Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Caawa Anfield Ku Dhexmaraya Liverpool Iyo Tottenham.

0
Saturday April 02, 2016 - 10:19:08 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Caawa Anfield Ku Dhexmaraya Liverpool Iyo Tottenham.

    Liverpool v Tottenham Kulanka: Premier League Garoonka: Anfield Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Jonathan Moss

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool v Tottenham Kulanka: Premier League Garoonka: Anfield Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Jonathan Moss

Liverpool ayaa weli bartamaha kaga jirta dhibaatada ay ku qabto qaab ciyaareed aan joogta aheyn, waxaana ay taasi xaqiijiyeen 90kii daqiiqo ee kulankii Southampton, laakiin safarta ay u galayaan Anfield ayaa tijaabo rasmi ah u ah kooxda Tottenham iyo hamigeeda hanashada horyaalka.

Kooxda martida ah waxa ay kaliya badisay hal kulan 21 kulan oo horyaalka ah oo ay booqdeen Liverpool, waxaana ay kaliya 9 dhibcood ka heleen 63 dhibcood oo ay Anfield u doonteen. Laakiin Harry Kane oo hal gool u jira inuu jabiyo rikoorka goolasha Premier League ee Spurs iyo Dele Alli oo wajahaya kooxdii iska indhotirtay inay la soo wareegto, Mauricio Pochettino waxa uu heystaa xiddigo tayo leh oo uu fariin ku diri karo.

Screen-Shot-2015-02-09-at-23.09.11

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga Liverpool Roberto Firmimo ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa isagoo dhibaato ka qaba muruqa, halka weeraryahan Christian Benteke uu isna ku seegaya kulanka caawa dhaawac jilibka ah.

Divock Origi ayaa taam ah inkastoo uu dhaawac ku seegay kulamadii xulka Belgium ee saaxiibtinimo.

James Milner ayaa ka soo laabanaya ganaax, halka Alberto Moreno uu diyaar yahay ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.

Daafaca kooxda Tottenham Toby Alderweireld ayaa ciyaaraya inkastoo uu xumad ku seegay kulankii ay guuldarada xulka Belgium ka soo gaartay xulka Portugal.

Erik Lamela ayaa shaki uu ku jiraa isagoo ku soo dhaawacmay intii uu la maqnaa xulkiisa, halka Jan Vertonghen uu seegayo kulankaan laakiin waxa uu ku dhow yahay inuu soo laabto.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3):Mignolet; Cylne, Lovren, Sakho, Flanagan; Henderson, Can, Milner; Firmino, Sturridge, Coutinho.
 
Tottenham (4-2-3-1):Lloris; Rose, Wimmer, Alderweireld, Walker; Dembele, Dier; Eriksen, Alli, Lamela; Kane.

MA OGTAHAY?

  • Liverpool ayaan laga badinin lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Tottenham, iyagoo badiyay shan ka mid ah.
  • Kooxda Reds ayaa kaliya hal kulan laga badiyay 21kii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay gurigooda kula ciyaareen kooxda Spurs.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip