Bal Qiyaas Ciyaaryahankee Dhalin Kara Goolkiisii 500aad Ee Waayihiisa Ciyaareed Kulanka Caawa Ee El Clasico.

0
Saturday April 02, 2016 - 10:03:42 in Sports News by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal Qiyaas Ciyaaryahankee Dhalin Kara Goolkiisii 500aad Ee Waayihiisa Ciyaareed Kulanka Caawa Ee El Clasico.

    Luis Enriqueayaa ku amaanay Lionel Messi rikoorka uu gaari karo kulanka caawa ee Barcelona soo dhaweyneyso kooxda Real Madrid, iyadoo haddii uu xiddiga reer Argentina uu shabaqa soo taabto ay noqon doonto goolkiisii 500aad eeuudhaliyo waayihiisa ciya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Enriqueayaa ku amaanay Lionel Messi rikoorka uu gaari karo kulanka caawa ee Barcelona soo dhaweyneyso kooxda Real Madrid, iyadoo haddii uu xiddiga reer Argentina uu shabaqa soo taabto ay noqon doonto goolkiisii 500aad eeuudhaliyo waayihiisa ciyaareed.

Messi ayaa 449 gool u dhaliyay Barcelona, halka uu 50 gool kale u dhaliyay xulkiisa Argentina, taasoo ka dhigeysa goolkiisa 500aad haddii uu Camp Nou caawa shabaqa ku soo taabto.

Luis Enrique ayaa qirtay in istaatistikada 28 jirkaan inay tahay mid qariib ah, waxaana uu dareensan yahay in ciyaartoyda kale ay ku dhibtoon lahaayeen inay tiradaan gaaraan xitaa haddii ay xisaabiyaan goolasha ay ku dhaliyeen garoonka tababarka.

messi.iniesta.ronaldo.blog

"Messi waxa uu qarka u saaran yahay goolkiisii 500aad ee waayihiisa ciyaareed, waana wax kale oo duni kale ka yimid.” ayuu Luis Enrique ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

"Ciyaartoyda caadiga ah xitaa ma aysan gaareen tiradaas haddii ay xisaabsadaan goolashooda tababarka.

"Waxaan arkay wajiyada Messi iyo ciyaartoyda kale. Waxa ay u waalanayaa inay ciyaaraan oo ay badiyaan kulanka Clasico.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip