahan oo Los Blancos kaga jirta shaxdaan, iyadoo Gerard Pique uu noqday daaficii ugu codadka badnaa.

Luka Modric ayaa isna khadka dhexe la wadaagay labo ciyaaryahan oo Barcelona ah Andres Iniesta iyo Sergio Busquets. Waxaana si ciriiri ah ku seegay shaxdaan Ivan Rakitic, Toni Kroos iyo James Rodriguez.

14595275249321




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip